Shacabka magaalada Qardho oo Maanta Mudaharaad rabshada wata kala hortagay Guddiga Doorashada Puntland.

Mudaaharaad si weyn ay u soo abaabuleen dadweynaha ku nool magaalada Qardho laguna diidanaa in dowladda Puntland ay hal sano ku darsato ayaa maanta waxa uu is qabsaday wadooyinka waaweyn ee magaalada Qardho iyo goobaha inta badan ay shacabka isugu yimaadaan. HOOS KA DAAWO SAWIRADA

Mudaharaadkan ayaa ahaa kii ugu weynaa oo ka dhaca xarunta gobalka Karkaar sanadihii lasoo dhaafay, waxaana wadooyinka magaalada lagu gubay shaagaga gawaarida, halka derbiyada lagu qoray erayo ka dhan ah xukuumada Dr.Cabdiraxmaan Faroole ee waqtiga yar u haray, ayadoo looga soo horjeeday in Baarlamaanka iyo Xukuumada ay muddo hal sano ah ku darsadaan.

Dadweynaha ayaa sitay boorar ay ku qoranyihiin halkudhigyo ka dhan ah Dowladda Puntland oo ay kamid yihiin: “…Puntland hala Badbaadiyo uma baahna kursi jeceel iyo kaligiistalis…” waxa ay ku dhawaaqayeen in ay ka soo horjeedaan xisbiyada danaha gaarka laga leeyahay oo ay ku sheegeen in dowladda ay dooneyso in ay sanad ku darsato dadkana ku mashquuliso xisbiyo aan diyaar hadda shacabka reer Puntland u aheyn.

Mudaharaadkan ayaa bilowday kadib markii ay magaalada maanta Soo gaareen xubno kamid ah Guddiga Doorashada Puntland.

Xubnaha Magaalada Qardho soo gaaray waxaa kamid ah gudoomiyaha gudiga doorashooyinka Puntland Maxamed Xasaan Barre waxaana imaanshihiisa kadib hal mar laga dareemay magaalada mudaharaadyadan saameynta ku yeeshay isu socoda gaadiidka iyo shacabka.

Banaanbaxan dadka ka qeyb qaadanayey ayaa qaarkood codsanayey in ay magaalada isaga baxaan Guddiga Doorashada iyo xubnaha kamidka ah, isla markaana ku baaqayey doorashada Puntland ee Janaayo 2013 inaan dib loo dhigin.

Mudaaharaadkaan oo ahaa kii ugu weynaa ee ka dhaca magaalada oo lagu taageerayo in aan wakhti kororsi sameysan Dowlada Puntland oo ay wakhtigii loo cayimay ay dhacdo doorashada Janaayo 2013.

Banaanbaxan ayaa kusoo beegmaya xili ay todobaadkan magaalada Bosaaso ee gobalka Bari Beelaha ku dhaqan shan kamid ah ay soo saareen baaq wadajir ah oo ku socda inaan dib loo dhigi karin doorashooyinka Puntland, isla markaana looga soo horjeeday qorshaha xukuumada Puntland dooneysa inay xilka ku kororsato muddo hal sano ah.

Wakhti kordhin Xeeladeysan!

Baarlamaanka iyo Xukuumada Puntland ee soo shaqeenayey tan iyo sanadkii 2009, ayaa waxaa xiligoodu uu ku egyahay, 30 Oktoober 2012 oo uu dhamaan doono xiliga Baarlamaanka oo ah in bisha December 2012 la dhaariyo Baarlamaan cusub, halka wakhtiga Madaxweynaha iyo Madaxweyne kuxigeenka uu ku egyahay 7da bisha Janaayo 2013, isla markaana 8-9 Janaayo 2013 la doonayo inay dhacdo doorashada Madaxtinimada Puntland.

Hase yeeshee Xukuumada hada wakhtiga kasii dhamaanaya ayaa bishan September shaaca ka qaaday in la furan karo xisbiyada siyaasada, isla markaana diiwaangelintoodu ay socon doonto illaa bisha December, ayadoo la sheegay in Bisha Feberaayo ee 2013 la kala saari doono xisbiyada kuwa doorashada ka qeyb qaadanaya iyo kuwa kale, arrintan oo meesha ka saareysa xiligii dhamaaday ee Baarlamaanka iyo xukuumada.

Sidoo kale dastuurka cusub ee Puntland oo sanadkan Bishii April 15dii la ansixinyey ayaa waxaa ku taal in wakhtiga Dowlada xilka heynayso ay tahay muddo 5 sano ah, walow la sheegay in taasi ay hirgelayso kadib doorashooyinka soo socda marka Maamul cusub lasoo doorto.

Murranka ka taagan degmooyinka iyo Gobalada Puntland?

Waxaa sidoo kale murran xoogan ka taagan yahay go’aankii Baarlamaanka wakhtiga ka dhamaanayo uu qaatay ee ahaa in 21 degmo oo kaliya ay ka dhici doonaan doorashooyinka ugu soo horeeya, ayadoo Puntland ay ka kooban tahay 37 degmo, waxaana la yaab noqotay in dowlada diido in doorashada ay dhacaan degmooyin badan oo kamid ah gobalada Bari, Karkaar iyo Sanaag,  halka magaalooyinka CEERIGAABO iyo LAAS CAANOOD oo uu ka arrimiyo maamulka Somaliland, ay sheegtay Puntland in ay doorashooyinka degmooyinka ka dhici doonaan, arrintan ayaa keentay in beelaha Qaarkood ay kasoo horjeestaan qorshahan.

Hawsha Baaxadaleh ma ku qabsoomi doontaa 1 sano oo kale?

Marka laga yimaado arrimahan degmooyinka iyo gobalada Puntland, waxaa cad in wakhtiga Doorashooyin xor ah ay ka dhici karaan Puntland ay tahay mid wakhti dheer qaadan doonta, marka la eego ayadoo hada dowladan soo shaqeenaysay muddo ku dhow 4 sano in aan xataa la hirgelin TIRAKOOBKA SHACABKA, waxaana la isweydiinayaa wixii xukuumada ku hirgelin weyday 4 sano inay ku hirgelin doonto 1 sano oo kaliya, taasi oo albaabada usii furi karta muddo kordhin kale oo horleh.

Waxaa weli dhiman hawlihii ugu baaxada badnaa oo ay ugu horeeyaan:

1- Diiwaangelinta Xisbiyada iyo Ansixinta 3da xisbi ee doorashooyinka ugu danbeeya geli doona
2- Tirakoobka iyo Diiwaangelinta shacabka oo aan wali la bilaabin
3- Xadeynta Xuduudaha Degmooyinka iyo Gobalada Puntland
4- Sugida Amniga Degmooyinka iyo Gobalada Puntland oo qaarkood aan hada ka talin Puntland gaar ahaan (Sool, Sanaag iyo Cayn)
5-  Aftida dadweynaha oo aan loo qaadin Dastuurka Cusub
6- Doorashooyinka Degmooyinka
7- Doorashooyinka madaxtinimada/Baarlamaanka ee Xisbiyada

Dhamaan qorshayaashan ayaa qaadan kara muddo sanadooyin aan illaa iyo hada la ogeyn, waxayna dadweynaha si weyn u dhaliilayaan in dowlada ay sanadkii ugu danbeeyey ku dhawaaqdo inay hawlahan bilaabi doonto, isla markaana ay shacabka ku tilmaameen arrintaasi muddo korosasho, waxaana jira dad badan oo hadal haya in wakhti kordhinta aysan ahayn 1 sano balse ay dowladu dooneyso in 4 sano illaa 5 sano ay xilka iska sii heyso inta aan hawlahaas laga dhameeneyn.

Shacabka ayaa codsanaya in doorashooyinka madaxtinimada aan dib loo dhigin isla markaana wakhtigii loogu daray ay dhacdo 8da Bisha Janaayo 2013, kadibna xukumadii lasoo doorto ay ayadu dhameystirto hawlaha xisbiyada iyo doorashooyinka xorta ah ee la doonayo in Puntland laga dhaqan geliyo.

Khaladaad horey loo soomaray!

Horey ayey xukuumadihii usoo maray Puntland isugu dayeen inay wakhti kordhin ku sameeyaan xiligoodii ayagoo inta badan dib u soo dhigayey xiliga Doorashooyinka iyo Xisbiyada siyaasada, Dr.Cabdiraxmaan Maxamed Faroole ayaa asagu xiligii lasoo dooranayey 2009 sheegay in uu howshan kusoo dhameyn doono ugu badnaan muddo 2 sano ah, balse xukuumada hada joogta oo shaqeenaysay muddo ku dhaw 4 sano ayaa hada sheegtay inay hawsha u dhabo geli doonto, taasi oo dareen caroleh ku reebtay shacab badan oo ku dhaqan Puntland.

Waxaa ayaduna jirta cabsi ah waxa ay la imaan karto muddo kordhin ay iskood u sameystaan Baarlamaanka iyo Xukuumada oo aan shacabka raali ka ahayn taasi oo horey u sababtey dagaaladii horaantii 2001dii ka dhacay Puntland oo ay dadka badan ku dhinteen. Sidoo kale xukuumadii Gen.Maxamuud Muse Xirsi (Cadde Musse) ayaa sidan oo kale looga diiday inay wakhtiga ka dhigato 5 sano ayadoo xubnihii sida weyn uga hanjabay uu kamid ahaa Dr.Cabdiraxmaan Faroole oo asagu hada xilka wadanka haya.

Dareenka Shacabka Puntland muxuu salka ku hayaa?

Ugu danbeyntii dadka sida weyn uga soo horjeeda wakhtiga muddo kordhinta ayaa sheegaya in khaladka ugu weyn ee Dowlada Puntland sameysay ay tahay ayadoo aan horey wacyi gelin iyo wadatashi aan shacabka iyo Issimada Puntland kala sameyn arrinta muddo kordhinta ah, isla markaana ay xukuumada si xeeladaysan u adeegsaneyso arrimaha Xisbiyada oo dib loo dhigayey muddo dheer aysana kasoo bixin balanqaadkii hore ee ahaa in 2da sano ee ugu horeeya la fulin doono hawlahaasi.

Dowladu sidoo kale wax fursad ah ma aysan siin shacabka inay afkaartooda ka dhiibtaan hawlaha, xili ay deegaanada Puntland oo dhami ay ka jiraan cabashooyin badan oo salka ku haya dhanka:

1- Hoos u dhacaya ku yimid dhaqalaaha Puntland,
2- Amniga oo hoos u dhac ku yimid
3- Sare u kaca ku yimid Canshuurta shacabka laga qaado,
4- Adeega bulshada oo meel hoose maraya,
5- Musuq maasuqa
6- Shaqo la aan baahsan
7- Xariga iyo cago jugleynta Joogtada ah ee lala beegsado dadka dhaliila siyaasada Dowlada.

Arrimahan ayaa ah kuwo si weyn u taabtay dhamaan nolosha dadka ku dhaqan deegaanada Puntland. Waxayna arrimahan yihiin kuwa ugu waaweyn oo keenaya diidmada shacabka ee ku aadan muddo kordhin horleh oo dowlada hada jirta wakhtiga loogu sii dheereeyo.

Source: Horseed Media

 

 

 

About these ads
Follow

Get every new post delivered to your Inbox.

Join 460 other followers

%d bloggers like this: