Madaxweyne Xasan Sh. Maxamud oo lumiyay fursadii ugu horeysay ee Siyaasadeed.

Dad badan ayaa ku farxay kadib markii ay maqleen in madaxweyne Xasan Sheikh Maxamuud uu diiday in uu ka qeyb galo shirka guud ee Qaramada Midoobay oo sanadkiiba bishan oo kale ay iskugu yimaadaan madaxweynayasha Aduunka. (ARIMAHA SIYAASADDA)

Go’aanka madaxweynaha iyo farxadda dadka u riyaaqay ayaa ah mid meel dhaw laga fiiriyay, waxayna salka ku heysaa naceybkii loo qabay safaradii tirada badnaa ee macnahana yaraa ee uu gali jiray Madaxweynihii hore Sheikh Shariif Sh. Axmed.

Lakin dadka la socda siyaasadaha Aduunka, waxaa ay u arkaan go’aanka Madaxweynaha cusub Xasan Sheikh in uu yahay mid dhabar jab ku noqon doona mustaqbalka siyaasadda Arimaha dibadda ee Soomaaliya, waxayna sabab uga dhigeen dhowr qodob.

1 Haddii uu madaxweynuhu diidayo safaro badan, safarkani wuxu u baajin lahaa toban safar ee soo socotay, wuxuna hal goob kula kulmi lahaa toban madaxweyne oo uu ku qasbanaan doono in uu wadamadooda ugu tago wakhtiyada nagu soo aadan.

2 Wuxuu heli lahaa fursad ay isku bartaan madaxda Aduunka maadaama uu ku cusbaa masraxa siyaasadda, wuxuuna uga faa’iidaysan lahaa fursadda khudbadiisa in uu madaxda Caalamka usoo bandhigo siyaasadiisa wax qabad.

3 Wuxuu fursad u heli lahaa inuu la kulmo saraakiisha Arimaha dibadda Maraykanka oo ah awooda maareysa arimaha Soomaaliya, marka laga yimaado awooda dhabta ah ee Alle SW.

4 Marka laga yimaado fursadaha dhaafay madaxweynaha cusub, waxaa jira qasaare siyaasadeed oo ka imaan kara baaqashadisa oo ay ugu horayso in uu madaxweynuhu ku gacan seyray casumaad rasmi ah oo uga timid xoghayaha UN-ka Ban Ki-Moon oo si toos ah ula soo hadlay, kana codsaday in uu yimaado shirkaasi.

5 Marka uu dhamaado shirka General Assembly ee UN-ka, waxaa jiri doona shir khaas ah oo ay leeyihiin wadamada daneeya arimaha Soomaaliya, waxaana la filayaa in looga hadlo xaalada cusub ee Somaliya iyo sidii maalgalin loogu heli lahaa, waxaana lama huraan aheyd inuu madaxweynuhu joogo shirkaas, maadaama go’aanada shirkaas ay ku xiran tahay hadba dalabaadka uu jeediyo wafdiga Soomaaliya u matalaya Shirka.

6 Waxaa durbadiiba kasoo baxaya warbahinta reer Galbeedka shaki ay isku waydiinayaan sababta uu u diiday madaxweynaha cusub ee Soomaaliya in uu yimaado shirka New York oo dano badan ay uga xiran tahay Soomaalida. Qaarbaa ku tilmaamay in Soomalidu ay waligoodba is kala weynaayeen awoodaha shisheeye, ayna isku arkaan dad isku filan, qaarna waxaa ay ku tilmaameen khibrad yari siyaasadeed oo kasoo muuqaneysa madaxweynaha iyo lataliyayaashisa da’da yar.

Waxaanu warar hoose ku helnay in lataliyaha koobaad ee Madaxweynaha uu yahay nin ay isku heyb yihiin Shariif Xasan Sh. Aadan oo lagu magacaabo Faarax Sh. C/qaadir, isla markaana inta badan uu fikradaha ka qaato ninkaasi.

Si kastaba ha ahaatee, madaxda Soomaalida ee is badbadaleysay labaatan kii sanno ee lasoo dhaafay, waxaa mar walba fashilin jiray go’aan khaldan oo ay ka qaateen siyaasadda Arimaha Dibadda.

Gaar ahaan wadanka Maraykanka oo shaki weyn ka qaba Soomaalida una arka dad dhaga adag oo aan u hogaansamin nidaamka aduunka ayaa isha ku haya siyaasada madaxweynaha cusub oo hada umuuqda mid ku fashilmay tijaabadii ugu horeysay ee Arimaha Dibadda, waxaa ayna ka dhur sugeysaa cida uu ku dhawaaqi doono in uu noqdo Ra’isal wasaaraha cusub.

Somalidu markay arkaan nin ku ciyaaraya xoolihiisa waxaa ay tiraahdaa “Geel ninkii dhaqan lahaa Alle masiin” Fursada maanta soo martay madaxweyne Xasan Sh. Maxamuud ee uu sida fudud ku lumiyay, waxaa u hamuun qabay madaxweyne C/laahi Yusuf oo waayay.

Qoraalo ay dhawaan shaacisay Wikileaks, ayaa waxaa ku qornaa in Allaha u naxariistee C/laahi Yusuf Axmed oo la doortay bil kadib shir kii UN ka Sept 2004, uu isla bishii la doortay ee October Visa dalkugal ah ka doontay safaarada Mareykan-ka ee Nairobi si uu wadankas uga soo dhaadhiciyo wax qabadkisa, balse nasiib daro laga diiday dalabkiisii Visa-ha.

Waxan sugnaaba waa wax qabadka madaxweynaha cusub Xasan Sh. Maxamuud iyo isagoo yareeya safarada macna darada ah, isla markaana aanu dhumin fursadaha siyaasadeed ee soo mari doona hada kadib.

SomaliSwiss London

SomaliSwiss@hotmail.com

About these ads
Follow

Get every new post delivered to your Inbox.

Join 4,047 other followers

%d bloggers like this: