DAAWO: Kulankii Madaxweynayaasha Soomaaliya & Turkiga.

Madaxweynayaasha Somalia & Turkiya

HOOS KA DAAWO VIDEO & SAWIRADA

Madaxweynaha dowladda Turkiga Soomaaliya d ayaa magaalada Ankara ee xarunta dalka Turkiga kulan kula qaatay Madaxweynaha dalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheikh Maxamuud, waxayna ka wada hadleen xaaladaha labada Dal iyo labada Shacab.

 

HALKAAN RIIX OO KA DAAWO SAWIRADA.

Sida warku lagu sheegay Kulanka dhaxmaray labada Madaxweyne ayaa waxaa goob joog ka ahaa wasiiro ka tirsan dowlahada Soomaaliya iyo Turkiga waxaana kulanka looga hadlay xoojinta xiriirka labada dal.

Gabagaboobadii kulanka ayaa waxaa shir jaraa’id si wada jir ah u qabtay madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo dhigiisa dalka Turkiga Cabdalle Guul oo ay dhinac taagan yihiin wasiirada difaaca labada dowladood.

Madaxweyne Xasan oo la hadlay saxaafadda ayaa sheegay in kulankooda ay uga wada hadleen xaaladaha labada dowladood ee Soomaaliya iyo Turkiga taas oo ay ka mid tahay iskaashiga iyo amaanka.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa uga mahadceliyay dowladda Turkiga taageerada ay u hayso shacabka Soomaaliya taas oo ay gacan weyn ka geysteen waqtiyadii ay jireen abaarta.

Sidoo kale Madaxweynaha dalka Turkiga Cabdala Guul ayaa dhankiisa tilmaamay in dowladda Turkiga ay wadeyso taageerada ay u hayso shacabka Soomaaliya.

Uga danbeyntii Wasiirada difaaca dalalka Soomaaliya iyo Turkiga ayaa labada Madaxweyne hortooda ku kala hor saxiixday heshiis ku aadan iskaashiga dhinaca amaanka.

SomaliSwiss        Ankara

SomaliSwis@hotmail.com

About these ads
Follow

Get every new post delivered to your Inbox.

Join 4,432 other followers

%d bloggers like this: