Ka ganacsiga E-Passport (Ma Ogtahay Baasaboorka cusub inaad ku heleyso shuruud la’aan) ku qori karto Magaca qof dhintay oo caan ah, sida Cusaama Bin Ladin.

Weligaa maku fikirtay, Baasaboorka cusub ee Soomaaliya ayaa lagu heli karaa su’aal la’aan, laguna qoran karaa magac kasta oo beena, xitaa qof lagu ogaa inuu dhintay, taasi waa suurta gal haddii aad lacag bixiso, haka cabsoon in fara lagaa qaado ama lagu hubiyo, sababtoo ah dantooda maaha madaxda iska leh shirkada samaynaysa, sida Shariif Sakiin, Gen Gaafow, Danjire Shiikheey, madax kale oo caan ah iyo Ganacsato, sirtaas waxaa fashilay  warbixintii UN- Contact Group.

Inkastoo aan hore u daabacnay, qeybta Musuq maasuqa  lacagta iyo qaababka uu maro iyo mashiinada iyo bankiyada qarsoon ee madaxda wax farsamaysa, hadana halkaan waxaan kasii  amba qaadeynaa qeyb kale oo muhiim ah.

Akhristoow, warbixinta guddiga qaramada midoobay, qeybta quseysa Baasaboorada, maaha sheeko uu ku farxayo qofkii akhriyaahi, waxay muujinaysaa sawir aan ka duwanayn in qofkii rabaa qaadan karo, wuxuu rabana ku qoran karo, waxaa ka mid ah warbixinta in muhiimadu aysan ahayn yaa loo samaynayaa baasaboorka ee ay tahay yaa lacag wata, taas oo ka dhigan   in Baasaboorka aad ka heli karto suuqa Cabdalla Shideeye, aadna ku qoran tahay Cusama Bin Ladin.

Warbixintaan dhamaanteed markii aad akhriso ayaad dareemeysaa in xaalku sidaas yahay, waxaad dareemeysaa naxdin, sababtoo ah dad hore loogu ogaa in ay lacag dhacaan oo kaliya ayay  cadaatay in ay sidoo kale leeyihiin shirkadda sameysa Baasaboorka cusub oo ay ka ganacsadaan, isla markaana ka iibiyaan Somali ama ajnabi cidii lacag bixisa.

Ma ogtahay in Baasaboorka cusub hadda aad ka dalban karto Online, isla markaana aad helayso, muddo kooban haddiiba aad lacag bixiso, haka cabsoon in fara lagaa qaado ama lagu baaro, Waa inaad foomka buuxisaa oo kaliya dabadeedna lacag dhiibtaa, looma baahna in lagu waydiiyo jinsiyaddaadu in ay Soomaali tahay ama qolo kale, waa in Qof Somali yaqaan uu kuu buuxiyo oo kaliya. haddii kale waxaad ka dalban kartaa dulaaliil jooga Suuqa Cabdalla Shideeye ama meel kuu dhow caalamka meeshii aad ka joogto.

19-kii October 2006, waxay DKMG Soomaaliya (xukuumadii Cali Maxamed Geedi) heshiis qandaraas ah la gashay shirkad lagu magacaabo Just Solution Limited (JSL) taasoo lagula heshiiyey inay daabacdo baasaboor cusub oo Soomaali ah oo noociisu yahay “Biometric” oo ah nooca casriga ee hadda adduunka laga isticmaalo.  Shirkaddan JSL waa shirkad laga leeyahay wadanka Seychelles hase yeeshee waxay xafiisyo ku leedahay magaalada Sharjah (Airport Free Zone, United Arab Emirates).  JSL waxay adeegsataa website-ka rasmiga ah: www.justsolutionsltd.com .

Raysul wasaarihii xilligaasi Cali Maxamed Geedi wuxuu Monitoring Group u sheegay in ujeedada sameynta baasaboorka cusub ay ahayd in lagu bedelo noocii hore ee baasaboorka dalka (baasaboorka cagaarka) oo aan ahayn nooca “Biometric”.   Ka hor intii ausan xukuumadu saxiixin qandaraaska shirkadda JSL waxaa heshiiska taageeray golihii wasiirada ee xukuumadii Cali Maxamed Geedi.

Dhanka DKMG wuxuu waajibaadkeeda ahaa, sida ku qoran heshiiska;-

1) In ay magacawdo guddi sare oo maamula mashruuca baasaboorka, isla markaana awood u leh inay wada shaqeyn la sameeyaan shirkadda JSL.

2) Inay sameyso kooxaha ka shaqeynaya goobaha xog ururinta (diiwaangelinta dadka baasaboorka doonaya) oo laga sameynayo gudaha iyo dibadda Soomaaliya.

3) Inay u soo saarto waraaqaha codsiga dhamaan muwaadiniinta soo dalbada baasaboorka.

4) Inay xaqiijiso, hubiso codsiyada dadka kadibna u gusbiso shirkadda JSL si loogu soo daabaco dukumintiga baasasboorka iyo kaarka dhalashada.

5) In xogta baasaboorka ay keydiso

6) Inay xaqiijiso in wixii lacag ah ee laga qaadayo dadka soo codsanaya baasaboorka la dhigo bangi loo qondeeyay (account bank), isla markaana wixii lacag ah ee ay leedahay JSL loo xawilo.

DKMG ah waxay ballanqaaday in xarun laga bixiyo baasaboorka ay ka fureyso Nairobi, waxaana masuuliyada xaruntaasi ay hoos imaaneysaa Gen C/laahi Gaafow Maxamuud oo ah Taliyaha Laanta Socdaalka Iyo Jinsiyadaha DKMG ah.

Raysul wasaare Geedi wuxuu Monitoring Group u sheegay in qandaraaska daabacaada baasaboorka ay u adeegsadeen sharci ahaan dastuurkii 1960-kii, “Waayo Axdi Qarameedka DKMG ah kama uusan hadlin arinta qandaraaska noocan oo kale ah” ayuu yiri Geedi.

Dhanka shirkadda JSL wuxuu heshiisku sheegayey inay masuuliyadeedu tahay;-

1) Inay meelmariso nidaamka cusub ee baasaboorka iyo waraaqaha dhalashada lagu bixinayo. Iyo inay xarun kasta oo baasaboorka laga bixinayo ku qalabeyso shan computer (nooca PC), labo labtop, labo makiinadood oo scnanner-ka faraha ah, labo digital camera, labo makiinadaha wax daabaca [printer] iyo hal makiinadaha waraaqaha sawira [photocopy].

2) Inay qabato dukumintiyada ay soo diraan masuuliyiinta ku shaqada leh baasaboorka bixintiisa.

3) Inay hubiso in lacagaha bangiga loogu shubo ay heleyso.

4) Inay ka hubiso xogta baasaboorka ee la xareeyay.

5) Inay baasaboorka iyo kaarka dhalashada u soo saarto. Waxaana xaruntii ugu horeysay ee lagu daabaco baasaboorka laga furay Sharjah Airport Free Zone oo ay deganeyd shirkadda JSL.

6) Inay baasaboorka iyo dukumintiyada kale gaarsiiso masuulioyiinta ku shaqada leh ee dawlada.

7) Inay maalgeliso mashruuca oo ay ku jiraan qalabka xogta lagu soo ururinayo.

Labada dhinac (DKMG iyo JSL) waxay ku heshiiyeen in halkii baasaboor oo laga soo dalbado gudaha Soomaaliya laga qaado $70, isla markaana shirkadda JSL ay ku yeelato $49 (oo ay u goosaneyso deynta maalgelinta).  Sidoo kale in laga qaado $20 oo dheeraad ah wixii baasaboor dalab deg deg ah loogu baahan yahay.

DKMG waxay baasaboorka ku bilawday $150 halkii baasaboor dibadda Soomaaliya, halka gudahana lagu dalacay $100.  Bartamihii 2009 ayaa qiimahaasi hoos loo dhigay, waxaana laga dhigay $100 halkii baasaboor ee dibadda laga bixiyo halka baasaboorka gudaha laga bixinaya laga dhigay $80.

Shirkadda JSL waxay ogolaatay in ugu horeyn mashruuca ay ku maalgeliso US$411,000 (Afar Boqol Kow iyo Toban Kun Doolar) taasoo ah deyn horumarin ah, laakiin waxay shuruud uga dhigtay JSL inay wada qaadaneyso dhamaan khidmada baasaboorada ka soo xaroota illaa inta ay ka soo ceshaneyso lacagtay ay deynta u bixisay.

27-kii December 2006, Mr. Mukherjee oo ah madaxa shirkadda JSL ayaa warqad u diray Gen C/laahi Gaafow (madaxda laanta socdaalka iyo jinsiyadaha DKMG) iyo Xasan Axmed Jaamac (wasiir ku xigeenkii arimaha dibadda xukuumadii Cali Maxamed Geedi). Warqadaasi wuxuu Mr. Mukherjee ku sheegay in uu ogolaaday inuu soo dhiibo lacag gaareysa US$200,000 (Labo Boqol Kun Doolar) taasoo qeyb ka ah US$211,000 (Labo Boqol Kow iyo Toban Kun Doolar) oo ay horey deyn ahaan u bixisay shirkadda JSL.  Ugu dambeyna lacagtaasi waxay gaartay Gen Gaafow iyo wasiir ku xigeenka dibadda Xasan Axmed Jaamac iyaguna wax aqbaleen jiritaanka warqadaasi.

Lacagtaasi waxaa loo bixiyey sida soo socota:-

i) Bishii December 2005, shirkadda JSL waxay lacag jeeg ah (cheque) ku wareejisay Account Number uu lahaa raysul wasaare Cali Maxamed Geedi, lacagta ay dhigtayna waxay ahayd US$200,000 (Labo Boqol Kun Doolar).   Cali Geedi wuxuu account-ga ku lahaa Commercial Bank of Africa oo ku yaalla Nairobi (Account No. 25006038)

ii) Bishii November 2006,  shirkadda JSL waxay bixisay US$11,000.00 (Kow iyo Toban Kun Doolar) oo loo isticmaalay mushaharkii shaqaalaha xafiiska baasaboorada ee Nairobi laga furay

iii) 28-kii December 2006, JSL waxay Gen Gaafow siisay US$150,000 (Boqol iyo Konton Kun Doolar) oo caddaan ah.

iv) 8-dii February 2007, JSL waxay Xasan Axmed Jaamac (wasiir u xigeenkii arimaha dibadda) siisay US$40,500  (Afartan Kun iyo Shan Boqol Doolar) oo caddaan ah.

v) Lacag gaareysa US$9,500 (Sagaal Kun iyo Shan Boqol Doolar) ayaa lagu bixiyey safaro diyaaradeed oo ay galeen masuuliyiin ka tirsan DKMG ah.

Baasaboorkii ugu horeeyay waxaa uu soo baxay bishii March 2007. Hase yeeshee dhowr bilood gudahood waxaa durba soo baxay caqabado soo foodsaaray mashruuca iyadoo labada dhinac [DKMG iyo JSL] ay isku eedeeyeen inay ka soo bixi waayeen masuuliyadooda.  Masuuliyiin ka tirsan DKMG oo hawlaha baasaboorka ku guda jiray waxay JSL ku eedeeyeen inay baasaboorka marka uu soo baxo ku soo garsiin weyday xarumaha looga baahan yahay waqti ku haboon oo aan daahitaan lahayn.  Sidoo kale waxay ku eedeeyeen shirkadda inay furi weysay xarumihii lagu ballamay in gudaha dalka laga sameeyo.

Laakiin dhanka gudoomiyaha JSL Sanjiv Mukherjee, wuxuu ku eedeeyay dhanka masuuliyiinta DKMG ah inay noqdeen musuqmaasuq wuxuuna sheegtay in aan dibloo soo celin lacagtii deynta ahayd ee US$411,000.  Wuxuu kaloo sheegtay in DKMG ah aysan soo wada dirin dhamaan khidmada laga qaado baasaboorka iyo in shirkadda JSL ay dhibaato kala kulantay masuuliyiinta isbed-bedelaya ee xafiisyada dawlada kuwaasoo markasta dad cusub imaanayeen.

13-kii March 2008, Gen Maxamed Warsame Faarax “Darwiish” (taliyihii hore ee Nabadsugida DKMG ah) ayaa warqad u diray gudoomiyaha shirkadda JSL isagoo u sheegay in Gen Gaafow iyo Xasan Axmed Jaamac loo xilsaaray inay xalliyaan wixii caqabado ah ee jira isla markaana la furo illaa shan goobood oo baasaboorka laga bixiyo.  Gen Drawiish wuxuu qiray in DKMG ah aysan ka soo bixin waajibaadkii dhaqalaha ka saarnaa ee ay ka rabtay shirkadda JSL hase yeeshee xal loo baahan yahay.

Labada dhinac waxay markii dambe isku afgarteen in la furo labo banki xisaabeed [account numbers mid ay leedahay JSL iyo mid DKMG] lagana furo Nairobi isla markaasina shirkadda JSL qeybteeda loogu shubo account-geeda, waxaana la sameeyay in safaaradda Nairobi ee DKMG ah ay maamusho labada xisaaba kuwaasoo markii dambe hirgali waayey kadib markii codsiyada baasaboorka ay yaraadeen.

Dhamaadkii bishii March 2008, iyadoo xal loo raadinayo dhibaatooyinka ka taagan baasaboorka ayaa danjire C/qaadir Sheekheey [Qunsulka Safaaradda Soomaaliya ee Dubai] ayaa wuxuu kulan la qaatay raysul wasaare Cali Geedi, Gudoomiyaha JSL Sanjivan Mukherjee iyo labo oo ganacsato Soomaali ah.  Kulankana wuxuu ka dhacay Safari Park Hotel oo ku yaalla Nairobi. Dawlada KMG ah waxa metelayey Gen C/laahi Gaafow,. Danjire Sheekheey iyo danjire Maxamed Cali Ameeriko (safiirka Soomaaliya ee Kenya).

Labada nin ee ganacsatada ah ee kulanka joogay waxay kala ahaayeen Sharif Axmed Bacalawi, oo ah maamulaha shirkad lagu magacaabo SASCO Logistic (L.L.C) oo ka diiwaangashan Dubai iyo nin ay saaxiibo/shirko yihiin oo lagu magacaabo C/laahi Cumar “Bootaan”.

Intii kulanka uu socday Danjire Sheekhey ayaa sheegay in shirkadda JSL [oo horey u waday mashruuca baasaboorka] ay ka cabaneyso dhanka maaliyadda sidaasi darteed ay u baahan tahay saamiley hawsha ay la wadaagto.  Isla kulanka ka dhacay Safari Park Hotel ayaa saraakiisha DKMG ah waxay JSL u soo jeediyeen inay heshiis la gasho shirkadda SASCO Logistic (L.L.C).

JSL waxaa lagu qanciyey in iyada ay leedahay masuuliyada mashruuca oo dhan, hase yeeshee shirkaddan cusub SASCO Logistic ay hawsheedu noqoneyso arimahan soo socda;-

A) In ay suuqgeyn u sameyso mashruuca baasaboorka kana gado dadka Soomaalida ee ku nool gudaha iyo dibadda iyadoo la kaashaneysa DKMG ah.

B) In baasaboorada iyo kaararka dhalashada ay ka qaado xarunta JSL marka ay soo saarto ayna u gudbiso goobaha looga baahan yahay ee gudaha iyo dibadda.

C) Inay fududeyso dhamaan lacagaha dhanka DKMG ah ka imaanaya ee ka soo xerooda bixinta baasaboorka.

D) SASCO waxay JSL siineysaa $24 oo horumarin ah halkii baasaboor iyo kaar aqoonsi ee ay sameyso, Isla markaana SASCO Logistics waxay ku yeelaneysaa $25 lacagtii markii hore lagu heshiiyey ee $49 halkii baasaboor inay ka qaadato JSL (sida ku xusan qandaraaskii 2007).

Heshiiska cusub waxay SASCO ogolaatay inay JSL siiso lacag dhan US$2.4 million (Labo Milyan iyo Afar Boqol Kun) laakiin marka hore ay soo horumariso SASCO US$500,000 (Shan Boqol Kun Doolar).

Sida uu sheegay agaasimaha JSL Sanjiv Mukherjee wuxuu heshiskan qorayey in SASCO Logistics ay noqoto tan tooska ula xiriireysa DKMG ah iyo masuuliyiinteeda, isla markaana SASCO ay qabileyso wixii “laaluush” weydiiya, taasoo JSL ay u aragtay mid ka mid ah caqabadihii waaweynaa ee horyaallay oo laga horqaaday.

4-tii April 2008, nuqulka qandaraaska cusub ee dhexmaray JSL iyo DKMG ah ayaa loo diray wasiirka maaliyada DKMG ah si uu u soo saxiixo, hase yeeshee sida uu xaqiijiyey Gen Darwiish waxaa heshiiska soo saxiixay Gen C/laahi Gaafow [wasiirka maaliyada ma saxiixin].   Gaafow waxba kamuusan ogeyn in heshiis lala galay qolo saddexaad [SASCO Logistics] sidaasi darteed labo bilood kadib markii Gen Gaafow uu ogaaday in qandaraaska ay ku soo biirtay qolo saddexaad wuu diiday inuu bedelo nuqulkii hore ee heshiiskii JSL, wuxuuna sheegay in DKMG aysan rabin inay faraha la gasho arimaha hoose ee shirkadda JSL.

Dhowr usbuuc markii ay ka soo wareegatay, Shariif Axmed Bacalawi oo ahaa maamulaha SASCO Logistics ayaa isaga baxay qandaraaska, wuxuuna dalbaday in loo soo celiyo lacagtii US $500,000 ee uu horumarinta u bisiyey iyo lacag kale oo dhan US $100,000 (Boqol Kun Doolar) oo uu siiyey Shirkadda JSL.  Shariif Bacalawi wuxuu sheegay in gelista qandaraaska ay ahayd khalad isla markaana mashruucan uusan ahayn mid shaqeyn kara.

Bartamihii 2008, Gen Darwiish [oo ahaa taliyaha Nabadsugida] ayaa u dhoofay Dubai si uu u soo indhadheeyo mashruuca shirkadda JSL iyo DKMG.  Beryihii uu ku sugnaa Dubai ayaa danjire Sheekhey wuxuu ka codsaday Gen Darwiish inuu isbaro nin ganacsade ah oo la yiraahdo Shariif Axmed Bacawali,  waxaana ballan lagu dhigtay Millennium Hotel oo ku yaalla magaalada Sharjah halkaasoo u deganaa Gen Darwiish.

Is araggii koowaad, Ganacsade Shariif Bacalawi wuxuu Gen Darwiish u sheegay in isaga iyo saaxiibadiisa kale ay jecel yihiin inay bedelaan Shirkadda JSL, isla markaana ay diyaar u yihiin inay qabtaan wixii shaqo ah ee JSL qabaneyso.  Wuxuu kaloo sheegay in madaxweyne C/laahi Yuusuf uu arintaasi soo dhoweynayo laakiin caqabada kaliya ee hortaagan ay tahay ‘GEN DARWIISH’, laakiin Gen Darwiish wuxuu u sheegay labada nin [Sheekhey iyo Shariif Bacalawi] in dawladu ay weli qadarineyso heshiiska JSL.

Axmed C/laahi Yuusuf

Toddobaadyo kadib, Gen Darwiish waxaa soo wacay Axmed C/laahi Yuusuf (wiil uu dhalay madaxweyne marxuum C/laahi Yuusuf) oo ku sugnaa Nairobi, wuxuuna ku wargeliyey Gen Darwiish inuu deg deg ku yimaado magaalada Nairobi.  Ina C/laahi Yuusuf wuxuu Gen Darwiish u sheegay in ragga kala ah; seedigiis Sayid Cali (oo ah sayga Maryam C/laahi Yuusuf oo uu dhalay madaxweyne C/laahi Yuusuf), Gen Gaafow iyo Danjire Axmed Maxamed Cigaal (Danjiraha DKMG Soomaaliya u joogay Imaaraadka Carabta) ay rabaan inay la kulmaan madaxweyne C/laahi Yuusuf si ay madaxweynaha ugala hadlaan taageerada bedelaad lagu sameeyo qandaraaska baasaboorka E-passport.

Danjire Axmed Maxamed Cigaal, markii la weydiiyey inuu kulankaasi ka qeybgalay wuu beeniyey.  Laakiin Monitoring Group waxay heleen in Maryam C/laahi Yuusuf (gabadha madaxweyne C/laahi Yuusuf) iyo saygeeda Sayid Cali ay deganaayeen magaalada Sharjah ayna ka warqabeen mashruuca baasaboorka iyo halka uu marayey, waxaana la sheegay in mar la kulmeen maamulaha JSL Sanjivan Mukherjee ayna weydiiyeen inay kala qeybgalaan mashruuca baasaboorka.

Gen Darwiish markii uu ku soo laabtay Nairobi, wuxuu madaxweyne C/laahi Yuusuf ka dhaadhiciyey inuusan joojin qandaraska Shirkadda JSL ee baasaboorka.

Dhamaadkii November 2008, waxaa iscasilay Gen Darwiish.   Darwiish wuxuu telefoon kula hadlay Sanjivan Mukherjee isagoo u sheegay in wixii lacag ah ee ay leedahay JSL uu kala ballamay inay bixiyaan Gen Gaafow iyo Xasan Axmed Jaamac (Wasiir ku xigeenkii xilligaas ee arimaha dibadda).  Waqtigaasi uu Darwiish xilka ka tagay waxay JSL lahayd US$700,000 Toddoba Boqol Kun Doolar).   Waxaana laxaqiijiyey in dawlada ay u taallay lacag dhan US$420,000 (Afar Boqol iyo Labaatan Kun Doolar) oo ku jirtay account safaaradda DKMG ay ku leedahay Addis Ababa kana soo xerootay baasaboorka, iyo US$400,000 (Afar Boqol Kun Doolar) oo ku jirtay xisaab ka furneyud Muqdisho oo baasaboorka uu lahaa.

Gen Darwiish wuxuu Gaafow ka codsaday in lacagaha ku jira xisaabaadka Addis Ababa iyo Muqdisho laga soo saaro laguna bixiyo deynta ay ku leeyihiin JSL.  Hase yeeshee mudo kadib, Gen Darwiish wuxuu ka ogaaday masuul ku sugan safaaradda Addis Ababa in lacagtii ku jirtay xisaabta Addis Ababa ay ka soo saareen Gen Gaafow iyo Shariif Xasan (oo markaasi loo soo magacaabay wasiirka maaliyada).   Waxaana Gen Darwiish uu ogaaday in lacagta aan la siinin shirkadda JSL.

19-kii March 2009, Gen Gaafow waxay Nairobi ku kulmeen Sanjivan Mukherjee, Waxaana Gaafow la socday Maxamed Aadan Edson oo ah qunsulka safaaradda Soomaaliya ee Nairobi, waxayna ka wada hadleen arimaha baasaboorka, dalabaad hore oo aan la soo gudin iyo lacagaha weli ku taagan dhanka DKMG ah.  Sanjivan Mukherjee wuxuu ka cawday dalabaadka uga yimaada safaaradda Dubai ee uu soo diro Danjire Sheekhey).  Wuxuuna sheegay in qunsulka Dubai (Sheekhey) uu si toos ah dalabka ugu soo gudbiyo shirkadda JSL halkii uu cadeyn ka soo qaadan lahaa waaxda socdaalka iyo jinsiyadaha DKMG ah ee Nairobi, wuxuuna Sanjivan Mukherjee cadeeyay in Sheekhey uu ku amro inuu baasaboorka u soo saameyo dadka uu soo weydiisto.

Isla kulankan ayaa Sanjivan Mukherjee wuxuu Gen Gaafow ka codsaday inuu bixiyo lacagaha ka maqan JSL oo dhan US$722,423 (Todoba Boqol iyo Labaatan iyo Labo Kun iyo Afar Boqol iyo Saddex iyo Labaatan Doolar).  Lacagtaasi waxay isugu jirtay US$200,000 deyn horumaris ahayd iyo US$522,423 oo ahayd lacag ka maqan JSL oo ahayd khidmadii ay ku lahayd daabacaada 17,572 E-Passports oo ay sameysay.

Gaafow wuxuu Sanjivan Mukherjee  u sheegay inuu diido dalab kasta oo ka yimaada toos safaaradaha iyo qunsuliyadaha isla markaana cida amarkasoo siin karta ay tahay kaliya ‘laanta socdaalka iyo jinsiyadaha ee uu isagu madaxda ka yahay’.

Horraantii 2009, ayaa danjire Sheikhey wuxuu la soo xiriiray Sanjivan Mukherjee  wuxuuna ka codsaday inuu la kulansiiyo wasiirka cusub ee maaliyada (Shariif Xasan), kulankana uu ka dhacayo Dubai.   Sida uu sheegay Sanjivan Mukherjee ka hor ballanta waxaa jiray wadahadal dhexmaray danjire Sheekhey iyo isaga [Sanjivan Mukherjee].  Sheekhey ayaa Sanjivan Mukherjee u sheegay in wiil uu dhalay Shariif Xasan uu jaamacad ka dhigto Australia isla markaana ay jiraan duruufo dhaqaale, haddii uu Sanjivan Mukherjee xoogaa kaga farxiyo WIILKA in markaasi Shariif uumarkaasi si fudud u xallin karo dhamaan caqabadaha hortaagan shaqada JSL ee baasaboorka, laakiin Sanjivan Mukherjee wuu diiday in wax lacag ‘laaluush’ uu bixiyo.

Markii la gaaray kulankii dhexmaray Sanjivan Mukherjee, Sheekhey iyo Shariif Xasan wuxuu ahaa mid caadi ah oo aan gaar ahayn, sida Montoring Group ka soo xigteen Sanjivan Mukherjee.  Laakiin danjire Sheekhey wuu beeniyey in wax ‘shaxaad iyo laaluush’ uu SHARIIF XASAN WIILKIISA u weydiiyey Sanjivan Mukherjee.

23-kii June 2009, C/laahi Maxamed Aden oo ah ku xigeenka qunsulka safaaradda Soomaalida ee Dubai ayaa warqad cabasho ah u diray shirkadda JSL, wuxuuna u sheegay inay ka walaacsan yihiin in JSL ay ku guul dareysatay inay ka soo baxdo ballanta iyo shaqada isla markaana illaa 3-dii June aysan jirin wax baasaboor ah oo la soo saaray.  Warqada waxay kaloo ka dalbatay shirkadda JSL inay soo sheegto taariikhda rasmiga ah ee ay dib u bilaabeyso sameynta baasaboorada.

24 June 2009, ayaa warqad jawaab ah ay soo dirtay shirkadda JSL, waxayna ku sheegeen in qalabkooda daabacaada iyo xogta ay ku wadeen ballaarin sidsaasi darteedna ay ku rajo weyn yihiin in usbuuca ugu horeeya ee bisha July 200 ay soo saari doonaan baasaboorada.

JSL waxay kaloo xilligaasi sheeganeysay in lacag dhan US$600,000 ay weli ku baaqi tahay dhanka DKMG ah isla markaana dhowr jeer oo ballamo loo qabtayna aan la fulin. Isla warqadaasi ayaa loo diray xafiiska raysul wasaaraha cusub [Cumar C/rashiid], wasaaradda arimaha dibadda, wasaaradda maaliyada iyo qunsuliyada Soomaalida ee Dubai.

19-kii May 2009, waxaa amar ka soo baxay Waaxda Socdaalka iyo Jinsiyadaha DKMG ay ku cadeysay in wixii xog “online ah” ee lagu keydinayo server-ka baasaboorka ay ka masuul tahay qunsuliyada Dubai marka la soo xaqiijiyo xogta kadib.  Isla markaa wuxuu kaloo amarkaasi sheegay in Soomaalida degan dibadaha ee aan heli karin goob ay baasaboorka ka qaataan inay la xiriiraan qunsuliyada Dubai ayna ku soo dalbadaan baasaboorka qaab email ah.

Arintaasi waxaa ka qeyliyey rag Soomaali ah oo arinta baasaboorka si fiican ula socday kuwaasoo sheegay in ku wareejinta xogta baasaboorka lagu wareejiyey qunsuliyada ay khatar ku tahay amniga xogta ayna albaab u furtay dembiilayaasha caalamiga ee raba inay helaan baasaboorka Soomaaliga.  Ilo wareedyo ayaa sheegay in arintan ay sii taagertay warqad uu Shariif Xasan u qoray danjire Sheekhey inuu kaliya wakiil uga yahay dawlada la shaqeynta shirkadda JSL.

SHARIIF XASAN

26-kii June 2009, Lt. Col. Cabdi Yuusuf Jibriil oo ahaa ku xigeenka Gen Gaafow ayaa warqad u qoray xafiiska raysul wasaaraha iyo madaxweynaha isagoo ka digay in baasabooradii shaqaalaha dawlada iyo kuwa diblomaasiyiinta ay ku dambeyn doonaan gacanta argagixisada caalamiga ah haddii aan wax laga qaban.  Col Cabdi Yuusuf Jibriil wuxuu kaloo cadeeyay in dhac iyo boob baahsan uu ka socdo Waaxda Socdaalka iyo Jinsiyadaha Soomaaliya, hase yeeshee Col Cabdi Yuusuf [oo hadda ku sugan Mineapolis] wuxuu Monitoring Group u sheegay inaan warkiisa la dhageysan oo waxba laga soo qaadin ayna jirin cid baartay.

Ugu dambeyntii ganacsade Shariif Axmed Bacalawi (mulkiilaha SASCO Logistics) wuxuu la xiriiray Shariif Xasan wuxuuna weydiistay in la siiyo lacagtii deynta ahayd ee ka gashay mashruuca baasaboorka taasoo dhameyd US$600,000.   Shariif Xasan wuxuu Shariif Bacalawi u sheegay inuu iska sugto lacag dhan illaa $400,000, wuxuu sabab uga dhigay in JSL ay dowladda lacag ku leedahay, markii lacagtaas la bixinayana looga jari doono 400,000, taasi bedelkeeda Maamulaha JSL wuxuu ogolaaday inuu bixiyo lacagta hartay, waxaana ay JSL isla markiiba  siisay Shariif Bacalawi  $200,000 ee ay ballanqaaday.

Sida Monitoring Group ay ogaatay ganacsade Shariif Bacalawi wuxuu qeybtii kale ee deyntiisa ka maqneyd (400,000) ku qaatay canshuur laga dhaafay badeecad uu ka soo dejiyey dekeda Muqdisho,  dhaqankaasoo sida kooxda baarayaashu sheegeen caadi ka ah gudaha dawlada KMG ah marka ay ganacsatada deyn ku yeeshaan.

QEYB AANAN WELI TARJUMIN OO KA MID AH SHEEKADAAN KORE AMA LA SOCOTA ISLA QEYBTAAN.

25. On 1 April 2010, Sharif Hassan Sheikh and Gaafow signed a new contract on behalf of the TFG with Mondial Technology Information (MTI) for the production of ePassports and National Identification Cards.57 The Monitoring Group has confirmed that the de facto, unregistered owner and director of MTI is Sharif Ahmed Ba’alawi of SASCO Logistic.58 The terms of the contract are similar to that signed with JSL, but the fees payable to MTI are US$35 per passport for all applications received within and outside Somalia, instead of US$49.
26. On 23 June 2010, nearly three months after the new contract had been awarded to MTI, TFG PM Sharmarke sent a termination letter to JSL alleging serious contract violations, notably JSL’s “failure to streamline operations, improve services and eliminate the existing backlog.”59 By way of response, JSL claimed that the TFG had not respected its part of the contract and that, as of May 2012, the TFG still owes JSL US$1.5

Million.60 After the termination of the contract, JSL decided to close its office in Sharjah and to ship all equipment to Nairobi without notifying the TFG.61 The consignment was interdicted by the Kenyan Revenue Authority on 16 November 2011 and, at the time of writing, the case was before the Kenyan courts.62
27. On 1 July 2010, PM Sharmarke sent a letter to MTI retroactively acknowledging the contract terms signed on 1 April 2010 and authorizing the commencement of the Epassport and National Identification Card Project.63 The PM claimed that he had not been aware of prior negotiations, nor of the ownership of MTI, which says he believed to be an East European company.64 Sharif Ahmed, however, has told the Monitoring Group that the PM and the President had been aware of his involvement in the new contract even before the official signature.65

LA SOCO IYADOO TARJUMAN QEYBTAAN DAMBE, HADDII ALLE OGOLAADO.

SomaliSwiss London

SomaliSwiss@hotmail.com

About these ads

One Response

  1. All I can say is Thank you SomaliSwissTv.com for the insightfull detail
    of the widespread corruption of our so called leaders.
    The sad thing is this will likely happen again in the future.

Comments are closed.

Follow

Get every new post delivered to your Inbox.

Join 4,017 other followers

%d bloggers like this: