Sheikh Maxamed Idiriis oo taagerayaasha Al-Shabaab ee qurbaha u sheegay in aysan ku taageerin dhiiga ku daadanaya dadka Soomaliya.

HOOS KA DHEGEYSO KHUDBADDA

Halkaan ka akhri

Sheikh Maxamed Idiriis oo kamid ah Culumada Soomaaliyeed kuwa ugu  waawey ee urur diimeedkii ay kasoo farcameen Al-Shabaab ee Al-Itixaad, hase yeeshee markii dambe u xuubsiibtay Al-ictisaam iyo kuwa kale oo ka falaagoobey sida, Salafiya-Jadiid iyo xarakada Al-Shabaab ayaa haantan la soo baxay aragti cusub oo ka duwan tii hore loogu yaqaanay oo ahayd inuusan si toos ah ugu dhiirran ama ka aamuso, kooxaha magaca Diinta ku daadinaya dhiiga Muslimiinta Soomaaliyeed, inkastoo ay hore sidan oo kale afka fureen oo soo qeyliyeen dhamaan odayaashii ururkii Al-Itixaad ee qaarkood wax baray inta badan horjooga-yaasha Al-Shabaab.

Sheikh Idris oo jeediyey khudbad dheer, isagoo ay wehliyaan saaxiibadiis Sheikh Umal iyo Sheikh Hibili oo ay haatan kuwada sugan yihiin K/Africa ayaa ka digay arrin ay caan ku yihiin, qaar ka mid ah qurba joogta Soomaaliyeed oo ay horjoogaan wadaadada taageera kooxaha dagaalada ka wada Soomaaliya, kuwaas oo qurba joogta ka aruuriya lacago badan oo intooda badan lagu aruuriyo,  ayaa Soomaalida qurbaha u sheegay in aysan wax lacag ah siin dadka u adeega ururkaas, una dirin lacag kooxahaas, hadii kale ay noqonayaan kuwo si toos ah uga qeyb qaatay dhiiga Muslimiinta ee ku qubanaya Soomaaliya.

Sheikh Maxamed Idiris oo si gaar ah ula hadlayay qurbajoogta Soomaaliyeed ee jecel, Dalkooda, Diinta iyo wanaagga ayaa cod aad u dheer ku sheegay in qofkii ka raalli noqda dagaalada Soomaaliya ama dhaqaale u dira uu la mid yahay kuwa dadka dilaya.

“Nin America jooga ama dibadaha kaleba, Dhiigga Muslimiinta yuusan qayb ku yeelan, raalli uu ka noqon daadinta dhiig Muslim, dhaqaalana yuu ku bixin illeen waxba kama ogee” ayuu yiri Sheekh Idris oo sidoo kale arrin khatar ah ku tilmaamay aqrinta iyo aaminista Warbaahinta ay kooxdaasi leeyihiin, wuxuuna yiri “Amiiro dhiigga Muslimiinta ka tujaaraysanaya (ka ganacsanaya) ma ahan in aad u rarnaato oo noqoto Rati dadkale u raran, haddii aad sidaas yeeshana uma rarnid shareeco Islaam ee dad kale ayaad u raran tahay”.

Sh. Maxamed Idiriis wuxuu iftiimiyey oo hadalkiisa oo dheeraa ka mid ahaa, arimo badan oo SomaliSwiss ay horey  u qortay oo ku aadanaa in qaar ka mid ah, wadaadada tabarucaadka aruursada badankood ay ku fuliyaan arrimo dagaal, iyo danahooda gaarka ah, iyadoo ay aad u yar tahay waxa ay ka qabtaan balamihii ay kusoo aruuriyeen lacagahaasi.

Si kasta ha ahaatee, aragtidan cusub ee uu Sheikh Idriis uu ka qaatay ururka Al-Shabaab iyo kuwa kale ee daadinaya Muslimiin Soomaaliyeed dhiigooda ayaa ah mid soo dhoweyn mudan, haddiiba aysan ahayn aragti ku saleysan kala mowqif duwanaansho firqooyin diimeed oo asalkoodii laga yaabo inay isku koox ahaayeen.

Sababta keeneysa tuhunkaas ama dhaliishaas ayaa loo cuskan karaa; Sh Maxamed Idiris inuu yahay nin weyn oo in mudda ah dacwadda islaamka ku soo jiray, kana gaaray heer aad u sareeya, hadana maanta wuxuu gartay shalay kama qarsooneyn, inkastoo laga rabay ugu yaraan inuu mar hore sidaan u hadlo, markaas wuxuu heli lahaa aqbalaad iyo niyad wanaag toos ah, lakiin hadda hadalkiisa xilligaan, waxaa ladhihi karaa ‘waa iska Caano daatay gadaashood hadal yimid’.

Ugu dambeyntii SomaliSwiss, waxay mar kale talo kusoo jeedinaysaa in umadda Soomaaliyeed ee wanaagga iyo kheyrka jecel ka fikiraan 9 (Sagaal) mar, halka ay ku bixinayaan hantidooda, waxaana kula talineynaa umadda Soomaaliyeed ee qeyrka jecel, in qofkii wax sadaqaysanaya uu si toos ah u gaarsiiyo dadka dhibaateysan.

Dhibaatada jirta maanta waxay tahay iyadoo u gargaarista dadka danyarta ah ama dhibaateysan ay noqotay arrin si khiyaamo kujirto dad uga ganacsado, dabadeedna looga qeyb qaato daadinta dhiig muslimiin Soomaaliyeed, waxaana meesha ku jirta in qaar ka mid ah dad sheegta inay yihiin wadaado Soomaaliyeed ay dano gaar ahaaneed oo ay leeyihiin darteed usoo shaqo tagaan qaabkaas, habdhaqanka noocaas ah oo aan ahayn mid diinta Islaamka sal ku leh ama lagu yaqaan.

HALKAAN KA DHEGAYSO KHUDBADDA

SomaliSwiss London

SomaliSwiss@hotmail.com

About these ads
Follow

Get every new post delivered to your Inbox.

Join 4,024 other followers

%d bloggers like this: