Hay’adda Q M ee “UNOCHA“ oo sheegtay in Afar Milyan oo Soomaali ah ay haysato Xaalad cunto yari ah.

unoWar ay soo saartay Hay’adda isku-duwidda gargaarka bani’aadamnimo ee Qaramada Midoobay UNOCHA ayaa lagu sheegay in xaalad cunno-yari iyo mid bani’aadamnimo oo khatar ah ay ka jiraan Soomaaliya; waxaana la caddeeyey in afar milyan oo Soomaali ah ay u baahan yihiin gargaar bani’aadamnimo oo kala duwan.

Haweynayda lagu magacaaba Edem Wosornu oo ah Ku xigeenka madaxa hay’adda UNOCHA, ayaa waxay sheegtay in weli ay tahay Soomaaliya goob ay ka jirto xaalad cunno-yaraan oo aad u daran dunida oo dhan, iyadoo xustay in guulo laga gaaray abaarihii sannadkii hore ku dhuftay.

Mrs Wosornu oo arrinta ka hadlaysa waxay tiri: “Soomaaliya weli waxay ka mid tahay meelaha ugu daran caalamka ee ay ka jiraan mushkiladaha bani’aadmnimo, wixii ka dambeeyay abaartii 2011 waxaa la gaaray guulo waaweyn, balse 12 bilood kaddib weli waxaa jira mushkilado cunno-yaraan ah”.

Sidoo kale Edem Wosornu waxay sheegtay in roobabkii da’ay sanadkan ay wax weyn ka tareen hoos u dhigga gargaarka bani’aadnimo ee Soomaaliya ay u baahan tahay, balse ay weli jiraan dad gaaraya afar milyan oo qof oo u baahan gargaar bani’aadamnimo oo kala duwan.

Edem Wosornu hadalkeeda sii wadato waxay Tiri: “Dad gaaraya 2.1 malyan oo qof oo ka mid ah afarta milyan waxay u baahan yihiin gargaar inkastoo ay awood u leeyihiin inay helaan raashin baahidooda dabooli kara, balse waxay u baahan yihiin waxyaabo aasaasi ah. Sidoo kale 1.7 milyan oo kale oo kasoo baxay abaarihii sannadkii hore ayaa u baahan gargaar deg-deg ah, iyadoo ay sababi karto inay dib ugu laabtaan dhibaatooyinkii hore haddii aanay helin gargaar deg-deg.

Haweynayda ayaa sheegtay in gobollada Gedo, Bay iyo Bakool ay yihiin kuwa ay ku nool yihiin dadka gargaarka bani’aadamnimo u baahan, gobolladaas oo ah kuwii ay Al-shabaab ka joojisay hay’adaha gargaarku inay ka shaqeeyan, balse ciidanka dowladda kuwa caawinaya isku dayaan inay ka saaraan Al-shabaab.

Sida ay sheegtay Hay’adaha waxay isku dayeen inay cunno gargaar ah hawada kasoo daadaan si looga gudbo xayiraadda iyo jidgooyada ay Al-shabaab u dhigtay gargaarka, hase yeeshee howlaha noocaasi ah ma aha kuwo sii socda.

Balse Qaramada Midoobay waxay caddeysay in colaadda Soomaaliya ka jira oo lasoo af-jaro ay yihiin kuwa keliya ee looga gudbi karo mushkiladaha cunno-yaraan ee ka taagan Soomaaliya, sidoo kalena UNOCHA waxay sheegtay in badbaadada dadka u baahan gargaarka ay ku xiran tahay hadba sida ay u soo go’aan dalagyada beeraha.

Hay’adda UNOCHA iyo kuwa kale ayaa waxay dhawaan gargaarka gaaraya lacag 1.3 billion oo dollar ah u dalbadeen dadka u baahan caawinaadda saddexda sano ee soo socota.

Ugu danbeyntii Qaramada Midoobay waxay sheegtay in qorshahan laga leeyahay afar ujeeddo, kuwaas oo ay ka mid yihiin xaqiijinta in qof waliba uu helo kaalmo naf badbaadin ah, gaar ahaan caruurta nafaqa-darridu heyso iyo dadka ay haystaan xaaladaha ay ka mid yihiin cunno-yaraanta.

Warbixn      UN
SomaliSwiss@hotmail.com

About these ads
Follow

Get every new post delivered to your Inbox.

Join 4,717 other followers

%d bloggers like this: