Qaar ka mid ah Shaqaalaha Wasaaradda Cadaaladda & Garsoorka Soomaaliya oo loo xiray tababar.

Xukun-maxkamadeed-Waxaa maanta tababar aqoon-kororsi ah loo xiray 90 qof oo ka mid ah  howlwadeeno isugu jira garsoorayaal Xer Ilaaliyayaal, kaaliyaal iyo gaarsiiyayaal ka howlgalayay Maxkamada garsoorka dalka Soomaaliya, waxaana munaasabaddaas lagu qabtay magaalada Muqdisho.

Xafladda munaasabaddan ayaa waxaa ka qeybgalay Wasiirka Garsoorka iyo Cadaaladda Xukuumadda Soomaliya C/llaahi Abyan Nuur iyo Gudoomiyaha Maxkamadda Sare ee Dalka Ceydiid C/llaahi Ilkaxanaf.

 Waxaa ugu horeyn ka hadlay wasiirka garsoorka iyo Cadaaladda C/llaahi Abyan Nuur oo sheegay in mudo hal sano ah uu socday aqoon kororsigan islamarkaana hadafkiisu ahaa sidii kor loogu qaadilahaa aqoonta garsoorka wadankeena si ay Bulshada uga kaafiyaan adeega Cadaaladda.

Guddoomiyaha Maxkamadda sare Ceydiid C/laahi Ilkaxanaf oo isna ka hadla xiritaanka munaasabaddaas ayaa wuxuu hay’adda horumarinta Mashaariicda ee UNDP uga mahad celiyay kaalinta ay ka geysatay tababarkan iyo jaamacadda Muqdisho oo Wasaaadda Garsoorka Ku Gacan siisay sidii loo kordhin lahaa aqoonta shaqaalaha.

Ugu danbeyntii Munaasabadda Tababarka loogu xirayay qaar ka mid ah Howl wadeenada garsoorka Soomaaliya ayaa waxaa shahaadooyin ka turjumaya Cilmiga ay kororsadeen la Gudoonsiiyay inkabadan 90 Howlwadeen oo uu mudada sanadka kabadan tababarku u socday.

SomaliSwiss     Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

About these ads
Follow

Get every new post delivered to your Inbox.

Join 4,717 other followers

%d bloggers like this: