Beelaha ay ka soo jeedaan Wasiirada cusub ee xukuumadda R/W Saacid iyo Wasaaradaha loo kala magacaabay.

WASIIRADA CUSUB QABIILADOODA + VIDEO

undefinedHalkan ka akhri

Ra’isal Wasaraha Xukuumadda Soomaaliya Cabdi Faarax Shir-doon (Saacid) ayaa maanta si rasmi ah ugu dhawaaqay magacyada Xubno wasiirro ah oo beryahan lahadal hayay, isla markaana ka kooban 10 oo ay laba Haween tahay, kuwaas oo dhaqan geli doona kadib marka ay ansixiyaan xildhibaanada Baarlamanka.

Xubnahan Caawa lagu dhawaaqay ayaa loo qeybiyay hab beeleedka Soomaalida ee 5 beelood, waxaana ay u egtahay in meesha ay ka baxday qaabkii horay wax loogu qeybin jiray ee cadaalad darro badan ay ka tabanayeen qaar ka mid ah beelaha kaas oo loo yaqaan Formalada  4.5.

HALKAAN KA DAAWO MAGACAABISTII WASIIRADA

HALKAN HOOSE KA AKHRI MAGACYADA IYO BEELAHA AY KASOO JEEDAAN:

  1. Fowziyo Yuusuf Xaaji Aadan Ra’isal Wasaare ku-xigeen ahna Wasiirka Arrimaha Dibada ( Beelaha Dir + Isaaq ).

  2. C/llaahi Abyan Nuur Wasiirka Garsoorka iyo Arrimaha Diinta iyo Awqaafta ( Beelaha Dir + Biyomaal )

  3. C/xakiin Xaaji Maxamuud Xaaji Fiqi Wasiirka Gaashaandhiga ( Beelaha Digil + Dabarre )

  4. Axmed Maxamuud Xasan Wasiirka Wasaarada Qanacsiga iyo Warshadaha iyo Maalgeshiga ( Beelaha Raxanweyn + Mirifle ).

  5. C/risaaq Cumar Maxamed Wasiirka Wasaarada Kheyraadka Badda ( Beelaha Hawiye + Xawaadle )

  6. C/kariin Xuseen Guuleed Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka ( Beelaha Hawiye + Habargidir )

  7. Maxamuud Xasan Suleymaan Cawil Wasiirka Maaliyada iyo Qorsheynta Qaranka ( Beelaha Daarood + Majeerteen)

  8. C/llaahi Ciilmooge Xirsi Wasiirka Wasaarada Warfaafinta iyo Isgaarsiinta ( Beelaha Daarood + Ogaadeen)

  9. Muxiyadiin Maxamed Kaalmoy Wasiirka Howlaha guud iyo dib u dhiska ( Beelaha Shanaad + Jareerweyne)

  10. Maryan Qaasim Wasiirka Hormarinta Adeega Bulshada ( Beelaha Shanaad + Banaadiri)

    HALKAAN KA DAAWO WASIIRADA LAMAGACAABAY

    SomaliSwiss Muqdisho

    SomaliSwiss@hotmail.com

About these ads
Follow

Get every new post delivered to your Inbox.

Join 4,740 other followers

%d bloggers like this: