Al-Shabaab: Kenya way isku dayday in ay burburiso ku dhaqanka shareecada Islaamka, wayna guul dareysatay.

Al-ShabaabMukhtaar C/raxmaan Abuu-Zubeyr oo ka mid ah madaxda sare ee kooxda Al-Shabaab ayaa ku sheegay farriin maqal ah oo uu soo dhigay bar Internet oo taageerta Al-shabaab in ay iyagu weli ka taliyaan gobolladii ay Kenya ku soo duushay ee dalka Soomaaliya.

Sidoo kale Abuu-Zubeyr wuxuu Carrabka ku dhuftay in Kenya ay isku dayday inay burburiso ku dhaqanka shareecada Islaamka; balse ay ku guul-darreysatay, balse wuxuu xusay in weli ay iyagu ka taliyaan deegaannadii ay la wareegeen ayna rajeynayaan inay dib uga qabsadaan deegaannadaas.

Sheekh Abuu-Zubeyr oo ka hadlayey arrintaas wuxuu yiri: “Kenya waxay isku dayday inay baabi’iso sharafta, sumcadda iyo caqiiqada muslimiinta Soomaaliya ku dhaqan, waxay isku dayeen inay na khiyaanaan balse Alle ayaa iyaga dhagray.

Gobollada Kenya ay sheegtay inay qabsadeen innaga waxay noola muuqdaan inay weli gacanteenna ku jiraan, weli halkaas waxaan ka faafinnaa kalimadda towxiidka, zekada ayaan ka qaadnaa, amniga ayaan sugnaa, tacliintii islaamiga ahna waan ka fidinnaa, taasna waxay ku tusaysaa inaan weli ku leennahay galaangal lama oran karo way naga qabsadeen”.

Dhanka kale, hoggaamiyuhu wuxuu sheegay inay weerarro la beegsadaan saldhigyada ay Kenya kaga sugan tahay Soomaaliya, sidoo kalena ay Kenya gudaheeda ay ka geystaan weerarro, taasoo uu ku sheegay inay muujinayso awoodda ay leeyihiin u leeyihiin inay ka aargutaan Kenya.

Amiirka Al-shabaab wuxuu dalalka dariska la ah Soomaaliya uu ku eedeeyay awood ballaaran u isticmaaleen duulaankii ay kusoo qaadeen Soomaaliya ku dhaqanka sharceeda Islaamka cunaha u qabtaan, balse taas uma suurogelin. Isagoo xusay in lagu qabto Soomaaliya shirar looga arrinsanayo dagaal ka dhan Islaamka.

Hoggaamiyaha Al-shabaab ayaa farriintiisa baaq ugu diray muslimiinta ku nool dalalka Kenya iyo Itoobiya isagoo ku boorriyay inay la dagaalamaan xukuumadaha dalalkooda ka jira, wuxuuna si gaar ah ula hadlay muslimiinta Itoobiya isagoo ku boorriyay inay ka faa’iideystaan geeridii ku timid Meles Zenawi oo ku sheegay inay tahay fursad weyn.

Abuu-Zubeyr ayaa u sheegay Mujaahidiinta in hadda la joogaa casrigii jihaadka iyo kacdoonka, waa inaadan ku qancin inaad tihiin dadka laga tiro badan yahay, waayo waxaa fursad idiin ah geeridii ku timid Meles Zenawi.

Si kasta ha ahaatee farriintan ayaa noqonaysa tii labaad oo hoggaamiyaha Al-shabaab uu soo saaro tan iyo markii ay ciidamada dowladda oo kaashanaya AMISOM iyo Itoobiya ay deegaano badan kala wareegeen Xarakada Al-shabaab.

Xigasho bar Internet

SomaliSwiss@hotmail.com

About these ads
Follow

Get every new post delivered to your Inbox.

Join 4,831 other followers

%d bloggers like this: