Warbixin culus oo iftiiminaysa Madaxda sare ee Shirkadda SARACEN iyo shaqooyinkii ay horey usoo qabteen.

Halkaan ka akhri

SARACEN waa shirkad Amaan oo la kiraysto taas oo tababarta ciidamada qalabka sida, SARACEN waxaa la-sheegaa inuu leeyahay

Generaal Caleb Abandwanaho  oo loo yaqaan Salim Saleh, waana sarkaal hawlgab ah oo ay walaalo yihiin Madaxweynaha Uganda, Yoweri Museveni, isla markaana Dawladda Uganda u ah lataliye sare, waxay kasoo shaqeysay wadamo intooda badan yihiin Africa, kuwaas oo badankood laga ceyriyay, waxaana ka mid ah Sieralyoon oo loo qabtay inay uga baxaan 48 saacadood.

Mas’uuliyiinta Hay’addaan u qaabilsan, dhinaca socodsiinta iyo fulinta howlaha Dowladda KMG ah ay kula heshiisay shirkadda, waa dad farahu ku godan yihiin, gaarahaam markii ay noqoto, Taariikhdoodii hore ama shaqooyinkii ay hore u qaban jireen, waxaana idiin soo bandhigaynaa 4-ta ugu sareysa, oo kala ah;

1.    Bill Pelser, Madaxa guud ee howl gallada Shirkadda  Saracen.


2.    Lafras Luitingh,  waa madaxa howl fulinta Shirkadda.


 

 

 

3.    Pierre Prosper, wuxuu qaabilsan yahay ka talo bixinta howlaha nabad  gelyada, argagixiso ladirirka, musuq    maasuqa iyo waxyaabo kale oo abdan oo ku jira liiska shaqadiisa.


4.    Michael Louis Shanklin, Madaxa Nabad gelyada, tababarada ciidamada, istaraatiijiyadda
Meleteriga,    sirdoonka iyo qalabka aan la arag ee ciidamadu isticmaalaan iyo waxyaabo kale.

Inkastoo ay aad u badan tahay xogta iyo warbixinada aan qurxooneyn ee la xiriirta, shirkaddaan iyo dadka ka shaqeynaya, Waxaan halkaan idiin kugu soo gudbinaynaa nuxurka Warbixinnada ugu muhiimsan Afartaas qof oo yara faah faahsan, intii aan u aragnay inay tahay muhiim ee aan waqti iyo boos u helnay inaan daabacno, waana sidaan soo socota;

1.    Bill Pelser, waa Madaxa Shirkaddaan, Waa Sarkaal sare oo ka tirsanaan jiray ciidamada gaarka ah iyo kuwa  Sirdoonka K/Afrika, waxaa jira warbixinno badan oo wax ka sheegaya, laakiin tifaftirayaasha SomaliSwiss baaritaan dheer ka dib, waxay go’aansadeen, in qormada Pelser lagu soo uruuriyo inuu ahaa Sarkaal ciidan iyo Sirdoon oo K’Afrikaan ah.

2.    Lafras Luitingh oo ah ninka Shirkadaas u saxiixay Heshiiskii ay la gashay dowladda Soomaaliya, waa madaxa hawlgalinta Shirkada, waana ninka ugu taariikh-da xun 4-ta qofood ee sare, wuxuu mar madax kasoo noqday (Laamo ka mid ah hay’ad sirdoonka K/Afrika u qaabilsaneyd qaarijinta iyo dilalka qorsheysan oo lagu magacaabi jiray CCB) waqtigii midab takoorka, qeybta uu madaxda ka ahaana waxay qaabilsaneyd, miishinada dilalka qorshaysan, waxaana xafiiskiisu ahaa oo uu ka howl geli jiray Caasimadda Angola ee Luanda.

Unuggii ka tirsanaa CCB ee uu madaxda ka ahaa Lafras, ururka ANC markii ay talada dalkaas qabteen, waxay ku eedeeyeen inuu Lafras Luitingh maleegay qorshe lagu dilay 1989-kii Sargaal sare oo ka tirsanaa ANC, oo lagu magacaabi jiray  David Webster, ka dibna wuu ka fakaday dowladda South Africa markii dambiyadaas loo qabsaday.

Lafras Luitingh, Hadda wuxuu ku socdaalaa magac qarsoodiya oo ugu qoran dhammaan documents-ka muhiimka ah ee qof u baahdo, kumana shaqeeyo magacyadaas qarsoon ee wuxuu isticmaalaa magaciisii hore, kaas oo aan ugu qorneyn Documentiyada, sida Baasaboorka, Leysinka iyo waxyaabaha kale ee muhiimka ah.

3.    Pierre Prosper, Wuxuu lasoo shaqeeyay CIA-da, sidoo kale, wuxuu ahaa Safiir ka tirsan Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Maamulkii George W. Bush, wuxuu ahaa Safiir qaabilsan inuu si fiican ula socdo Meelaha Colaadaha iyo dambiyadu ka socdaan, shaqadaas oo ka mid ah qeybaha joogtada ah ee wasaaradda Arimaha Dibadda Mareykanka.

wuxuu howshaas hayay ilaa 2005-tii, isagoo si toos ah u wargeli jiray Colin Powel iyo Condeleza Rice, sidoo kale wuxuu warbixinno iyo talooyin joogta ah siin jiray, Madaxa howl galalda CIA-da, Wasiirka Gaashaan dhigga, Wasiirka Cadaaladda, Taliyaha guud ee ciidamada Mareykanka iyo xittaa George W. Bush.

Halkaan ka Akhri Warbixinta ninkaan shaqadiisa oo ku qoran bog uu isagu leeyahay.

4.    Michael Louis Shanklin, Wuxuu ka mid ahaa dadka fara ku tiris-ka ahaa ee kasoo jeeda African-American ee Hay’adda CIA-da u shaqeeyay, wuxuuna ahaa ku xigeenka madaxii CIA-da Soomaaliya intii aysan bur burin dowladdii Kacaanka ee Siyaad Barre, hase yeeshee dib ayuu Soomaaliya ugu soo laabtay intii aysan Soomaaliya tegin ciidamadii UNISOM, isagoo joogay ilaa 1995-tii, muddo 13 sano ah oo uu la shaqeynayay CIA-da ka dib ayaa laga joojiyay shaqadii, markii uu guursaday Haweeneey Talyaani ah oo uusan u fasaxeyn xiriirkeeda, xeerka CIA-du ku shaqeyso, iyadoo sidoo kale lagu eedeeyay, inuu maleegay dilka Ganacsade Somali ah oo la shaqeynayay CIA-da, isla markaasna xiriir dheer uu kala dhexeeyay haweeneyda uu markii dambe Shanklin guursaday, waxaana lagu tuhmay inuu ninka Soomaaliga ah u dilay si uu u hantiyo Haweeneydaas, sababahaas ayaana ugu waaweynaa inuu ka tago shaqadii CIA-da.

Si kastaba ha noqotee Shanklin wuxuu CIA u shaqeeyay muddo 13 sano ah, isagoo howlo kala duwan kasoo qabtay, ama kasoo shaqeeyay; France, Kuwait, Sudan, Chad, Algeria, Jordan, Liberia iyo Somalia; halkaan ka aqri Maqaal dheer oo English ah kaas oo sharaxaya nuuca qofka uu yahay Michael Louis Shanklin oo Washinton Post ka qortay Axad, April 29, 2001-dii. ama iskaba halmaan oo Haddii aadan Fahmi karin English-ka halkaan ayaad ka aqri ikartaa isagoo Somali ku tarjuman ee riix:

SomaliSwiss London

SomaliSwiss@hotmail.com

About these ads
Follow

Get every new post delivered to your Inbox.

Join 4,603 other followers

%d bloggers like this: