Cali Maxamuud Raage (Cali Dheere) oo ah Afhayeenka Xarakada Al-Shabaab ayaa sheegay in ka bixitaankooda magaalada Kismaayo ay ka horreyso in dad badan ay ku naf-waayaan, si sahal ahna aanay uga bixi diinin. (more…)
Filed under: Muqdisho | Comments Off




























































Wasiirka arrimaha dibadda ee Kenya, Sam Ongeri ayaa iska fogeeyay inuu qaraxii ismiidaaminta ahaa ee Hotel Jazeera ku eedeeyay madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed.
Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Prof Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Xalay Kulanka casho sharaf ah u sameeyey Xildhibaanada Barlamaanka Soomaaliya, wuxuuna ugu mahadceliyay kaalintii wanaagsaneyd oo ay ka qaateen doorashooyinkii madaxtinimada dalka,waxaana kulankaas joogay musharraxiintii u tartameysay xilka Madaxtinimada dalka.
Abaanduulaha ciidamada XDS Jeneraal C/kariin Yuusuf Dhegabadan oo ka hadlayay Xaflad lagu sagootinayay taliyihii hore ee ciidamada Uganda ee Soomaaliya Gen. Paul laguna soo dhaweynayay Taliyaha cusub ee lagu bedelay ayaa sheegay in ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliya ay kaabiga ku hayaan degmada Kismaayo ayna maalmaha soo socda la wareegid doonaan Magaaladaasi. 




















































