
Dhaxal sugihii dalka Boqortooyada Sacuudi Carabiya, Naa’if Bin Cabdul-casiis Al-Sacuud ayaa shalay ku geeriyooday magaalada Geneve ee dalka Swizerland.
Amiir Naa’if oo 78 sano jir ahaa ayaa tan iyo sannadkii 1975-kii, wuxuu ahaa wasiirka arrimaha gudaha iyo ra’iisul wasaare ku xigeenka Sacuudiga.
Amiir Naa’if Bin Cabdul-casiis ayaa waxaa la magacabay bishii Oktoobar ee sannadkii hore kaddib markii uu dhintay walaalkiis ka weyn oo dhaxal-suge ahaa laguna magacaabi jiray Suldan Bin C/casiis.
Xafiiska diiwaanka ee Boqortooyada sacuuda ee ku yaala magaalada Caasamadda ah ee Riyadh ayaa laga sheegay in aaska dhaxal-suguhu uu ka dhici doono magaalada Maka ee dalka Sucuudiga maanta Axadda ah.
Sidaas darteed Amiir Naa’if ayaawuxuu ka mid yahay 40-wiil oo uu dhalay Aasaasihii boqortooyada Saudi Arabia, C/casiis Aala-Sucuud.
Dhanka kale Boqor Cabadalla oo haatan haya xilka boqortooyada Sucuudiga oo da’diisu tahay 89-sano ayaa sannadkii hore lagu soo sameeyay qaliin, iyadoo lagu wado in Salmaan oo 76-jir ah wasiirka gaashaandhigga Sucuudiga loo magcaabao xilka dhaxal-sugaha boqortooyada Sucuudiga.
Si kasta ha ahaatee Dalka Sucuudiga ayaa tan iyo sannadkii 1935-kii wuxuu ku soo jiray xukunka la iska dhaxlo ee boqortooyada, waxaana tan iyo xilligaas xilka isku bedelayay wiilashii uu dhalay aAsaasihii boqotooyada.
SomaliSwiss Geneve
Filed under: Zurich Swiss
















































































































