Nin Soomaali ah oo dilay Caruurtiisa, laguna maxkamadeyey dalka Mareykanka.

Halkaan ka akhri

Siciid Biyad oo ah Nin u dhashay Soomaaliya oo lagu soo eedeeyey inuu dilay Caruurtiisa ayaa la sheegay in lagu Maxkamadeynayo maxkamad ku taala dalka Mareykan, kadib markii lagu eedeeyey inuu dil bareer ah u geystay Afar Caruur ah oo uu dhalay kuwaasi oo da’doodu u dhaxaysay 2 ilaa 8 sano jir iyo dambiyo kale uu u geystay Xaaskiisa.

Hase yeeshee Qareenada Difaacya ninka soomaaliga ah ayaa sheegay inay u adeegsan doono difaaca dadka waalan Maxkamada marka la horgeeyo Saciid Biyad oo ku eedeysan inuu dilay Afartiisa Caruurta ahayd iyo Falal isugu jira Kufsi, jirdil iyo dhibaatooyin kale uu u geystay Xaaskiisa oo lagu magacaabo Faadumo Caamir.

Sidoo kale Afarta Caruurta ah ee uu dilay aabaha Soomaaliga ah waxaa lagu kala magacaabaa Siid Cali, Fartun, Khadija iyo Goshany, sidaa waxaa caddeeyey Booliska, sidoo kale waxaa la sheegay in Siciid  uu qirtay inuu dilay caruurtiisa kadib muran soo kala dhex galay isaga iyo Xaaskiisa.

Ugu danbeyntii Saciid ayaa suuragal noqon karta in lagu xukumo Dil toogasho ah, maadaama loo heysto eedeymo ku saabsan inuu dilay Afar Caruur ah oo uu dhalay dhibaatooyin kale duwana u geystay xaaskiisa taasi oo ka dhalan karta cawaaqib xumo haddii Maxkamadu cafis u fidiso Siciid Biyad.

SomaliSwiss     New York

SomaliSwiss@hotmail.com

About these ads
Follow

Get every new post delivered to your Inbox.

Join 4,723 other followers

%d bloggers like this: