Wasiirka Wasaarada Warfaafinta oo maanta dib ugu soo laabtay magaalada Muqdisho.

Wasiirka WarfaafintaWasiirka Wasaaradda Warfaafinta iyo Isgaarsiinta Xukuumadda Soomaaliya ayaa maanta dib ugu soo labtay dalka, isagoo ka war bixiyay Shir uu uga soo qayb galay magaalada Istanbuul ee dalka Turkiga.

Mudane C/llaahi Ciil-mooge Xirsi ayaa wuxuu sarafarro shaqo ugu maqnaa dalka dibadiisa, waxaa maanta garoonka diyaaradaha Muqdisho kusoo dhaweeyay mas’uuliyiinka tirsan wasaaradda warfaafinta, waxaana uu ka warbixyay safarkii uu ku tagay dalalka Turkiga iyo Kenya.

Sidoo kale Wasiirka ayaa sheegay in kulankii ka dhacay dalka Turkiga ay ka qeyb galeen wadamada islaamka looga hadlay xaalada dalka iyagoo soo dhaweeyay ka qeyb galeyaasha shirka hormarka ay gaartay dowladda Soomaaliya, wuxuuna hadalkiisa ku daray in dowladda Turkiga ay Soomaaliya ka wado 27 mashruuc kuwaas oo ku aadan hormar dalka iyo sidii wax loogu qaban lahaa dadka Soomaaliya.

Ugu danbeyntii Wasiirka ayaa tilmaamay in intii uu socday kulanka uu si aad ah  looga hadlay xaaladaha ka tagaan wadamo ay mid yihiin sida Siiriya iyo Falastiin.

SomaliSwiss     Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

About these ads
Follow

Get every new post delivered to your Inbox.

Join 4,457 other followers

%d bloggers like this: