Kooxda Al-Shabaab oo dad rayid ah ku toogtay bartamaha Jilib, halka ay Oday dhaqameedyana ku xirxireen Bu’aale.

Toogasho 4Kooxda Al-Shabaab ee Alqaacidada soomaaliya ayaa shalay laba qofood oo shacab ah ku dilay degmada Jilib ee gobbolka Jubbada Dhexe, kuwaas oo ay xarakadu ku eedeysay in ay Al-shabaab xogtooda meelo kale u gudbinayeen.

Labadaan qof oo rayidka ah oo ay shalay gelinkii dambe ku toogteen meel fagaare ah, bartamaha degmada Jilib ayaysan jirin wax cadeynaya in dadkaas ay ku lug lahaayeen, falka lagu eedeeyay, iyadoo hore kooxdaan loogu yaqaannay in ay toogtaan dadka ka soo horjeeda ama diida waxyaabaha ay dadka ku qasbaan ee ah in ay hanti bixiyaan.

Shacabka soomaaliyeed dhegihiisa kuma cusba dad ay al-shabaab gumaadeen iyagoo sheegaya in ay basaasiin u ahaayeen dad iyaga ka soo horjeeda, inkastoo sheegashooyinka alshabaab badankood ay dadka xogtooda og sheegaan in ays xaqiidu sidaas ka fogtahay oo ay ku salaysan tahay cabsi gelinta dadka.

Dhinaca kale, Wararka naga soo gaaraya magaalada Bu’aalle ee xarunta gobbolka Jubbada Dhexe ayaa sheegaya in kooxdaasi Shabaab ay degmadaasi ku xir xireen ilaa 5 odey dhaqameyd kuwaasoo ka mid ah odayaasha sida weyn looga yaqaano magaalada Bu’aale.

Odayaashaan ay Shabaab xir xireen ayaa la sheegay inay xariir la lahaayeen Maamulka magaalada Kismaayo, waxaana sidoo kale ay ilo wareedyo ku suggan Bu’aalle xaqiijiyeen in odayaashaas lagu eedeeyay in ay wada shaqeyni kala dhexeyso maamulka xilkii kala wareegay Al-shabaab ee Kismaayo.

SomaliSwiss  baydhabo.

SomaliSwiss@hotmail.com

About these ads
Follow

Get every new post delivered to your Inbox.

Join 4,717 other followers

%d bloggers like this: