
Halkaan ka akhri
Afhayeenka Howlgalada ciidamada Al-Shabaab Sheikh C/Casiis Abuu Muscab oo saxaafadda u waramaayay ayaa shaaca ka qaaday inay dagaalada sii wadayaan ilaa ay ka suulinaayaan Qarannimada iyo Calanka Buluuga ah ee Soomaaliya, wuxuuna Abuu Muscab sheegay inuusan ahayn Calanka Soomaaliya mid ku salaysan Diinta Islaamka, balse baddelkiisa ay meel kasta ka taagayaan calanka madow ee astaanta u ah kooxda Al-Shabaab.
Sidoo kale Afhayeenka Howlgalada ciidamada Al-Shabaab wuxuu sheegay inay iyagu doorteen qaab cusub oo ay dagaalka ku sii wadayaan, wuxuuna sheegay in qaabkaasi uu yahay mid dhibaato ku ah Ciidamada Dowladda iyo kuwa AMISOM, sida uu hadalka u dhigay.
Hase yeeshee hadalka Abuu Muscab ayaa imaanaya iyadoo ciidamada Dowladda KMG ah iyo kuwa AMISOM ay degeen fariisimihii ay horay uga joogeen kooxda Al-Shabaab magaalada Muqdisho, waxayna arrintan u muuqataa mid ay kooxdaasi isku muujinayaan in ay weli dagaalka sii wedi karaan xittaa hadii ay ka baxeen magaalada Muqdisho inteeda badan.
SomaliSwiss Muqdisho
Filed under: Muqdisho

















































































































