Wararkii ugu dambeeyay ee magaalada Muqdisho iyo Al-Shabaab oo Dayniile laga saaray.

Halkaan ka akhri

Ciidammada Qalabka Sida ee Soomaaliya oo garab ka helaya kuwa Midowga Afrika ee Amisom ayaa waaberigii saakay Howlgallo qeyb ka ah xoreynta dalka laga xoreynayo Maleeshiyada Kooxda Al-Shabaab waxa ay ka sameeyeen xaafado ka tirsan magaalada Muqdisho.

Howlgalka saakay ayaa waxa ay Ciidammadu si saf ballaaran ah uga sameeyeen degmada Dayniile ee duleedka magaalada Muqdisho halkaasi oo ah barta ugu xoogan ee ay ku harsanaayeen Maleeshiyada Shabaab ee Muqdisho inteeda kale laga saaray waxaana Ciidammada Dowladda iyo Kuwa Amisom ay ka galeen degmadaasi ilaa Seddex Jiho oo kala ah Ex-Control Afgooye, Kulliyadii Jaalle Siyaad iyo Wadada Warshadaha taasi oo sahashay in Ciidammada ay si fudud ula wareegaan inta badan degmada Dayniile.

Goobaha ay la wareegeen Ciidammada Qalabka Sida ee Soomaaliya iyo kuwa Amisom ayaa waxaa kamid ah Xaafadaha Bangala, Xaruntii Degmada, Xaafada Tiida, Saldhiga Dayniile iyo goobo kale oo dhammaanba ka tirsan degmada Dayniile waxaana Ciidammada Dowladda iyo kuwa Amisom ay fariisimmo cusub ka sameysteen isgoyska Dayniile.

Howlgalladu kaliya kuma koobneyn in Ciidammada ay baacsadaan Maleeshiyada Shabaab waxaase ay dhanka kale guri guri u baarayeen gebi ahaanba xaafadaha lala wareegay halkaasi oo ay kusoo qabteen maxaabiis isugu jirtay kuwo qoryo wata oo dagaalamayey iyo kuwo hubka tuuray oo dadka isku soo dhex daray kuwaasi oo saraakiishu noo sheegeen inay baarayaan.

Qasaaraha howlgalka ayaa waxa uu ahaa mid kooban waayo Maleeshiyada Shabaab ma aanay dagaalmin oo waxa ay ka carareen goobihii ay horey u joogeen kadib markii ay arkeen inaysan u babac dhigi karin Cududa Ciidammada Dowladda iyo kuwa Amisom ee ku wajahneyd marka laga reebo qaar yar oo iyagu is adkeeyey kuwaasi oo qaarkood meydadkooda goobta ay yaaleen.

Xaalada guud ee goobihii saakay ay lawareegeen Ciidammada Dowladda iyo kuwa Amisom ayaa hada degan waxaana Ciidammadu ay wadaan adkeynta Ammaanka ayadoo baaritaano lagu sameynayo dhamaanba xaafadaha saakay lala wareegay. NAGA FILO SAWIRRO GOOR DHOW.

SomaliSwiss Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

About these ads
Follow

Get every new post delivered to your Inbox.

Join 4,449 other followers

%d bloggers like this: