Macallin Daahir Aweys oo xalay ku geeriyooday degaanka Ceelasha Biyaha, Maantana lagu aasay isla halkaasi.

Halkaan ka akhri

Allaha u Naxariistee Macallin Daahir Aweys oo ahaa Aabihii Sheikh Xasan Daahir Aweys ayaa xalay ku geeriyooday degaanka Ceelasha Biyaha oo uu maalmihii ugu dambeeyay ku xanuunsanaa, waxaana geeridiisa ka hadlay wiilkiisa Sheikh Xasan Daahir Aweys.

Waxaa la sheegay in Macallin Daahir Aweys uu xanuunsanaa maalmihii ugu dambeeyay, isla markaana maanta lagu aasayo degaanka Ceelasha Biyaha, .

“Macallinka waxaa uu ahaa 90-jir, waxaana uu ku caan baxay barida caruurta Qur’aanka Kariimka ah, aniga ayaana ka mid ahaa caruurtii uu Qur’aanka baray” ayuu yiri Sheikh Xasan Daahir Aweys, wuxuuna intaasi ku daray in uu Aabihii ka soo diin qaaday oo soo wax baray.

Waxaa kale oo uu sheegay Sheikh Xasan Daahir Aweys in Aabihii uu ahaa Macallin u go’ay fidinta Diinta Islaamka iyo inuu dugsiyo badan ka hirgeliyay dalka, kuwaasi oo arday badan ay ku barteen Qur’aanka Kariimka.

Dhinaca kale saakay salaada subax kaddib ayaa Janaaso lagula Dukaday Masjidka dabaqeynka ee ku yaala degaanka Ceelasha Biyaha, halkaasi oo kaddibna lagu aasi doono qabuuro ku yaala isla degaankaasi.

SomaliSwiss Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

Advertisement

1 Comment »

  1. 1

    Jaaliyada Soomaaliyeed Ee Dalka Switzerland oo Tacsi U diraysa Alaah Unaxariistee Sheekh Dahir Aweys

    oo Ku Geeriyooday Shalay ee Dalka Somalia Mogadishu

    Waxaa shalay Taarikhda Ahayd 25 Janayo Ku Geriyooday Magaalada muqdishu Allaah u naxaristo Sheekh Dahir Aweys Janadii Fardowsana allaah ka waraabiyo ayaan uga tacsiyadeynaynaa Ehelahadii iyo qaraabadii uu ka geeriyooday in allaah samir kasiiyo naxariista janada allaah siiyo Ayaa waxaa tacsidaas wadanka switzerland gaar ahaan gobolka zurich ayay u dirayaan dhamaan Ehelada iyo qaraabada dhamaan reer Dahir Aweys ee kala jooga dalka iyo dibadiisa

    Waxa kale oo tacsi taa lamida u diraya ehelada iyo qaraabada wadanka switzerland kunool oo kala ah

    Bashir Abdulkadir Botan Diriye

    Kaarshe Balal

    Xaawo Kaarshe Balal

    Cumar Muse Tarabi

    Abdiraxmaan Salaad Diini

    Abdikariim Saalax Orey

    Edo Maryam shekh Isxaaq

    Luul Kaarshe Balal

    Cabdinaasir siyaad

    Mustaf Bashir Gobdon

    Cabdulahi mire

    Maxamed Abshir socdaal

    Abdulahi Dheere

    Maxamed Dahir

    Garaad Nuur Dhiblaabe

    Fuad Abdulahi Xashi

    Dhamaan waxay leeyihiin Alaah u naxarissto Janadii Fardowsana allaah ka waraabsho allah naga samir siiyo

    Inaa lilaahi waa inaa ileyhi Raajicuun.


RSS Feed for this entry

Comments are closed.

Follow

Get every new post delivered to your Inbox.

Join 903 other followers