Ardayda Jaamacadaha Muqdisho oo Xarunta Golaha Shacabka Su’aallo ku weydiiyey Gudoonka Baarlamanka.

ArdayGudoomiyaha Baarlamaanka Federaalka ahna Kusimaha Madaxweynaha Soomaaliya dalka Mudane Maxamed Cismaan Jawaari ayaa maanta waxa ay Ardayda wax kabarta Jaamacadaha magaalada Muqdisho su’aallo ku weydiiyeen xarunta Golaha Shacabka ee magaalada Muqdisho, ayadoo sidoo kalena uu Gudoomiyaha Baarlamaanka Ardayda ka dhageystay fikaradahooda ku aadan sida ay jeclaan lahaayeen in Baarlamaanka iyo Dowladdaba ay u shaqeeyaan.

Guddoomiyaha barlamaanka.jpg3Barnaamijka Kulankan ayaa waxay ujeedadiisu ahayd in fikirka, talada iyo su’aallaha ay isku dhaafsanayeen Gudoonka Baarlamaanka iyo Ardayda Jaamacadaha magaalada Muqdisho wax ka barta oo ay wehliyeen qaar ka mid ah Ardaydii horey Jaamacadaha uga qalin jebiyey ayaa waxaa soo qaban qaabiyey Warbaahinta Qaranka ayadoo Barnaamijkana uu taaba geliyey ururka dhalinyarada ee SYL II.

Arday

Sidoo kale Barnaamijkan oo ay ka soo qeybgaleen Ardayda gaareysa ilaa  300 (Saddax boqol) Arday, ayaa uga horreyntii ay ka codsadeen Gudoomiyaha Baarlamaanka inay si wadajir ah ugu duceeyaann Ardaydii sida xaqdarada aheyd loogu xasuuqay magaalada Muqdisho gaar ahaanna Ardaydii lagu kala laayey Qaraxyadii Hotel Shaamow iyo Warshadii Hargaha iyo Saamaha waxaana ay Alle uga baryeen inuu naxariistiisa jano siiyo.

Ugu horeyntii Gudoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cismaan Jawaari ayaa waxa uu Ardayda faah faahin ka siiyey qorshe howleedka ay gudoonka Baarlamaanku diyaariyeen in Golaha Shacabku ay ku shaqeeyaan afarta sano ee soo socota waxaana uu Gudoomiyuhu tilmaamay in qorshaha Baarlamaanku uu yahay in Afar sano kadib ay dalka gaarsiiyaan in shacabku ay Madaxdooda dooran karaan.

Mudane Maxamed Cismaan Jawaari 00 ardaydaas la hadlayey wuxuu yiri:  “Ardayeey waxaan marka hore idinkaga mahad celinayaa sida aad uga soo qeybgashay kulanka la dinku casuumay,maamullada Jaamacadahana waan ku ammaanayaa sida ay Casuumaada u aqbaleen,sidoo kale Warbaahinta Qaranka waxaan uga mahad celinayaa qaban qaabada Barnaamijkan,ururka SYL II sidoo kale waxaan uga mahad celinayaa taaba gelinta barnaamijkan waxeyna ii tahay fursad weyn inaan la kulmo intaan oo dhalinyaro ah”.

Gudoomiyuhu wuxuu xusay in ujeedada kulankan loo qabtay ay tahay in Gudoonka Baarlamaanka uu dhageysto fikradaha kala duwan ee ay qabaan Ardayda wax kabarata Jaamacadaha Dalka iyo kuwa ka qalin jebiyey maadaama ay Ardaydu yihiin mustaqbalka iyo hogaanka berito.

Ardayda Jaamacadaha magaalada Muqdisho wax kabarata ee iyagu barnaamijka ka qeybgalay ayaa su’aallo si toos ah u weydiiyey Gudoomiyaha Baarlamaanka Dalka ayadoo su’aallaha ardaydana ay u badnaayeen in Dowladdu fursaddo u abuurto Ardayda ka qalin jebiya Jaamacadaha Dalka iyo in sidoo kale ay Dowladdu qorshe taageerro ah u dejiso hormarinta Waxbarashada Dalka si dhibaatada jahliga laga dhaxlay looga gudbo.

Si kasta ha ahaatee Ardayda barnaamijkan kasoo qeybgashay ayaa waxey uga mahad celiyeen Gudoonka Baarlamaanka sida uu waqtigiisa ugu huray islamarkaana uu fursad ugu siiyey iney aragtidooda usoo gudbin karaan islamarkaana ay weydiin karaan su’aallaha ay qabaan waxaana ay Ardaydu sidoo kale codsadeen in la joogteeyo wadatashiyada dhexmaraya Madaxda Sare ee Dalka iyo Ardayda Jaamacadaha.

Gudoomiyaha Baarlamaanka Dalka Mudane Jawaari oo ka jawaabayey su’aallo ay Ardayda weydiiyeen ayaa tilmaamay in Dowladdu ay fursad siin doonto dhalinyarada ka qalin jebiya jaamacadaha Dalka maadaama ay daruufo adag wax ku barteen isagoo Ardaydana si gaar ah uga farxiyey in fursada ugu horeyso uu Baarlamaanka siin doono bisha Jauary ee fooda inagu heysa fursadaasina ay tahay shaqaalle uu Baarlamaanku qaadanayo.

Dhanka kale Gudoomiyaha Baarlamaanka wuxuu ka codsaday Ardayda ineysan marnaba ka bakheylin aragtidooda ay u arkaan in lagu hagaajin karo Dalkooda islamarkaana lagu gaari karo yoolka la hiigsanayo ayadoo Mudane Jawaarina uu ballan qaaday in kulamada noocan ah ay noqon doonaan kuwo la joogteeyo.

Ugu danbeyntii Gudoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cismaan Jawaari wuxuu soo bandhigay shax uu ugu magac daray Arday Xildhibaan taasi oo uu xusay in looga gol leeyahay in Ardayda iyo Baarlamaanka mar walba si ay isaga warqabaan waxaana shaxdaasi ay tahay mid fududeyn doonta in Ardaydu ay xili kasta talooyinkooda kusoo gaarsiin karaan Gudoonka Baarlamaanka.

Barnaamijka maanta ka dhacay xarunta Golaha Shacabka ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, kuwaasi oo iyagu talaabo hormar leh ku tilmaamay in Ardayda Jaamacadaha dhigta fursad loo siiyo iney Xarunta Golaha Shacabka Madaxda sare ee Dalka Su’aallo ku weydiiyaan.

Sida runta tallaabadan ayaa ah tii ugu horeysay oo ay Madaxda sare ee Dalku fursad u siiyaan Ardayda Jaamacadaha Dalka wax ka barata iyo kuwa ka qalin jebiyey iney toos ula kulmaan islamarkaana ay fikir iyo su’aal toos u weydiiyaan waxaana qaar ka mid ah Ardayda ka qeybgashay Barnaamijkan maanta oo la hadlay Warbaahinta ay kulankan ku tilmaameen inuu yahay mid doorkii ay Dalkooda ku lahaayeen lagu siinay ayagoo Warbaahinta iyo ururka SYL II uga mahad celiyey sida ay Barnaamijkan isagu howleen qabashadiisa.

SomaliSwiss     Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

About these ads
Follow

Get every new post delivered to your Inbox.

Join 2,413 other followers

%d bloggers like this: