Madaxweeynaha Soomaaliya iyo wafdigii uu hogaaminayay oo si diiran loogu soo dhaweeyey dalka Turkiga.

madaxweyne-xasan-turki.jpg2Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya iyo wafdigii uu hoggaaminayay ayaa shalay Maqrabkii si diiran loogu soo dhaweeyay dalka Turkiga, waxaana maanta   lagu wadaa inay la kulamaan madaxda Sare dalkaas oo uu ugu horeeyo madaxweynaha Turkiga Cabdalla Gull.

 

HALKAAN RIIX OO KA DAAWO SAWIRADA.

madaxweyne-xasan-turki.jpg1

Madaxweynaha oo ay socdaalkiisa ku wehliyaan wasiirro ka tirsan dowladda oo ay ka mid yihiin wasiirrada Gaashaandhigga iyo Maaliyadda ayaa la filayaa in Muddada uu joogo dalkaasi uu la kulmo madaxweynaha Turkiga, R/wasaaraha iyo Guddoomiyaha Baarlamanka dalkaasi.

Ugu horreyntii Madaxweeynaha wuxuu maanta uu la kulmayaa Ra’iisul wasaaraha Turkiga, waxayna ka wada hadli doona xiriirka Soomaaliya iyo Turkiga iyo sidii loo sii wadi lahaa mashaariicda horumarineed ee dowladda Turkigu ka wado Soomaaliya.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa maalinnimada berri ah waxa uu Ankara kula kulmi doonaa dhigiisa dalkaasi Madaxweyne Cabdalla Guul ayadoo maalinta ku xigtana uu la kulmi doono Ra’isulwasaaraha Dalka Turkiga Recep Tayib Erdogan.

Booqashadan ayaa noqonaysa tii ugu horreysay ee madaxweynaha Soomaaliya uu ku tago dal ku yaalla Qaaradda Yurub, waxaana uu ku sugnaan doonaan muddo saddex maalmood ah, isagoo markaas kaddibna kusoo laaban doono Muqdisho.

SomaliSwiss        Istanbul

SomaliSwiss@hotmail.com

About these ads
Follow

Get every new post delivered to your Inbox.

Join 4,452 other followers

%d bloggers like this: