Madaxweynaha maamul goboleedka Puntland C/raxmaan Faroole oo maanta boqolaal shacab ah magaalada Garowe kula tukaday salaadii Ciidul-fitriga garoonka kubada cagta ee Mire Aware ayaa khudbad dheer oo dhinacyo badan taabaneysa oo uu jeediyay waxaa uu ku hajnabay in hadii dowladda dhalan doonta ay madax ka noqdaan dad Federal diid ah ay ka tashan doonaan reer Puntland in ay Soomaaliya inteeda kale ka sii mid noqdaan iyo in kale. HOOS KA DHAGEYSO KHUDBADA
Faroole oo sidoo kale ka digay in hogaamiye kooxeedyo soo galaan baarlamaanka ayaa sheegay in hogaamiye kooxeedyaddu ay yihiin kuwii kasoo qaxiyey guryahooda isla markaana laayey dadkoodii reer magaalka ahaa sidaa darteedna wax kale oo u yaalo aysan jirin oo aan aheyn maxkamad la hor keeno, isagoo sheegay in aysan arrintaas aqbali doonin.
Anagaa sameynay nidaamka dariiqa nabadda si loo xakameeyo dadka nidaam diidka soomaaliyana loogu sameeyo dowlad federaal oo aan u aragno danta reer Puntalnd inay ku jirto asaga oo sheegay inay ka digayaan in madaxweynaha iyo gudoomiyaha baarlamaanka loo doorto dad uu ku tilmaamay Federaal diid oo uusan sheegin magacyadooda.
SomaliSwiss Garowe
SomaliSwiss@hotmail.com
Filed under: Garoowe
















































































































