Liiska Magacyada 25 Wasiir Kuxigeen iyo Wasiiru Dowle oo uu maanta magacaabay R/wasaaraha dalka Soomaaliya.

Ansixin_baarlamaanka_RW_cusub_Saacid_4R/Wasaaraha Soomaaliya, Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) ayaa maanta ku dhawaaqay inuu soo dhameys tiray xubnaha golaha wasiirrada xukuumadda Soomaaliya, isagoo magacaabay 20 Wasiir ku xigeen iyo 5 Wasiiru dowle, xubnahaas uu magacaabay ee lagu dhawaaqayna waxay kala yihiin sidaan: HOOS KA AKHRI LIISKA MAGACYADA

Magacyada wasiir ku xigeennada ayaa waxay kala yihiin:

1. Inj. Maxamed Aadan Axmed, wasiir ku xigeenka wasaaradda arrimaha dibadda
2. Jamaal Maxamed Barrow, wasiir ku xigeenka wasaaradda arrimaha dibadda
3. Xasan Ibraahim Maxamed, wasiir ku xigeenka wasaaradda arrimaha gudaha iyo A. Qaranka
4. Jaamac Axmed Maxamed, wasiir ku xigeenka wasaaradda arrimaha gudaha iyo A. Qaranka
5. Maxamed Axmed Aadan, wasiir ku xigeenka wasaaradda maaliyadda iyo qorsheynta
6. Abuukar Xasan Cali, wasiir ku xigeenka wasaaradda maaliyadda iyo qorsheynta
7. Bashiir Maxmaed Jaamac, wasiir ku xigeenka wasaaradda horumarinta adeegga bulshada
8. Maxamuud Macallin Yaxye, wasiir ku xigeenka wasaaradda horumarinta adeegga bulshada
9. Fahmo Axmed Nuur, wasiir ku xigeenka wasaaradda cadaaladda, diinta iyo owqaafka
10. Xasan Maxamed Jimcaale, wasiir ku xigeenka wasaaradda cadaaladda, diinta iyo owqaafka
11. Nadiifo Maxamed Cismaan, wasiir ku xigeenka wasaaradda howlaha guud iyo dib u dhiska
12. Cali Sheekh Maxamed Nuur, wasiir ku xigeenka wasaaradda howlaha guud iyo dib u dhiska
13. Siciido Xasan Cismaan, wasiir ku xigeenka wasaaradda kheyraadka dalka
14. C/raxmaan Maxamed Geeddi, wasiir ku xigeenka wasaaradda kheyraadka dalka
15. Axmed Maxamed Maxamuud, wasiir ku xigeenka wasaaradda gaashaandhigga
16. C/raxmaan Kulmiye Xiris (C. Dheere), wasiir ku xigeenka wasaaradda gaashaandhigga
17. C/qadir Shekh Ismaciil, wasiir ku xigeenka wasaaradda ganacsiga iyo warshadaha
18. Maxamed Cali Xagaa, wasiir ku xigeenka wasaaradda ganacsiga iyo warshadaha
19. C/shakuur Cali Mire, wasiirka ku xigeenka wasaaradda warfaafinta iyo isgaasriinta
20. Ibraahim Yaroow Isaaq, wasiirka ku xigeenka wasaaradda warfaafinta iyo isgaasriinta

Magacyada wasiiru dowlayaasha la magacaabay oo shan ah  ayaa kala ah:

1. Cabdi Faarax Sh. C/qaadir Maxamuud, wasiir u dowlaha xafiiska madaxweynaha Soomaaliya
2. Dr. Maxamed Nuur Gacan, wasiir u dowlaha wasaaradda arrimaha dibadda
3. Mahdi Nuur Cali, wasiir u dowlaha wasaaradda arrimaha gudaha iyo amniga Qaranka
4. Maxamed Rashiid Sheekh Daahir, wasiir u dowlaha wasaaradda maaliyadda iyo qorsheynta
5. Max’ud Ismaaciil Barqadle, wasiir u dowlaha wasaaradda horumarinta adeegga bulshada

Wasiir u dowlayaasha iyo wasiir ku xigeennada la magacaabay maanta ayaa waxay ka dhigayaan tirada golaha wasiirrada xukuumadda Soomaaliya 35 xubnood, iyadoo ay xukuumadan noqonayso tii ugu tirada yarayd ee la magacaabo tan iyo markii ay dhacday xukuumaddii dhexe ee Soomaaliya labaatan sano ka hor.

SomaliSwiss Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

About these ads
Follow

Get every new post delivered to your Inbox.

Join 3,416 other followers

%d bloggers like this: