Wasaiirka Ganacsiga iyo Warshadaha ee xukuumadda KMG ah ee Soomaaliya ayaa ugu baaqay ganacsatada in ay dhimaan qiimaha maciishadda maadaama la gelayo bisha Ramadan ee fadliga iyo Kheyrka badan.
Mudane C/wahaab Ugaas Xuseen oo la hadlay Warbaahinta ayaa Ganacsatada Soomaaliyeed ka dalbaday in ay u naxariistaan shacabka tabaaleeysan isagoo kula dardaarmay in ay hoos u dhigaan qiimaha maciishada quutuldaruuriga ah inta lagu gudajiro bisha Ramadan.
Sidoo kale waxa uu ku dheeraaday faa’iidada, Ajarka iyo Barakada ay arintani u leedahay ganacsatada haddii ay dhimaan qiimaha maciishadda isla markaana ay afuriyaan shacabka Sooman ee danyarta ah.
Dhanka kale wasiirka ayaa tilmaamay in ganacsiga Soomaaliya uu sare u kacay xilliyadii ugu dambeysay kadib markii dowladdu u sameysay ganacsatada dhiirigelin wanaagsan, wuxuuna tilmaamay in Soomaaliya ay dhinaca gancsiga kaga horreyso waddamo badan oo African ah.
SomaliSwiss Muqdisho
Filed under: Muqdisho

















































































































