Ciidamada dowlada iyo kuwa Ethiopia oo la wareegay Degmada Bardaale ee Gobolka Bay.

Halkaan ka akhri

Wararka naga soo gaaraya magaalada Bardaale ee Gobolka Bay ayaa sheegaya in Ciidamada dowladda KMG iyo xoogag taabacsan ururka Ahlusuna oo garabsanaya ciidamada dawlada Ethiopia ayaa galabta dagaal kula waregay degmada Bardaale oo 60-KM u jirta magaalada Baydhabo ee gobolka Bay, waana degmadii ugu horeysay ee Gobolka Bay lagala wareego Maleeshiyaadka Shababka.

Wararka hordhaca ah ayaa sheegaya in dagaalka ayaa ka dhacay duleedka Bardaale oo ay galabta soo gaareen ciidamada isgarabsanaya oo ka soo dhaqaaqay dhanka degmada Yurkud oo ku taalla soohdinta kala qeybisa gobolada Bay iyo Gedo, dagaalkaan ka dhacay duleedka Bardaale ayaa sababay khasaare dhimasho iyo dhaawac hase yeeshee lama hayo tirakoob rasmi ah.

Gudoomiyaha gobolka Baay ee dowladda KMG C/fataax Ibraahim Geesey ayaa xaqiijiyey in ciidamada Dawlada iyo kuwa Ethiopia ay caawa ku hoyanayaan Bardaale, isagoo sheegay in maalmaha dhow ay tegi doonaan Baydhabo.

Hase yeeshee afhayeenka ciidamada Al-Shabaab Sheikh C/casiis abuu Muscab oo ka hadlay idaacadda Andalus ee ku hadasha afka Al-Shabaab ayaa sheegay in deegaanka Bardaale ay uga bexeen xeelad dagaal, ayna qorsheynayaan talaabooyin lagu naafeyno ciidamada ka horjeeda oo uu ku tilmaamay ”cadawga” sida uu hadalka u dhigay.

Dhanka kale wasiirka beeraha DKMG ahna raysul wasaare ku xigeenka Maxamed Maxamuud Xaaji Ibraahim oo ka soo jeeda gobolka Bay ayaa maanta shir jaraa”id uu ku qabtay Muqdisho, waxaa uu ku sheegay in maalinta Jimcaha ee soo socota ciidamada ay la wareegi doonaan magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay.

Xaalada magaalada Baydhabo ayaa tan iyo galabta aad u kacsan iyadoo Maleeshiyaadka kooxda Al-Shabaab ay ka wadaan magaalada dhaqdhaqaaqyo iska caabin ah oo ay ku doonayaan inay magaalada ku difaacdaan.

Wararka ayaa intaa ku daraya in Al-Shabaab ay galabta Maleeshiyaad iyo gaadiidka dagaalka ku soo ururinayeen magaalada, Gobolka Bay oo horay ay u heysteen Al-Shabaab ayaa hadda u muuqda inuu u kala qeybsan yahay labo qeybood oo ay kala heystaan Al-Shabaab iyo ciidamada dawlada oo ay wehliyaan kuwa Ethiopia.

SomaliSwiss Baydhabo

SomaliSwiss@hotmail.com

About these ads

One Response

  1. Asc aad aad ayaa uga huma hay qabsashada ithopia iyo dowlad ee berdaal iyo baydhabo Allah idinkii way jabi doonaan

Comments are closed.

Follow

Get every new post delivered to your Inbox.

Join 4,030 other followers

%d bloggers like this: