
DHEGAYSO 21 GUURADA
Halkaan ka akhri
Maanta oo kale 26-kii Janaayo, Taxanaha taariikhda soomaaliya waxay ku sooyaaleysan tahay, 21 guradii kasoo wareegtay, maalintii xukunka laga tuuray xukuumaddii Mileteriga ahayd ee uu madaxweynaha ka ahaa, alaha u anxariistee, Madaxweynihii hore ee umadda Soomaaliyeed, Marxxuum Maxamad siyaad Barre oo dalka xakumayay, isaguna 21 sano, waxayna maanta ka dhigantahay, xisaab xirkii ka dambeeyay 21-sano guuradii kasoo wareegtay, mudadii uu Kacanaakii Mileterigu dalka xakumayay oo iyaduna ahayd 21 sano oo kale.
HALKAAN KA DHEGAYSO BARNAAMISH GAAR AH OO AAN IDIIN DIYAARINNAY
Waxaan maanta, umadda Soomaaliyeed lawadaagnaa ama la qeybsanaynaa, su’aalaha, aragtida, jawaabaha iyo waxyaabo kale ee maskaxdooda ka guuxaya ee ay iswaydiinayaan, waxana dulmar kooban ku samayn doonnaa, inagoo soo koobeyna, kuna bilaabeyna, taxanaha taariikhda soomaaliya, 21- sano ka dib afgambigii xukuumaddii kacaaanka ka dib, maxay soo kordhiyeen jabhadihii talada kala wareegay xukuumadddaas?
Sidoo kale waxaan wax yar is bar bar dhigi doonnaa, 21 sano oo kacaanku talada hayay, muxuu qabtay, maxaase ka qaldamay, jabhadihii xukunka ka tuurayse 21-sano oo ay iyaguna Soomaalida hor taagnaayeen, maxay lagu xasuusan doonaa mustaqblka taariikhda soomaalida
Marka nuxurka waxqabadka, jabhadihii afgambiga sameeyay lasoo koobo, Waayaha burburka ma uusan jirin taxane Taariikheed oo lagu xusuustaahi. Miyaan loo dabaal degin, mise waa loo baroortaa???
Duqii doona, ducana ugu dara miyaa ah murti inoo cadaynaysa in Kacaankii loo darsaday?
Qof kastoo Soomaali ah, Wuxuu maanka ku hayaa, maskaxdiisuna weydiinaysaa sababaha jabhadihii Soomaalidu ay kacaanka ka dib u dhisan waayeenm xukuumad ay maamulaan 7-da Milyan ee Af, Dhaqan iyo Diin wadaagga ah?
Waxaa kale oo ay iswaydiinayaan sidee buu Melez Zenawi markii 1991 dalka Ethiopia laga saaray Mingistu Xeylo Maryam , uu isugu keenay ee dabadeeedna u xukumay 70-ka Milyan ee Af, dhaqan, diin iyo aragtidaba ku kala fog.
Waxaan jawaab loo heyn, sababaha madaxdii jabhadaha Soomaaliya hankooda gaabiyay ee Gobolaysiga iyo jilibaysiga ku jilba xiray.
Waxaa lagu murmay, burburka Soomaaliya waxaa sabab u ah, wasiirbaa qabqable noqday maya.. ma aha ee qabqablaa wasiiroobay, maya…maya… ee Wadaadbaa wabeen noqday, maya ma aha ee wabeenbaa wadaadoobay.
Natiijadii waxaa marqaati madoonta ah oo qof waliba uu Soomaaliya uu qirayaa in 1991, wixii ka dambeeyay uusan jirin taxane taariikheed oo aan ku faani karnaahi, oo aan ka ahayn; Qax, Qaxooti, Qaran dumay qalfooftiis iyo Diihaal iyo Diif.
Mid ka mid ah Arrimahii ugu waaweyn ee inta badan muwaadiniintu iswaydiiyaan ama ku mashquulaan ayaa noqon karta sababta Soomaalidu qeybaheeda kala duwan ay uga midaysan yihiin, inaysan kala soocin, Waraabaha cunaya iyo wadaaygooda, markii ay noqoto, Soomaalida xukun doonka ah ee dantooda uun ka shaqeeya.
Wasiir Dhalanteed ah miyaysan ka daalin?
Waraabe Qoslaaya miyaysan ka weecan?
mideynta awoodda, sinaanta iyo weedha
walaalnimadooda miyaaney wadreynin?
Wadaadka habowsan, waayeelka asqoobey,
Wabiinka dagaaya, warmoogaha miiran hadmay ka walaaci?
Wadiiqadaan Jaan ee Wadkeennu dulyaallo hadmay ka wareegi?
Akhristeyaal, saaxiibyaal, waxaan horudhacaas yar kusoo kobeynaa hordhaca guud ee barnaamishka aan idiin kaga diyaarinnay 21-sano guuradii ka soo wareegtay markii talada dalka Soomaaliya laga tuuray xukuumaddii kacaanka.
HHALKAAN KA DHEGAYSO BARNAAMISH GAAR AH 21 SANO GUURADA 26-KA jANAAYO
SomaliSwiss London
SomaliSwiss@hotmail.com
























































