
Halkaan ka akhri
Wasiirka Caafimaadka Dowladda KMG Soomaaliya ayaa ka qeyb galay shirka hey’adda Caafimaadka aduunka ee WHO oo ka socda magaalada Geneve ee dalka Switzerland waxaana shirkaas looga hadlayaa xaaladdaha caafimaad ee Caalamka.
Wasiirka Caafimaadka Xukuumadda Soomaaliya Mudane Dr. C/casiis Sheekh Yuusuf oo wareysi siiyay qaar ka mid ah warbaainta ayaa sheegay in shirkan hey’adda Caafimaadka aduunka ee ka socda magaalada Geneve ee dalka Switzerland uu socon doono muddo Todobaad ah isla markaaba looga hadlayo wax ka qabashada xaaladda caafimaad dalal badan oo caalamka oo ay ku jirto Soomaaliya.
Sidoo kale wasiirku waxa uu xusay in shirkaas ay ka soo qeyb galeen shirka 32 xubnood oo ah fulinta oo ay Soomaaliya qeyb ka tahay, isagoo intaa ku daray, in dalalkii shirka ka soo qeyb galay uu kala xaajooday xaaladda Caafimaad ee Soomaaliya iyo sidii ay gacan ballaaran uga geysan lahaayeen.
Dhinaca kale Dr. C/casiis Sheekh Yuusuf ayaasheegay inay kala hadleen Mas‘uuliyiinta hey’adda WHO sidii loo kordhin lahaa dhaqaalaha ee ku baxa dadka la il-daran Jirooyin badan ee soomaaliya ka dhaca, balse la yareeyo lacagaha ku baxa xafiiska WHO ee Soomaaliya oo aan sidii loogu tala galay wax loogu qaban Soomaaliya.
Si kasta ha ahaatee Wasiirku wuxuu hoosta ka xariiqay in ay jiraan shaqaale badan oo Ajaanib ah oo ka howlgala xafiiska WHO ee Soomaaliya, iyadoo la heli karo Shaqaale Soomaali ah, wuxuu sheegay in arrintaasi aan ahayn wax la aqbali karo.
Somaliswiss Geneve
Related articles
- Wargeyska *The Independent* oo Shaaca ka qaaday in Xarakada Al-Shabaab ay duufsanayaan Muslimiinta ku hadasha luqada English-ka (somaliswisstv.com)
- Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya oo xaflad soo dhoweyn ah loogu sameeyay dalka Ingiriiska. (somaliswisstv.com)
- Gabar cadaan ah oo Af-Soomaali ku heeseysa. (somaliswisstv.com)
Filed under: Geneva Swiss

















































































































