
Halkan ka akhri
Wararka ka imaanaya magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa waxaa ay sheegayaan in ciidamada Al-Shabaab ee Jowhar ay ka soo xireen Tuulo ka tirsan Degmada Mahadaay Sheikh Caan ah oo lagu magacaabo Sheikh Maxamuud Sh. Muse Cigalle.
Sheikhan Caanka ah ee xarakada Al-Shabaab ee ay soo xireen ayaa waxaa uu adeer u yahay Madaxweynaha dowladda KMG Soomaaliya Sheikh Shariif Sheikh Axmed Sheikh Muuse Cigalle.
Hase yeeshee lama Cadeyn karo ilaa iyo hadda sababta rasmiga ah ee ka dambeysay xariga ay Al-Shabaab u geysteen Sheekhaasi Caanka ah, wallow warar kale ee aanu ka heleyno Jowhar ay sheegayaan in arinta xarigiisa ay daba socoto arimo Siyaasadeed, wallow Sheekhan uu Adeer u yahay Madaxweynaha dowladda KMG Somaliya.
Wararka waxaa ay intaasi ku darayaan in xarakada Al-Shabaab ee Jowhar ay Sheikhan ku tuhmeen in uu arimo ka dhan ah maamulkooda uu waday, balse arrintani ayaa waxaa si aad ah uga xumaaday Odayaasha, Waxgaradka iyo Nabadoonada Gobolkaas.
Si kasta ha ahaatee arrintan ayaa noqoneysa, markii ugu horeysay oo ay nin Adeer u ah madaxweyne Sheikh Shariif ay gacanta ku dhigaan xarakada Al-Shabaab, iyagoona la ogeyn halka ay la aadeen Sheikhaas caanka ah.
SomaliSwiss Jowhar
Filed under: Muqdisho
















































































































