Kooxda fannaaniinta Qeyla-dhaan oo maanta si weyn loogu soo dhoweeyay magaalada Muqdisho.

Wafdi ka socday fannaaniinta kooxda Qeyla dhaan ee uu horkacayo  fannaanka codka macaan Jooqle Shire Jaamac iyo Fannaanka C/Xakiim Ciise Guuleed Farayare ayaa maanta soo gaaray magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya. iyagoo si heer sare ah loogu soo dhoweeyay garoonka caalamiga ah Aadna Cadde International Airport ee magaalada Muqdisho.

Wafdigan ayaa waxaa la socday y Guddoomiyaha Hay’adda CCD Ciise Axmed Cumar oo ay hareera socdeen Fannaaniinta Jooqle iyo Farayare ayaa mid mid u gacan qaaday boqolaal dadweyne ah oo ay ka qeyb qaadanayay soo dhoweyntooda, kuwaasi oo isugu jiray madaxda degmooyinka G/Banaadir, haweenka Muqdisho oo ku labisnaa astaanta calanka Soomaaliya, Fannaaniinta kooxda Heegan, Barbaarta gaashaaman, Weriyeyaal iyo dadweyne kale oo aad u fara badan.

Soo dhoweynta wafdigaas ayaa waxaa isugu soo baxay boqolaal Soomaali ah oowaxay siteen boorar ay ku qornaayeen hal ku dhigyo ay ku soo dhaweynayeen wafdigaasi,waxayna ku dhawaaqayeen suugaan ay ku muujinayeen sida ay ugu faraxsan yihiin imaatinka wafdigaas, iyagoo ku heesayay suugaan ay ka mid ahaayeen “Heybad waxaad ku leedahay dhulkaaga hooyo” iyo ereyo kale oo ay ku dheehneyd qiiro wadaninimo.

Fannaanka weyn ee Shire Jaamac Jooqle iyo Fannaanka C/Xakiim Farayare oo labaduba si wadajir ah warfidiyeenka kula hadlayay garoonka Aadan Cadde ayaa sheegay inay ku faraxsan yihiin dib ugu soo laabashada dhulkooda hooyo ee Soomaaliya, waxayna caddeeyeen inay u soo hiloobeen ciidda dalkooda, iyagoo xusay inay Alle uga mahad naqayaan imaatinkooda Soomaaliya.

Jooqle iyo Farayare oo hadalkooda sii wata ayaa ku nuux nuuxsaday inay Guddoomiyaha CCD Ciise Axmed Cumar ay uga mahad naqayaan sida uu ugu suurageliyay booqashadooda Muqdisho, waxayna hoosta ka xariiqeen inay ka go’an tahay sidii ay dadkooda ula qeybsan lahaayeen hadba marxalada lagu jiro, iyagoo tilmaamay inta ay joogaan Muqdisho inay qaban doonaan barnaamijyo ay bulshada ku baraarujinayaan dhinacyada nabadda wadajirka, dib u heshiisiinta iyo wadaninimada.

Mar ay labada fannaan ka sheekeynayeen sida ay u arkaan isbedelka nabadeed ee Muqdisho ka dhacay waxay sheegeen inay soo dhoweynayaan nabadda ka taaba gashay caasimada, waxayna tibaaxeen inay dadka Muqdisho ku boorinayaan sidii ay ugu sii fara adeygi lahaayeen nabadda ay ku naaloonayaan.

Fannaaniinta Jooqle iyo Farayare ayaa ugu dambeyntii iyagoo ilmeynaya waxay si qiiro leh u sheegeen inay sii kordhin doonaan suugaantooda ku saleysan Qaranimada iyo maslaxada ummadda Soomaaliyeed.

Si kasta ha ahaatee waa markii ugu horeysay muddo ku dhow sodomeeyo sano ay hoboladaan dib ugu soo laabtaan dalkooda hooyo, iyagoo lagu xusuusto mudadii ay qurbaha ku noolaayeen sida baahsan oo ay fanka Soomaaliyeed u horumariyeen.

SomaliSwiss   Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

About these ads
Follow

Get every new post delivered to your Inbox.

Join 3,577 other followers

%d bloggers like this: