
Halkaan ka akhri
War ay qortay wakaalada wararka ee AFP ayaa lagu sheegay in Madaxwaynaha Burundi Pierre Nkurunziza uu sheegay in dalkiisu uu diyaar u yahay in ciidano dheeraad ah uu u soo diro Soomaaliya si ay qayb kaga qaataan howgalka ciidamada Midowga AfriKa ay ka wadaan gudaha dalka Soomaaliya.
Sidoo kale M/weyne Pierre ayaa wuxuu hadalkiisa ku sheegay in wada hadaladii uu la qaatay M/weynaha Soomaaliya kadib ay go’aan ku gaareen inay ciidamo dheeraad ah oo lagu kordhinayo ciidamadooda Soomaaliya jooga ay soo dirayaan si ay doorkooda uga qaataan hawlaha amaanka Muqdisho lagu sugayo.
Madaxweynaha dalka Burundi oo hadalkiisa sii wato wuxuu yiri: “Wadamo badan ayaa horey u balan qaaday inay ciidaamo Soomaaliya u soo dirayaan annagana diyaar ayaan u nahay inaan ciidamo kale u dirno Soomaaliya haddii ururka Misdawga Africa noo ogolaado”.
Dhanka kale Madaxweyne Pierre Nkurunziza wuxuu kaloo uu sheegay in kulankii uu la qaatay Madaxweyne Shariif uu is af garad ku dhamaaday isla markana ay isla gaareen go’aano muhiim ah.
Sida la wada ogsoon yahay Dawlada Burundi waxaa Soomaaliya ka jooga dhowr kun askari oo qeyb ka ah ciidamada Midawga Afrika ee AMISOM, kuwaas oo dagaal kula jira dagaalyahanada Xarakadda Al-Shabab oo maalmo ka hor baneeyay fariisimihii ay Muqdisho ku lahaayeen.
Balse sida laga warqabo Hogaanka AMISOM ayaa codsaday 3,000 oo askari oo lagu xoojiyo ciidamada Soomaaliya jooga ee AMISOM, taasi waxaa Maalmo ka hor codsigaas ka jawaabay Madaxweynaha Uganda Yuweri Musaveni wuxuuna ku dhawaaqay inuu Soomaaliya u soo dirayo illaa iyo 2,000 oo askari oo dheeraad ah.
SomaliSwiss Bujanbura
Filed under: Muqdisho
















































































































