
HOOS KA FIIRI SAWIRADA
Halkaan ka akhri
Ra’isal wasaarihii hore ee Soomaaliya, Maxamed C/llaahi Farmaajo ayay dalka Sweden ku casuumeen, Soomalida halkaas ku dhaqan, kuwaas oo ka codsaday inuu kala soo qeyb galo, xaflad mahadcelin ah oo ay doonayeen inay sharaf iyo maamuus ugu muujiyaan R/wasaaraha, isla markaana uga mahadceliyaan, shaqadii wanaagsanayd ee uu qabtay intii uu xilka hayay.
Xaflad si weyn loo soo agaasimay ayuu Farmaajo, kala soo qeyb galay, Somalida halkaas ku dhaqan, w waxaana goobta soo xaadiray madax iyo mas’uuliyiin aad u fara badan kuwaas oo isaga kala yimid wadmada Yurub.
R/wasaarihii hore ee Soomaaliya Maxamed C/laahi Farmaajo oo halkaasi khudbad dheer ka jeediyey ayaa bulsho weynta Soomaaliyeed ugu baaqay in ay muujiyaan midnimo kana shaqeeyaan qof kasta sidii dalka loo gaarsiin lahaa nabad iyo xasilooni, waxa uu amaan iyo bogaadin u jeediyey jaaliyadaha dibada oo uu ku tilmaamay in ay yihiin wadaniyiin dalkooda jecel sidaasi daraadeedna loo baahan yahay in dareenkooda la dhageysto.
Goobta xaflada ayaa waxaa lagu aruuriyey lacag loogu talo galay ciidamadii geesiyiinta ahaa ee ku dhaawacmay dagaalada lagula jiro kooxda Alshabaab, waana markii ugu horeysay ee ciidamada qaranka Soomaaliya, jaaliyadaha dibaddu dhaqaale u aruuriyaan, waxayna ahayd tilaabo muwaadin kasta oo wanaagga dalkisa jecel uu ku farxi karo.
SomaliSwiss Sweden
SomaliSwiss@hotmail.com











































































