Ciidamada Ammaanka Gobolka Banaadir ay xalay Howgallo dad badan lagu soo qab-qabtay ka sameeyeen degmooyin ka tirsan Muqdisho.

Ciidamada amaanka ee Gobolka Banaadir ee dowladda Soomaaliya ayaa xalay howlgallo lagu soo qabqabtay dad fara badan ka sameeyay degmooyinka, Waaberi, Hodan iyo Wadajir, iyadoo ciidamadu ay baaritaanno ku sameynayeen guryaha iyo gaadiidka.

Sida ay warbaahinta ay sheegtay in Saraakiisha howlgallada hoggaaminayay ay ka gaabsadeen inay ka hadlaan tirada dadka ay ku soo qabqabteen howgallada iyo tuhunnada ay ka qabaan, balse waxay sheegeen in howgalladu ay ahaayeen kuwo ammaanka lagu sugayay.

Sida aad la socotaan magaalada Muqdisho ayaa waxay toddobaadyadii ugu dambeeyay ahayd mid uu ammaankeedu fara kasii baxayay, iyadoo ay ka dhacayeen qaraxyo ay dad badan ku dhigeen iyo dilal qorsheysan oo kuwii ugu dambeeyay ay dhaceen laguna dilay xildhibaan iyo haweeney ganacsato ahayd.

Sidoo kale Goobjoogayaal ku sugan degmooyinka howgallada laga sameeyay ayaa sheegay in ciidamadu ay galayeen goobo gaar ah, baaritaanno ku sameynayeen gaadiidka dadweynaha iyo kuwa gaarka loo leeyahay.

Si kasta ha ahaatee waxaa saakay daggan xaaladda Muqdisho ayaa, iyadoo guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya, Prof. Jawaari uu sheegay in dilka mudanaha loo geystay uusan ahayn mid ka horjoogsan doona howlaha Barlamaanka.

SomaliSwiss    Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

About these ads
Follow

Get every new post delivered to your Inbox.

Join 4,702 other followers

%d bloggers like this: