Taliye ku-xigeenka ciidamada Booliska ee AMISOM Mr. Oyo Nyeko ayaa sheegay in ciidamada hordhaca Booliska AMISOM ee Muqdisho soo gaaray ay ka howlgali doonaan dhowaan iyaga oo Caawinaya Ciidamada Booliska Soomaaliyeed. (more…)
Filed under: Muqdisho | Comments Off




























































Ergeyga Qaramada Midoobay ee Soomaaliya danjire Augustina Mahiga ayaa warbaahinta u sheegay in hadda ay ka jirto Soomaaliya xaalad wax is daba marin tii ugu dareyd ah oo ay wadaan xubno doonaya inay madax ka noqdaan dawlada cusub ee Soomaaliya yeelanayso.
War Saakay aroortii hore naga soo gaaray magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada hoose ayaa sheegaya in xalay duqeyn xooggan ka dhacday magaaladaasi, kadib markii ay malleeshiyadka Al-Shabaab duqeyn la beegsadeen Markab marayay agagaarka xeebta degmadaasi, waxaana duqeyntaas ku dhintay 4qof, sidoo kale waxaa ku dhaawacmeen in ka badan 3 qof.
Howlgal aad u balaaran oo lagu xaqiijinayey Ammaanka degmada Hilwaa e gobolka Banaadir ayaa waxaa lagu soo qabqabtay kooxo ka tirsan Maleeshiyada Al-Qaeda wuxuuna howlgalkaas uu soconayay in ka badan Lix saacadood.
Hay’adda UNHCR iyo Dowladda Kenya ayaa kala saxiixday heshiis sir ah oo ay isku dhaafsanayaan dhammaan macluu maadyada dadka qaxootiga ah ee ay diiwaan geliso hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan Qaxootiga ee UNHCR. 




















































