Qiimaha Raashinka qutul daruuriga ah oo maanta sicir barar xoogan uu ku yimid Suuqyada Muqdisho.

Halkaan ka akhri

Warar goor dhaweyd uu noo soo diray wakiilka SomaliSwiss ee magaalada Muqdisho ayaa sheegay in maanta  sicir barar xoogan uu ku yimid sicirka Raashinka qutul daruuriga ee suuqyada Muqdisho, kadib markii uu hoos u dhaca uu ku yimid Sarifka doolarka Mareykanka oo ah kan ganacsatadu ay ku socodsiiyaan howlahooda ganacsi.

Suuqyada Muqdisho ayaa si aad ah looga dareemayaa sare u kaca raashinka, waxaana durba bilowday walaaca dadka danyarta reer Muqdisho ka muujinayaan sare u kaca badeecooyinka quutul duruuriga ah.

Wakiilka SomaliSwiss oo maanta soo booqday Suuqyada bakaaraha  iyo Xamar weyne oo xilligan ganacsi xowli ah ka jiraan, waxaa sidoo kale dhaqdhaqaaq xooggan uu ka socdaa suuqyo fara badan oo ku kala yiilay Waqooyiga Muqdisho, hase yeeshee waxaa dhammaan  goobaha ganacsiga xilligan si aad ah looga dareemayaa sare u kaca raashinka.

Sidoo kale Qiimaha Bur burka oo xilligii hore lagu iibsanayay $22  ayaa hada gaaray $27 , taasoo marka loo eego shan doolar ku darsantay qiimihii hore.

Dhanka kale Loorka Bariiska ayaa waxaa lagu kala iibsanayay qiimo dhan 31-doolar, halka Sokortana uu loorkii uu ahaa  41-doolar oo ah qiimo si aad ah uga sare maray qiimihii hore.

Ganacsatada ayaa sheegaya marka suuqa uu soo galo Doolar fara badan ay dhacdo in hoos uu u dhaco sarifka doolarka Mareykanka, waxaana taa bedelkeed uu sare u kac ku yimaadaa Raashinka qutul daruurtiga ah.

Sida la sheegay waxaa maalmihii u dambeeyay ay Dowladda KMG  ay waday mushaar qeybin  xagga  Ciidamada Dowladda ah iygoo qaadanayeen lacago ku dhow $100, taasoo loo sababeeyay hoos u dhaca qiimaha shilinka lagu sarifo Doolarka.

SomaliSwiss    Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.co

About these ads
Follow

Get every new post delivered to your Inbox.

Join 4,454 other followers

%d bloggers like this: