Natiijadii Doorashada Maamulka Gobollada Woqooyiga Soomaaliya oo Xalay lagu Dhawaaqay, balse Khasaare xooggan ka dhashay.

Natiijada_Doorashooyinka1Wararka naga soo gaaraya magaalada Hargeysa ayaa sheegaya in hal qof uu ku dhintay, ilaa lix qof kalena waa ay ku dhaawacmeen rabshado xalay ka dhacay magaaladda Hargeysa ka dib markii lagu dhowaaqay natiijadii doorashadda golaha deegaanka ee magaaladda Hargeysa, sida ay noo xaqiijiyeen hawl-wadeenadda caafimaadka ee Adna Cisbitaal oo la dhigay dhawaaci.

Natiijadii lagu dhawaaqay ayaa la sheegay in dadweyne farabadan ay ka caraysisay kuwaas oo iskugu soo baxay degmadda Axmed Dhagax ee magaaladda Hargeysa, taasina waxay keentay in ciidanka iyo dadkaasi isku dhacaan, ka dibna uu ciidanku rasaas ku furay dadkii mudaharaadka samaynayey, taasina waxay keentay dhimasho iyo dhaawac.

Warku wuxuu intaa uu ku darayaa in dadkii ku dhaawacmay iska hor imaadkaasi ayaa lagu dawaynayaaa cisbitaalka Adna ee magaaladda Hargeysa, waxaana xalay galin hore lagu kala rawaxay magaaladda, iyagoo laga baqayo in rabshaduhu ay usoo durkaan bartamaha magaaladda Hargeysa.

Sidoo kale qaar la mid ah dadka gadoodsan ayaa sheegay in la musuqmaasuqay codkoodii, isla markaana lagaga shubtay, sidaa darteed aanay ogolayn codadka uu komishanku dhawaaqeen.

Si kastaba ha ahaaatee, xaaladdda meelihii xalay rabshaduhu ka dhaceen ayaa haatan degan, ilaa haddana lama sheegin khasaaraha ciidanka ka soo gaaray iska hor imaadkaas.

SomaliSwiss    Hargeysa

SomaliSwiss@hotmail.com

About these ads

One Response

Comments are closed.

Follow

Get every new post delivered to your Inbox.

Join 4,713 other followers

%d bloggers like this: