DHULKAANI DADKA WAW DHAXAYS, DHIISHAASE NINBA MEEL DHIGTAA! (GALEYR).

Halkaan ka akhri

DHULKAANI DADKA WAW DHAXAYS  DHIISHAASE NINBA MEEL DHIGTAA!

Qeybta Koowaad
 
Waxaan  xigmad cajiibka ah u soo qaatay ciwaana uga dhigtay  inaan ka jawaabo su,aasha  aan waqtigeedii joogin  dadkuna la yaabeen  ee beryahan halhayska ka dhigtaan  bahda  Universal tv ,waxaan arkay mawduuc ay ciwaan uga dhigeen  muqdisho yaa iska leh oo shacabka soomaaliyeed iyo daawadayaasha lagu mashquuliyay  dhib uma arko shaqsiga ka jawaabaya iyo kan ka qayb qaadanaya toona  balse waxaa is weydiin leh maxaa keenay  su,aasha.
(Haddaan sacabka xeel laga lahayn  habeenkii lama tumeen)
Sida  cid waliba ogtahay Muqdisho ilaahay ayaa iska leh, waana dhul soomaaliyeed , waxaana degan umad soomaaliyeed  waxayna deganaayaan  20 qarni ka badan  waana magaaladiii ugu horeysay ee soomaaliyeed ee la magaaleeyo. Sida taariikhdu xusto waxaa la dhisay ayaa layidhaahdaa qarnigii 2aad ama 3aad ee  Milaadiga , Muqdisho waa hooyada  magaalooyinka soomaaliyeed waana magaalo madaxda soomaaliyeed  waxaana  nasiibkaa u qadaray ilaahay .
Muqdisho waxay ka mid tahay magaalooyinka soomaaliyeed waxaana iska leh umad soomaaliyeed 
Innaga oo intaasoo dhan og  maxaa  kelifay inaan isweydiino muqdisho yaa leh.
Bal hadaba aan weydiino reer universal tv maxaa keenay  muqdisho yaa leh yaa ku muransan lahaanshiyaha muqdisho?
Ma xad bay noqotay muqdisho oo xabashi ayaa doonaysa inay qaadato?
Ma  kenya ayaa hunguri  kaga jiraa oo doonaysa inaan u cadayno cida leh?
Ma  laba beelood oo ku dirirsan baa jira lahaanshiiyaheeda oo doonaya in la dhexdhexaadiyo?
Muqdisho ma magaalo  la dhisay 60kiibaa miyo 90kii maxaa muranka ka keenay  lahaanshiiyaheeda?
Muqdisho ma waxay noqotay marinkii qasaa iyo qudus waa laysku haystaa?
Muqdisho sida aan wada ognahay waa deegaan ka mida  deegaanada soomaaliyeed  waa gobolka banaadir waxayna ku taalaa  galbeedka  badweynta hindiya  .
Intaas hadaan ka soo gudubno umada soomaaliyeed  waxaay  u kala qaybsan tahay  beelo dhawr ah oo  isir iyo asal ahaan meel ka soo wada jeeda  hadana isku dhaqan iyo isku af ah , mana jirto maanta meel dhul laysku haysto khilaafka ka dhex aloosani waxuu ku salaysan yahay siyaasad  iyo ismaandhaaf dhexdooda ah kalsooni daro , cadaalad daro ay sababtay colaadii sokeeye mana jirto ilaa hada laba beelood oo ceel iyo daaqsin ku dirirsan.
Way jiraan  dad 2012 ku fekeraya inay  qoob iyo qaylo ku raadiyaan  dhul aysan lahayn ama deganayn balse  tuducda xigmada ah ayaa koobaysa  ujeedadaa oo ah, Dhulkoo dhan dadka waw dhaxays  dhiishaase ninba meel dhigtaa. oo macnaheedu yahay in dunidan  meel kasta lagu wada noolaan karo balse meel kasta oo aad tagto qowmiyad iyo umad ilaahay ku abuuray oo degaan u leh inay  jirto.Taariikhda soomaalidu waxay ka soo bilaabatay badda cas (Raascasayr iyo saylac , bulo xaar  berbera iyo jabuuti ,xeebta dheer ee sanaag xiis iyo maydh )ilaa  siday u socdeen ay ka gaadheen  badweynta hindiya iskuna fidiyeen ilaa wajeer iyo dhulka kenya  hada soomaalida ka haysato iyo  harar iyo diradhaba oo dhinaca dhulka soomaaligalbeed oo hada itoobiya haysato  ma jirto cid taariikh aan hada abqaalaysaa wax waliba waa  laga wada dheregsan yahay  ab iyo oday ka sheekeena waa lagu haystaa.
Sida caadiga ah qoys waliba waxuu ka beermaa lamaane   ka dib ayuu farcamaa hadaba qoyskii waxuu dhalaa qoysas badan  guri keli ahaana waxuu noqdaa guryo badan sidoo kale bulshadu markay badato waxaa kordha  baaxada dhul iyo deegaan ay ku nooshahay  dadkii soomaaliyeed markay bateen waxay gaadhaan  cidhifyada ay hada shanta soomaaliyeed ku kala noolyihiin  iyada oo la tilmaamo inay qaarkood u gudbeen  wadamada suudaan iyo jaad iyo brundi iyo kongo  hadana taariikhda umada soomaaliyeed maaha mid wax lagaga bedeli karo barnaamij kooban oo ku salaysan caadifad iyo belo abuur.
Haddii maanta barnaamij laga furo Muqdisho yaa leh ama  hargaysa yaa leh   uma baahna jawaab  cida leh waa la ogyahay  umana malaynayo  haddii telefishan laga sii daayo iyo haddii lagu mudaaharado toona inaan waxba laga bedeli karin.
Kaftana hayga  ahaatee waxaad moodaa  qolada  universal oo awalba  fadhi ku dirir ahayd  sheeko ay ka soo qaadeen marfash ka mida marfashyada london inay ku dhex furaan bulshadii soomaaliyeed ee aduunka dacaladeeda kala joogtay oo ku saabsan muqdisho yaa leh.
Muqdisho waxaa iska leh  umada  degan maanta horena u deganaa  ayna tahay degaanka awoow  iyo awoowgiis  waxaa leh qowmiyad ka mida umada Soomaaliyeed oo ilaahay ka dhigay deegaankooda kuna beeray dadkuna u yaqaan  ninkii ogi waa ogyahay nacasna loo sheegi maayo.
Waxaa  jirta in umadna  ilaahay  nasiib u siiyay saxare lama degaan  ah oo aan  dhir iyo baad toona lahayn  biyona lahayn  oo oomane ah deegaankiisa  oo aan wax noole ah ku noolayn .
Umad kalena   waxaa ilaahay deegaan uga dhigay  dhul webiyada iyo badduhu is dhaafayaan oo kaymo iyo hawd ah  xoolo iyo ugaadhi ka buuxdo meel kasta  xareeda iyo biyuhu jiifaan dhul beereed  geed waliba ka baxayo oo  barwaaqo ah.
Taasi ma keenayso  colaad iyo nacayb midna waa in shaqsi walbaaba ku qanacsanaadaa  waxuu helay  ileen calafkaagu laguma dhaafin karin.
Muqdisho taariikhdeeda iyo deegaankeeda  qofkay ka gedman tahay  waxuu ka helayaa  kaydadka taariikhda caalamka iyo  Library  walba oo caalamka ah.
Hadaba  bahda Tvuniversal ayaa mudooyinkan ku caanbaxay  baahinta warar aan sugnayn waxyaabo aan dhaqan ahaan iyo diin ahaan munaasib ku hayn  warbaahinta iyo waxyaabo badan oo umada soomaaliyeed iska hor keenaya iyaga oo eeganaya shilimaad yar ama dhaqaalaha yar ee shaqsiga danta gaar ahaaneed ka wataa ayaa waxay baahiyaan barnaamijyo aad moodo inay noqdeenba hogaamiye kooxeedyada cusub ee dhinaca saxaafada.Taladaan la ruugin waa lagu rafaadaa waxaad moodaa in  jahawareer ku yimid   dhinaca warbaahinta tvga universal oo caalami isku magaacaabay  inuu hadana   u socdo tv kooxo ama beel u duuban aad moodo inuu abuurayo tartan siyaasadeed oo cusub ay ku bahoobeen iyaga  iyo kooxo kale inay wax kaga bedelaan  jiritaanka umada soomaaliyeed.
Wax waliba waxay leeyihiin  xeer , xad iyo xakame , dabar iyo xadhig  lagu xejiyo oo lama dhaafaan u ah  , shuruuc iyo qodobo dhisme ahaan iyo maamul ahaanba ilaaliya  hadaba saxaafada qaarkood  xaalkodu ma jaantaa roganbaa, Maahmaah Soomaaliyeed ayaa odhanaysaa sidan:(Hadal aan fiiro loo odhan iyo caano aan  fiiqsi loo dhaminba way kula fogaadaan)
Haddii uusan jirin xakame ama   xeer saxaafada celiyaa  saw noqon mayso inay cid waliba idaacad yar oo la yidhaahdo halkani waa (Radio reer hebel) furato barnaamijyo daacayadeed iyo dhaqan  burburis iyo  xamaasad iyo colaad abuura ka dhex bilowdo bulshada soomaaliyeed.
Haddii uu Universaltv doonayo inuu  sameeyo tix raac taariikheed sidii hore idaacadaha afka soomaaliga ku hadlaa u sameeyeen  BBC iyo VOA  waa  wax wanaagsan inay  dadka  aqoonta u leh dhaqan ahaan iyo taariikh ahaan  waraysiyo ka qaadaan  waydiiyaana  taariikhda  umadeed  dhinac walba sida asalkii umada soomaaliya  iyo  xadaaradihii kala duwanaa ee dalku soo maray.
Warbaahintu  hadaanay ku shaqayn  rabitaanka iyo waxtarka umada waxay noqonaysaa aalad loo adeegsado  burburka iyo fasaadka iyo iska hor keenida umada soomaaliyeed. Waxaan fariin ahaan ugu dirayaa gebi ahaan  saxafiyiinta soomaaliyeed  gaar ahaana Universaltv
Intaad jirteen waxaa laydinku bartay xumaan iyo samaan, waxaad tihiin  tvgii ugu horeeyey ee soomaaliyeed ama islaam ah oo  baahiya ama soo bandhiga   waxyaabo wax u dhimaya  Nebigeena Muxamada  CSW iyo sawiradii qalafsanaa ee aad bulshada hordhigteen. Waxaa laydinku bartay dood aan la hufin oo aad bulshada  qaarkood ku fadeexadaysaan, waxaa laydinku bartay  arimo badan oo ka caagan saxaafada sida wax u dhimista sharaf qowmiyad ama beel iyo meelka dhaceeda iyo mid caqiido iyo waxyaabo kale oo aanan halkan kaga hadlayn  hadaan ka hadlona aan  meeshaad  joogtaan aniguna tegayo waxaad  tihiin  warbaahin soomaaliyeed   waxaan idin  soo gudbinaya tixdan yar ee waanada ah :-
Saxaafadu sidaa maaha
Hadba seeri  jiidh maaha
Sawdkaaga gado maaha
Sirgac iyo xumaan maaha
Bulshadana sumee maaha
Kala soocis keen maaha
Kala saar dadkana maaha
Sababee colaad maaha
 
Warar saafiyoo diiran
Samo iyo wanaag beera
Saluugiyo xumana keenin
Ku salee aqoontaada
Hadba saymihii nabad leh
Saxalkiyo dhibkana qaada
Sahankooda doon weeye
Socodkeeda badi weeye
Ku saxeex qoraal weeye
Soyaalka geli weeye.
Waxaa habeen walba   idin daawanayaa waa umad soomaaliyeed  haddii aad habeen walba  100 ama 1000 ka mida colaad ku abuurtaan iyo nacayb  waxaad  isa soo taagi doontaa  gabaahiir cidla ah iyo in magacyo badan  laydinku yeedho hadhowna aad bulshada dhexdeeda ka noqotaan.Dad  qaran dumis  ah xuma ka taliyayaal ah  jeclayna horumarka iyo  nabada umada soomaaliyeed.
Waxaan  ugu danbayntii qormadaydan manta ku soo afjarayaa cidii u baahan lahaanshiiyaha muqdisho marka hore  ha keento  , Qoraal ama  qodobo ku saabsan sida  loo yeesho deegaan ama cida lagu magacaabi karo inay deegaankaas leedahay.
Waxaana  yeelan doona markaas muqdisho cidii shuruudaha  deegaan lagu yeesho buuxisa .
Haddii gebi ahaan barnaamijku noqon doono sidan:-
Muqdisho yaa leh=
Hargaysa yaa leh=
Kismaayo yaa leh=
Boosaaso yaa leh=
Gaalkacayo yaa leh=
Waa sheeko  taxane ah oo aan wax muhiimad ah ku dhex yeelan doonin shacabka looguna talogalay  fadqalalo iyo fidno abuur warxuma tashiil ka buuxo mana aha shaqo saxaafadeed
Sababtoo ah  manta ma jirto  cid dhul isku haysataa , soomaalida waxaa kala xadayn jiray   ceel iyo daaqsin markii hore iyada oo cid walba iyo beel walba lahayd deegaan u gaara  layskuna mana jirto cid  cid kale  deegaankeeda iyo dhulkeeda ku qabsan jirtay cidii ku qabsataana  cid kale deegaankeedana riyadoodu uma rumoobi jirin waxaadna ka dheehan kartaa  taariikhda  reer guraagii soomaaliya  iyo dhibaatooyinkii  soo kala dhex maray iyo in qolo waliba ilaa maanta joogto meesheedii  markii danbe ee dhulkii soomaaliyeed iyo deegaamadii la magaaleeyeyna murankiiba meesha wuu ka baxay oo qolo weliba xad iyo xeer ayay ku degan tahay dhulkeeda ama deegaankeeda laguma xadgudbaan ah. .
Sidaa awgeed ma jirto cid deegaan ku muransan ama ceel iyo daaqsin sanadkan maanta ah 2012ka qarniga 21aaad   ninka aan lahayn deegaan iyo ceel uu awoowgiis ka dhaxlay iyo dhul uu asal ahaan ka soo jeedo  iyo sumad xoolaad oo lagu yaqaan isirkiisa  ma jiro oo soomaali ah,  qofku haduusan intaas lahayn  uusan jirin , ceel ama deegaan ama sumad xoolaad  oo lagu yaqaan waxaa muran ku jiraa soomaalinimadiisa  , dadka degan soomaaliya  qaybaheeda kala duwan waa shanta soomaaliyeed  way is yaqaanan laysmana barayo maanta waana laba qaybood  soomaalida dhabta ah iyo soomaalida  la Soomaaliyeey.
Wadan walba waxaa jira dad u dhashay oo asal ahaan  dhulka iyo deegaanka iska lahaa iyo dad ku beermay oo sababo badan u yimid oo kala duwan  sida,  Ganacsi,  faafin diimeed,  qaxoonti , sida hadaba soomaalidu wadamada dibadaha ku tageen , iyo xaalad ka duwan oo ah xoog iyo damaaci oo ku salaysnayd waqtiyadii gumaysiga.
Sidoo kale inta marxaladood ee aan soo sheegay waxaa jira dad ku yimid wadanka soomaalīya xiliyo kala duwan  dadkaasoo  hada  ah loona aqoonsaday soomaali maadaama ay mudo dheer iyo mudo dhawba ku dhex milmeen umada soomaaliyeed  waxaa dadkaas la odhan karaa soomaalida la soomaaliyeey  waayo nin waliba waa ogyahay  asalkiisii, hadduu ahaa Carab iyo haduu ahaa  Hindi iyo hadduu ahaa wadamada afrika  iyo haduu ahaa Boortaqiis ama talyaani  iwm
Shaqsiyan anigu waxaan qabaa  sida dastuurka soomaaliya qabo  qofka la soomaaliyeey ee jinsiyada soomaalida ku qaatay guur ama degaan  in la ilaaliyo xuquuqdiisa  uuna ka mid noqdo bulshada soomaaliyeed  dhinac walba  dhaqan iyo dhaqaale .
Fiiro gaar ah:- Qoraalkan waxuu jawaab u yahay  Barnaamijka muqdisho yaa leh ee ay fureen bahda warbaahinta  Tv universal,  mana jirto cid uu qaasatan   ku yahay duulaan  waa xog iyo xog ogaal waran  .
La soco qoraalkan Oo yeelan doona qaybo kale , qaybihiisa danbe waxaan ku soo qaadan doonaa taariikhda soomaaliya , magaca soomaaliya,  asalka soomaaliya , kala degaanshaha soomaaliya, iyo  lahaanshiyaha caasimadaha Soomaaliya  dadyoowga iska leh, Soomaalida  dhabta ah iyo Soomaalida la Soomaaliyeey  intaba
Waa Qalinkii
Cabdiraxiin Hilowle Galayr
About these ads
Follow

Get every new post delivered to your Inbox.

Join 2,754 other followers

%d bloggers like this: