40-guurada Qoraalkii Af-Soomaaliga: Dokumentiyo Xambaarsan Xog iyo Taariikh muhiim ah.

Xuska 40-guurada Qoraalkii Af-soomaaliga iyo Dokumentiyo Taariikhi ah oo la soo bandhigay!.

Iyadoo ay ku beegan tahay ama lagu gudo jiro xuska 40-guurada qoraalkii Af-Soomaaliga, ayaan munaasabaddaas darteed, waxaan jeclaysannay in aan bulsho-weynta Soomaaliyeed la wadaagno una soo bandhigno, Muuqaallo isugu jira, Sawiro, Videos, qoraallo iyo dokumentiyo intuba muhiim ah oo aan looga maarmin xogta iyo tix-raaca taariikhda cajiibka ah ee qoraalka Af-soomaaligu leeyahay!.

Dokumentiyadaas oo ka kooban laba xirmo oo mid kastaahi ka kooban tahay lix qaybood ah oo dhammaantood xambaarsan macluumaad kala duwan, Xirmada Hore waxaa ku jira Muuqaalka isugu jira Sawiro iyo Videos aan ka qabannay munaasabado Xuska 40-guurada Qoraalkii Af-soomaaliga ee London, halka Xirmada labaad ay ka kooban tahay Dukumiintiyo Taariikhiya iyo faahfaahin kale, tusaale ahaan  xirmada labaad, qormadeeda 1aad waa falaqeyn kooban oo aan lagu soo aruuriyey xogta muhiimka ah ee ku jirta dokumentiyada kale ee 5ta ah ee xirmadaas ku jira, kuwaas oo kuu iftiimi doona wax badan, waxana idinka codsanayaa in aad hoos kala degtaan Dukumiintiyada boggaan ku xiran (Download) ku sameysataan. Waxayna kala yihiin:-

Xuska 40-guurada Qoraalkii Af-soomaaliga:

Xirmada 1-aad – Muuqaallo Video, Sawiro iyo Qoraal ah.

  1. Daawo Munaasabad loo dhigay Xuska 40 guuradii hirgelintii Afka Soomaaliga oo lagu qabtay magaalada London ee dalka U.K.
  2. DAAWO WAREYSI: Martin Owen oo ka ka hadlaya Taariikhda Afka Soomaaliga.
  3. DAAWO WAREYSI: Xuseen Sh. Axmad – Kadare… (Maxaad ka taqaan Fartiisii Kadariya: Daawo Wareysigiisa. Qeybta 1-aad.
  4. DAAWO WAREYSI: Xuseen Sh. Axmad – Kadare… (Muxuu ku diiday in la qaato Fartii Cismaaniyada ee ugu codeeyay in la qaato farta Latinka. Qeybta 2-aad. Comming Soon
  5. DAAWO: Fanaanadii Qaaliga ahayd Maryan Cali Muudey: Heestii ALIF LA KORDHABEY (New Version).
  6. DAAWO Anas Cabdi Kariim: 9 Jir tiriyey Gabaygii – DUGSI MALEH QABYAALADI WAXEY DUMISO MOOYAANE.

Xuska 40-guurada Qoraalkii Af-soomaaliga:

Xirmada 2-aad – Dokumentiyo Taariikhi ah oo lagu soo bandhigay 40 guurada!.

1: Xog muhiim ah ee Taariikhda qoraalka Af-soomaaliga (Falaqayn).

2: Warbixintii Guddiga Af-soomaaliga, 1961.
3: Unesco Report, 1966.
4: Iftiinka Aqoonta ee Shire Jaamac, 1967.
5: A Nation in Search of a Script, 1968, by Dr Xuseen Tanzania.
6: Wargeyska Kasmo, issue 15 November 2012.

Xogtaan Maqalka, Muuqaalka, Qoraalka iyo Dukumiintiyada isugu jirta ee  boggaan ku xiran ama ku diyaarsan halkaan, ilaahay ka sokoow waxaa suurta geliyay Wadaniyiin fara badan oo Soomaaliyeed kuwaas oo maal, maskax iyo waqtiba ku bixiyey, iyadoo siyaabo kala duwan qof kastaahi uga qeyb qaatay, haseyeeshee si gaar ah waxaa isaga kaashaday soo  aruurinta, Diyaarinta, Isku dubbaridka, daabacaadda iyo baaritaankaba, dad kala duwan oo aan ka xusi karno:

  • Mohamed Saadaq, Tifaftiraha SomaliSwiss Media
  •  C/qaadir Shire, Tifaftiraha Kasmo NewsPaper
  • Abwaan C/llaahi Bootaan  Xasan, Maamulaha Sohan Somali Arts
  • Yuusuf Garabey, Maamulaha SomaliSwiss Media
About these ads
Follow

Get every new post delivered to your Inbox.

Join 4,827 other followers

%d bloggers like this: