Khilaaf xoogan oo soo kala dhex galay maamulka Al-Shabaab ee magaalada Jowhar.

Halkaan ka akhri

Wararka ka imaanaya magaalada Jowhar ee xarunta gobalka Sh/dhexe ayaa sheegaya in uu jiro khilaaf xoogan oo soo kala dhex galay maamulka Al-Shabab ee magaladasi.

Qilaafkan ayaa u dhaxeeya gudoomiyaha cusub ee Al-Shabaab ee gobalka Sh/dhexe Yusuuf Sheikh Ciise Koba-kudukade iyo Taliyaha ciidanka magaalada Jowhar ee lagu magacabo Abuu Qabsa.

Khilaafkan ayaa salka kuhaya Jaadka lageeyo magaalada Jowhar. Gudoomiyaha cusub ee Al-Shabaab Koba-kudukade ayaa doonaya in loo fasaxo dadka magaalada in ay markale qaadka iibsadan, isla markaana ay ka ganacsadan.

Laakin taliyaha ciidamada Jowhar Abuu Qabsa ayaa si cad u diidan in magaaladasi lagu iibiyo Jaad amaba dadka ay ka ganacsadaan.

Warar hoose ayaa sheegaya in ay kusigteen labada nin ciidamadoodu in ay is fara saaraan, kadib markii ay qoryo isku qabteen bartamaha magaalada Jowhar.

Kabo-kudukade ayaa dhowaan sheegay in dadka magaalada Jowhar ay dhamantood cadow yihiin oo ay taageeraan dowada KMG ah ee Soomaaliya.

Goor hare ayaa Jaadka laga mamnuucay magaalada, laakin waxaa uu Kabo-kudukade sheegay in Haweenka loo fasaxay in ay Qaadka iibin karaan, laakin waxaa taa si cad u diiday Abuu Qabsa.

SomaliSwiss Jowhar

SomaliSwiss@hotmail.com

About these ads
Follow

Get every new post delivered to your Inbox.

Join 2,754 other followers

%d bloggers like this: