Maxey tahay ujeedada laga leeyahay Shirka arrimaha Soomaaliya ee dalka Ingiriiska lagu qaban doono sanadkaan.

uk-somalia flagsDowladda Ingiriiska ayaa shaaca ka qaaday xiliga uu qabsoomayo shir ku saabsan arrimaha Soomaaliya oo ay si wadajir ah u wada martigelinayaan dowladaha Soomaaliya iyo Britain kaas oo lagi qaban doono dalka Ingiriiska, bartamaha sanadkaann. HOOS KA AKHRI ORIGINAL QORAALKA R/WASAARE CAMERON

War lagu daabacay Bogga warfaafinta xukuumadda R/wasaare David Cameron ee loo yaqaan N0-10 Downing Street ayaa lagu sheegay in Mr. Cameron uu qadka Taleefoonka kula hadlay madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh, isla markaana ay isla garteen in ay wada martigeliyaan shir caalami ah kaas oo London ka dhacaya 7-da May ee sanadkan 2013-ka. HALKAAN KA AKHRI QORAALKA R/WASAARE CAMERON

Waxaa warkaas lagu sheegay in shirkaan uu yahay mid dabajooga shirkii bishii Feberaayo ee sanadkii hore ee 2012-kii ka dhacay dalka Ingiriiska, kaas oo uu sheegay inuu ahaa mid lagu guuleystay sida uu yiri, imminkana ladoonayo in lasii xoojiyo oo dowladda Soomaaliya garab laguy siiyo sidii ay lugaheeda ugu istaagi lahayd.

Warka ayaa lagu sheegay in shirkaasi oo ay ka soo qeyb geli doonaan wadamada daneeya arrimaha Soomaaliya iyo kooxda dhaqaalahoodu hore u maray ee G8 ay ujeedadiisu tahay in diiradda lagu saaro dib u dhiska dalka Soomaaliya iyo sidii dowladda Soomaaliya ay ugu suurta geli lahayd in ay lugaheeda dib ugu iostaagto, labaatan sano oo fowdo ahayd ka dib.

R/Wasaare Camron ayaa sidoo kale madaxweynaha Soomaaliya kala hadlay sida ugu sahlan ee kooxda Al-Shabaab oo hadda lajebiyey ay suurta gal ku noqon karto in aysan dib dambe isku soo abaabulin, isagoo sidoo kale ugu hambalyeeyay qorshaha dowladda Soomaaliya iyo muhiimad siinta nabadgelyada iyo aasaaska hay’adihii dowladnimo.

SomaliSwiss London

SomaliSwiss@hotmail.com

About these ads
Follow

Get every new post delivered to your Inbox.

Join 4,463 other followers

%d bloggers like this: