Liiska Magacyada Tobanka Sarkaal ee ugu sareysa Wakiilada Al-Qaacida ee Soomaaliya, Jaziiradda Carabta iyo Bariga Afrika.

Halkaan ka akhri

Dhowaan shabakadda SomaliSwiss waxay soo daabacday, liiska Magacyada, xilalka iyo qabiilooyinka ay kasoo jeedaan 42-da xubnood ee ugu sareysa qeybta Soomaalida ah ee guddiga fulinta Xarakada Al-shabaab oo ka kooban 85 xubnood oo 43 ka mid ah ay yihiin Ajaanib, waxaana hore idin kugu ballan qaadnay sidoo kale inaan idiin soo gudbin doonno liiska magacyada Ajnabiga ah.

Waxaa inoo suurta gashay baaritaan dheer ka dib inaan helno liiska Magacyada, xilalka iyo wadamada ay kasoo jeedaan tobanka hogaamiye ee ugu sareysa wakiilada Al-Qaacida ee taakuleeya ama ka dhinac dagaalama Xarakada Al-Shabaab.

Hadaba, magacyadaan soo socdaahi waa 10-ka sarkaal ee ugu sareeya ee si toos ah u hoos taga urur weynaha Al-Qaacidda, waxaadna ogaataan inuu liiskaani yahay mid qabyo ah oo ay ka maqan yihiin 33 xubnood oo kale, oo ay ka mid yihiin dad saraakiil laga yaabo inaad maqasheen magacyadooda oo ay ka mid yihiin Abuu Mansoor Al-Ameriki iyo Abuu Cabdalla Al-Liibi, waana sidaan hoos ku sharraxan Magacyada, wadamada iyo xilalka tobanka ugu sarreysa hogaamiye-yaasha Al-qaacidda ee ku sugan Soomaaliya:

Abu Seif Al Sudani: Fadil Cabdalla Maxamad, wuxuu u dhashay Jaziiradda Comoroos, waa madaxa howl gallada Al-Qaacida ee Bariga Africa, isla markaasna ah Taliyaha ugu sarreeya, Hogaamiye yaasha Milleteri ee Ciidamada Xarakada Al-Shabaab.

Abu Khaliila Al-Shamari: Wuxuu u dhashay Wadanka Kuwait, waa ku xigeenka Abu Seyf Al-sudani, ee Howl galada Al-Qaeda ee Geeska Afrika.

Sheikh Maxamed Abu Faacid: wuxuu u dhashay Wadanka Sacuudiga, Waa Hogaamiyaha guud ee AlQaacida u qaabilsan, Maalgelinta,  dhaqaalaha iyo socodsiinta Howlaha Al-Shabaab.

Abu Suleymaan Al Banaadiri: Waa Yemeni-Soomaali, ku barbaaray dalka Yemen: Waa Hogaamiyaha Guud ee A-Qaacidda ugu xilsaaran, Latalinta, Qorsheynta iyo istaraatiijiyadda Siyaasadeed ee Xarakada Al-Shabaab, wuxuu in muddo ah ku sugnaa dalka Afganistaan, kuna qaatay tababaro kala duwan.

Abu Musa Al Mombasa: wuxuu u dhashay wadanka Pakistan, waa wakiilka guud ee Al-Qaacida ee Nabadgelyada iyo Tababarada u qaabilsan Xarakada Shabaab.

Maxamuud Mujajir: wuxuu u dhashay wadanka Sudan, Waa wakiilka guud ee Al-Qaacida u qaabilsan qeybaha Tababarridda Qaraxyada iyo ismiidaaminta ee Shabaab.

Cabdifatax Aweys Abu Xamza: Asalkiisa waa Soomaali, kusoo barbaaray waxna ku bartay dibadaha waa Hogaamiyaha Guud ee Meleteriga garab lagu magacaabo (Mujaahidiinta Al-Qudus ama Shabaab’s Jerusalem Brigade) oo shaqadoodu tahay Howl gallada qorsheysan ee Soomaliya ama Bariga Afrika, wuxuu tababar kusoo qaatay Afghanistan, wuxuuna garabkaani ka mid yahay qeybta Meleteriga Al-Muhaajiruun ee Al-Shabaab, waa garab Meleteri oo si toos ah uga amar qaataa Abu Seyf Al-sudani.

Issa Osman Issa: wuxuu u dhashay wadanka Masar, waa Hogaamiyaha guud ee Al-Qaacidda u qaabilsan  Tababariidda Taliye-yaasha Meleteri iyo istraatiijiyada Ciidamada ee Al-Shabaab.

Abu Yaziid Faysal Almifsali: wuxuu u dhashay dalka Yeman, waa Hogaamiyaha guud ee howlgallada Yeman iyo Sacuudiga, isla markaasna ah, Isku xiraha guud ee Al-Shabaab iyo ururka Al-Qaacida ee Jaziiradda carbeed.

Ilyas Hassan AlQayaadi (Abu Yaxya Al Liibi), Wuxuu u dhashay dalka Liibiya, waa Hogaamiye Sare oo ka tirsan Howl wadeenada Mileteri ee Shabakadda Al-Qaacidda.

Markii  aan intaas kusoo gaabinno qormadaan, Waxaan rajaynaynaa inaad sida ugu dhaqsiyaha badan SomaliSwiss uga heli doontaan xogta ka harsan qormadaan, innagoo gacanta ku hayna inta badan xogta loo baahan yahay laakiin aysan u diyaarsanayn weli in la daabaco, sababo la xiriira hubin iyo xaqiijin, si loo helo xog sugan oo ka tarjumaysa runta.

SomaliSwiss Monitoring Desk
SomaliSwiss@hotmail.com

About these ads

One Response

  1. Asc somaliswiss wad ku mahadsantihin sida wanagsan ee aad noogu soo gudbisen wax in la ogaado larabay wad ku mahadsan tihin

Comments are closed.

Follow

Get every new post delivered to your Inbox.

Join 4,737 other followers

%d bloggers like this: