Waxaa maanta magaalada Muqdisho booqasho rasmi ah ku yimid wafdi ballaaran oo uu hogaaminayo Guddoomiyaha baarlamanka dalka aan walaalaha nahay ee Jabuuti Idiris Cali. Xubnaha Barlamaanka ee ka socday walaalaha Jabuuti ayaa waxaa si weyn garoonka diyaaradaha Muqdisho ugu soo dhaweeyay dhigiisa dalka Soomaaliya Prof Jawaari, xildhibaano, saraakiil ka tirsan ciidamada Qaranka Soomaaliya iyo kuwa AMISOM gaar ahaan kuwa walaalaha reer Jabuuti iyo dadweyne aad u farabadan. HOOS KA DAAWO VIDEO.
Markii ay wafdiga ka soo dageen garoonka ayaa waxaa shir jaraa’id si wadajir ah u qabtay guddoomiyaha baarlamanka Jabuuti iyo guddoomiyaha baarlamanka Soomaaliya Mudane Prof. Jawaari wucuuna sheegay in imaashaha afhayeenka baarlamanka Jabuuti uu yahay mid xoojinaya xiriirka ka dhaxeeya labada dal iyo labada Barlamaan, wuxuuna carabka ku dhuftay in uu yahay guddoomiyihii ugu horeeyay oo ka socda dalalka afrika ee yimaada Muqdisho.
Sidoo kale afhayeenka baarlamanka dalka Jabuuti Idiris Cali oo isna warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in uu aad ugu faraxsan yahay in uu yimaado Caasimadda dalka Soomaaliya ee Muqdisho.
Wafdiga ka socota Barlaamanka dalka Jabuuti ayaa haatan kulan kula leh Hotelka Siti Balaasa ee magaalada Muqdisho mas’uuliyiin ka tirsan Barlamaanka Soomaaliya ayaa lagu wado in ay ka qeyb galeen kulanka baarlamanka Soomaaliya ee ka socda xarunta golaha shacabka ee magaalada Muqdisho.
Sida la wada ogsoon yahay Dalka Jabuuti ayaa waxaa Soomaaliya kaga sugan ciidammo qayb ka ah kuwa AMISOM, kuwasoo ka howgalaya gobolka Hiiraan, waxaana dowladda Jabuuti oo daris la ah Soomaaliya ay dhowr jeer oo hore isku day-day inay xal u hesho dhibaatada Soomaaliya ka taagan.
SomaliSwiss Muqdisho
Filed under: Muqdisho
















































































































