
Halkaan ka akhri
Sida ay sheegay Saraakaal ka tirsan hay’adaha sirdoonka wadanka Maraykanka (FBI) in hogaamiyihii Al-Qacida Marxuum Osama uu qoorsheynayey in weraro laga fuliyo wadamo ay Soomaaliya ka mid tahay.
Maqaal lagu soo qaray Wargeyska The Washington Post ee ka soo baxa wadanka Maraykanka ayaa lagu sheegay in qoraalo laga helay gurigii lagu dilay Osama Bin Laden ay muujinayaan in A
l-Qacida ay qorsheynaysay inay weeraro ka geysato wadamada Soomaaliya iyo Yemen waxaana wargeysku sheegay asagoo soo xiganaya saraakiil sirdoonka Maraykanka ka tirsan in Osama uu xilligii la dilay qorsheynayay inuu duub cajal uu ku farayo dagaalyahanada ku sugan wadamada Soomaaliya iyo Yemen inay geystaan weeraro argagixiso.
Sidoo kale qoraalka la helay waxaa lagu sheegay in Osama uu gacanta ku hayay qorshe la doonayay in weeraro looga geysanayo Soomaaliya gudaheeda isla markaana uu maalmo ka hor xiriiro la sameeyay qaar ka mid ah dagaalyahanada ururkiisa taageersan ee Soomaaliya ku sugan gaar ahaan Xarakadda Mujaahidiinta Al-Shabab.
Wargeyska The Washington Post wuxuu qoray in Sarkaal ka tirsan hay’adda CIA ee dalka Maraykanka aan magaciisa sheegin ayaa waxaa laga soo waryey inuu yiri: “Muhiimada ugu weyn ee Osama sanadkan waxay aheyd weeraro laga fuliyo Soomaaliya iyo Yemen” sidaas awgeed wargeyskawuxuu caddeeyey in Maraykanka uu dhawr jeer xusay inuu jiro xiriir hoose oo ka dhaxeeya Al-Shabab iyo Al-Qacida.
Hase yeeshee Xarakada Al-Shabab oo ka hadashay dilka Bin Laden ayaa waxay xusay inaysan wax sameyn ah ku yeelan doonin hawlahooda dilka Bin Laden, bale Shababku ay caddeeyeen inay dagaal kula jira ciidamada dawlada KMG ee Soomaaliya, kuwa midawga Africa ee AMISOM iyo kuwa Ahlu Sunna waljamaaca.
SomaliSwiss Washington
Related articles
- Ra’isalware Farmaajo oo magacaabay Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed, iyo qaar ka mid ah Agaasimiyaasha Guud ee Wasaaradaha. (somaliswisstv.com)
- Dowladda KMG ah oo xabsiga dhigtay Maxamad Dheere iyo 5 qof oo kale. (somaliswiss.wordpress.com)
- Ciidamada Badda ee wadanka Holland oo khasaare u geysteen Burcad badeed Somali ah. (somaliswisstv.com)
- Wasaaradda gaashaandhiga wadanka Spain oo sheegtay in Ciidamadeeda badda ay qab-qabteen koox burcad badeed Soomaali ah. (somaliswisstv.com)
- Xaflad weyn oo lagu sagootinayay maamulka iyo madaxda dowlad goboleedka Hiiraan & Midland STATE oo xalay ka dhacday magaalada London. (somaliswisstv.com)
- Source: Bin Laden directing al-Qaida figures(somaliswisstv.com)
Filed under: Washington DC

















































































































