Magaalada Beledweyne oo ay xalay ku dagaalameen Al-Shabaab iyo ciidamada dowladda.

Beledweyne (2)Dagaal xoogan oo xalay dhexmaray ciidamada dowlada iyo Amisom oo isku dhinac ah iyo Malayshiyaadka kooxda Al-Shabaab oo geystay qasaare isugu jirta dhismaho iyo dhaawac faro badan ayaa ka dhacay magaalada Beledweyne ee Gobolka Hiiraan.

Dagaalka ayaa sida ay sheegeen ilo kala duwan waxaa Maleeshiyaadka Al-Shabaab looga dilay ilaa 17 askari oo ay ku jiraan laba ka tirsan ragii ciidanka hogaaminaayay, waxaana si gaar ah loo tilmaamay C/raxmaan Qaxwo inkastoo aanu jirin cid si rasmi u ah xaqiijineysa waxyeelada Al-shabaab soo gaartay.

Dhanka ciidanka dowlada iyo kuwa Amisom iyana sidoo kale lama oga qasaaraha dhankooda walow la sheegay in dhimasho iyo dhaawac ay jiraan. Ciidamada dowlada oo ay hogaaminayaan maamulka ugu sareeya ee gobalka iyo saraakiisha ciidamada ayaa lasheegay in ay usii dhaqaaqeen dhanka deegaanada la aaminsan yahay in ay shabaabku iska soo abaabulaan.

Si kasta ha ahaatee waa dagaalkii ugu horeeyay ee ay ciidamada Jabuti ee Amisom ay ka galaan gudaha Baladweyne tan iyo markii ay gobolkaas gaareen mudo ka badan 6 bilood.

About these ads
Follow

Get every new post delivered to your Inbox.

Join 4,831 other followers

%d bloggers like this: