Wafdi ka socday dalalka IGAD oo caawa ku hoyanaya magaalada Kismaayo oo ay galabta soo gaareen..

Kismaayo

Wafdi ka socday dalalka ku bahoobay Urur Goboleedka IGAD ayaa galabta gaaray Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubbada Hoose oo dhowaan laga sifeeyay maleeshiyaadkii Al-shabaab ee halkaasi gacanta ku hayey, iyadoo halkaas oo si wanaagsan loogu soo dhaweeyay wafdiga markii ay soo degeen.

Wafdi ka socday dalalka ku bahoobay Urur Goboleedka IGAD ayaa galabta gaaray Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubbada Hoose oo dhowaan laga sifeeyay maleeshiyaadkii Al-shabaab ee halkaasi gacanta ku hayey, iyadoo halkaas oo si wanaagsan loogu soo dhaweeyay wafdiga markii ay soo degeen.

Wafdigaan ayaa marki ay Garoonka Calamiga ah ee Magaalada Kismaayo ka soo dageen waxaa loo gudbiyay dhismaha Jamacada Kismaayo halkaas oo noqonaysa Hoyga Rasmiga ah ee ay ku sugnaan doonaan inta ay Kismaayo jogaan, iyadoo amaankoodana si weyn loo adkeeyay.

Maalinta barito ayey wafdigaani bilaabayaan wadatashiyo kala duwan oo ay la yeelanayaan  madaxda iyo Maamullada gobollada Jubbooyinka ee haatan ku sugan Magaalada Kismaayo islamarkaana isku hayay qaabka loo dhisayo Maamul cusub oo kmg ah oo la doonayo in deegaanadaas laga yagleelo.

Waxaa lagu wadaa in wadatashiyadaas ka dib magaalada Kismaayo laga dhiso Maamul Cusub oo KMG ah Madaama is qabqabsi uu ka dhacay maamul hadda ka samaysan halkaas oo la sheegay inuu dhacay waqtigiisii.

 Maamulka KMG ah Dhismihiisa ka dib ayaa la sheegay in la guda galidoono isku keenista iyo soo daabulidda ergoyinka ka qayb galaya Shirweynaha Maamul u sameynta Jubboyinka iyo Gedo, iyadoo Maamulka KMG ah looga fadhiyo qorshaha sugidda Ammaanka Ergoyinka iyo Fududeynta Shirweynaha Maamul u sameynta Jubboyinka iyo Gedo.

Wararka laga helayo Kismaayo ayaa sheegaya in ay Wafdigaan si weyn ugu soo dhaweeyeen garoonka diyaaradaha ee magaalada Kismaayo   Maasuliyinta kala duwanaa oo la sheegay in ay ka dhex muuqdeen Sh. Axmed Madoobe, Sh Maxamed Maxamuud Yusuf Aw-libaax, Col Yasiin Raadeer, Cabdinaasir Seerar,Gen Cali Madoobe iyo Masuliyiin kale.

SomaliSwiss Kismaayo

SomaliSwiss@hotmail.com

About these ads
Follow

Get every new post delivered to your Inbox.

Join 4,740 other followers

%d bloggers like this: