Dowladda Faransiiska oo sheegtay in 1 askari uu ka dhintay mid kalena lagu la’yahay, weerar ay ciidankooda ka fuliyeen gudaha Somalia.

cidanka_franceWasaaradda difaaca Faransiiska ayaa sheegtay in 1 askari uu uga dhintay mid kalena la la’yahay kadib weerar ay ciidankooda ka fuliyeen gudaha dalka Soomaaliya, si ay usoo furtaan lahayste Faransiis ah oo ay kooxda Al-Shabaab ku haystaan Soomaaliya tan iyo sannadkii 2009.

Hawl galkan ayaa la sheegay in Ciidamada Dawladda Faransiiska ay ku doonayeen in ay ku Furtaan la haystihii u dhashay Dalka Faransiiska oo sida Xog ay heleen ay ku sheegeen in Danis Alex lagu haysto qaybo ka mid ah Gobolka Shabeelaha Hoose.

Saraakiil Faransiis ah ayaa sheegay in lahaystaha Faransiiska oo lagu magacaabo Denis Allex lagu dilay weerarkaasi lagu soo furanayay.

Wasaaradda ayaa sidoo kale sheegtay in ay dileen 17 dagaalyahaniinta Al-Shabaab ee Soomaalida ah.

Ururka Al-Shabaab ayaa sheegay in Alex Denis uu weli nool yahay, uuna ka fogaa goobta lagu dagaalamay, waxayna Al-Shabaab ku tilmaantay qorshihii soo furashada Alex Denis mid guul dareystay.

Weerarka soo furashada ayaa bilowday kadib markii ciidamo ka tirsan kumaandoosta Faransiisku oo watay diyaaradaha Helicopterradu ay weerareen guri ku yaalla tuulada Buula-Mareer oo ka tirsan gobolka Shabeellada Hoose.

Goobjoogayaal ku sugan Buula-Mareer ayaa sheegay in ay maqleen rasaas iyo qaraxyo wax yar ka dib markii diyaaradaha qumaatiga u kaca ee helicopters-ku ay soo weerareen halkaasi.

Sidoo kalena waxaa ay sheegeen in ay arkeen dadku dhintay dagaalka, inkastoo aysan kala cadeyn tirada dadka dhintay.

SomaliSwiss Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

About these ads
Follow

Get every new post delivered to your Inbox.

Join 4,723 other followers

%d bloggers like this: