Ciidamada Ammaanka oo Saakay Suuqa Bakaaraha ka sameeyay howlgallo lagu sugayo ammaanka.

suuqa bakaarahaCiidamada ammaanka ayaa saakey baaris ka sameeyay gudaha Suuqa weyn ee Bakaaraha, waxaana lagu soo qabqabtay dad lagu tuhunsanaa inay yihiin kuwa ku kaca falal dembiyeed dhanka ah ammaanka, kadib markii shalay Bam qasaare geeystay lagu tuuray qeybta Dahablaha ee Suuqa Bakaaraha.

Gaashaanle Saciid Xasan Jimcaale oo ah Taliye ku xigeeenka ciidamada Booliiska ee suuqa Bakaaraha ayaa Warbaahinta u sheegay in dhagarqabe ka tirsanaa Al-Shabaab uu shalay Bam gacmeed ku tuuray qeybta haweenku dahabka ku iibiyaan ee suuqa Bakaraha.

Taliye ku xigeenka rugta booliiska ee Suuuqa Bakaaraha oo hadalkiisa sii wata wuxuu yiri: ‘’ Bumkaasi waxaa ku dhaawacmay 13 qofood oo mid ka ahaa wiil yar oo halkaas ku sugnaa, inta kalena waxay ahaayeen haweenka iibiya Dahabka, ciidamaduna waxay markiiba soo qabteen Afar qofood oo sadex ka mid ahna lagu caddeeyey in ay ka tirsan yihiin Al-Shabaab’’.

Ugu danbeyntii Taliyaha wuxuu intaa ku daray in fiidnimadii xalay Bam kale lagu tuuray isgoyska Aadan Cadde, kaas oo aan geysan wax qasaare ah, isagoo rajo wanaagsan ka muujiyay in ay gacanta ku soo dhigi doonaan kooxaha Bamka tuuraya ee ka soo horjeeeda Ammaanka.

SomaliSwiss     Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

About these ads
Follow

Get every new post delivered to your Inbox.

Join 4,819 other followers

%d bloggers like this: