Ciidamada Soomaaliya iyo Kuwa AMISOM oo sheegay in ay guluf dagaal ku tegayaan Shabeelada Hoose iyo Jubooyinka.

undefinedHalkaan ka akhri

Xog hoose oo ay SomaliSwiss ka heshay Villa Somaaliya ayaa sheegaysa in ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ay dhowaan qaadi doonaan duulaan ballaaran oo ku wajahan gobollada Shabeellada Hoose iyo Jubooyinka.

Madaxda Ciidamada Amisom iyo Kuwa Soomaalida ayaa la sheegay inay isla garteen oo isku waafaqeen shaxdii iyio qaabkii arintaasi looga miro dhalin lahaa, iyadoo sidoo kale kaartadaas cidian loo bandhigay maxdaxda dowladda oo sidoo kale loo sheegay in ciidamada Kenya oo hadda ku sugan xaduudka labada dal ay ka qeyb qaadan doonaan, dagaalka haddii loo baahdo.

Xogtaan ayaa tilmaamaysa in sidoo kale guluftaas ay ka qeyb gelayaan maleeshiyo beeleedyo Soomaaliya oo ku sugan xaduudka labada dal soomaaliya iyo Kenya.

Dhinaca kale Saraakiisha Ciidamada qalabka sida ayaa loogu baaqay in ay heegan dagaal galaan, waxayna xariiro la sameeyeen Saraakiisha kale ee ku sugan Gobolada Gedo, Bakool iyo Hiiraan si dhanac kasta looga furo wajiyo dagaal, haddii loo baahdo.

In kastoo aan la ogayn xilliga dhabta ah ee Ciidamda Soomaalida iyo AMISOM duulaankan cusub ay qaaaddayaan, hadana waxaa jirta saan saan muuqata oo muujinaysa in AMISOM iyo cidianka dowladdu ayisku diyaar gareynayaan dagaal culus.

Dhawaan ayey aheyd markii uu wargeyska DAILYY MONITOR ee ka soo baxa dalka ugandha uu oo soo daabacay in AMISOM oo taageero ka heysa ciidamada dalka Mareynkan ee ku sugan xeebaha soomaaliya ay saanad meleteri geeyeen deegaanka ku dhow xaduuda kenya iyo Soomaaliya,iyadoo halkaasi ay ku sugan yihiin ciidamo beeleedyo sheegta in ay taageesan yihiin dowladda Soomaaliya balse looga shakisan yahay in waxyaale kale u qarsan yihiin.

SomaliSwiss Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

About these ads
Follow

Get every new post delivered to your Inbox.

Join 2,754 other followers

%d bloggers like this: