
DAAWO SAWIRADA KALE
Halkaan ka akhri
NAGA RAALI AHAADA SAWIRADA OO AAN MUUQAALKOODA WANAAGSANEYN DARTIIS.


Waxaa tartan ciyaareed sanadkiiba mar la qabto xiliga xagaaga ka dhacay wadanka Switzerland, tartankan oo ay ku kulmeen ciyaartooyda heerka koowaad ee gobolada dalka Switzerland ayaa waxaa isugu yimid sagaal gobol oo ka tirsan jaaliyada Soomaaliyeed ee degan wadanka Swiss-ka waxaa martigeliyay koobkan oo lagu qabtay gobolka Laussane iyada oo dhamaan gudiyad ciyaaraha iyo sports-ka jaaliyada Soomaaliyeed ee wadanka Switzerland.
Ciyarahan oo si wanaagsan u dhacay ayaa waxaa ka soo qayb galay bulshada Soomaaliyeed ee xiisaysa ciyaaraha ee ku dhaqanka wadankaa gudiyada gobolada kala duwan ee Soomaalida ah iyo ciyaartooy Soomaaliyeed oo meeshaas ka dhigay ciyaar wanaag iyo wacdaro iyada oo aad ka dheehan karaysan farxad iyo yididiilo dhalinyarada Soomaaliyeed ee meeshaas isugu timid
Tartanka waxaa ugu danbayntii isugu soo hadhay laba kooxood sidii caadada ahayd gobolka Geneva iyo Zurich waxaana koobkii halkaas ku hantiyay guushiina raacday gobolka Zurich oo ciyaaryahanadoodu soo bandhigeen ciyaar aad u cajab gelisay daawadayaashii iyo taageerayaashii kooxaha lakala socday iyada oo amaan iyo bogaadin ay u soo jeediyeen dhamaan gudiga jaaliyada Switzerland qaybaheeda kala duwan.
Gudiga qabanqaabada Arimaha bulshada jaaliyadda Zurich Mudane Bashiir Bootaan Cabdulaahi iyo tababare Xasan Maxamed Cumar macalinka kooxda guushu raacday ee gobolka Zurich oo lagu amaanay ciyaar wanaag akhlaaq iyo isku xidhnaan waxaa kale oo halkaas iyagana amaan iyo dhiirigelinba looga soo jeediyay dhalinyaradii ciyaartoyda ahayd ee reer Zurich.
Kooxda Zurich oo koobkii ka horeeyay kan haysta ee sanadkii la soo dhaafay ayaa waxay noqonaysaa kooxda koowaad ee wadanka switzerland maadaama laba sanadood oo isku xiga ay ku guulaysatay koobka is dhexgalka dhalinyarada ee xiliga sumerka ama xagaaga .
Waxaad ka dheehan kartaa sawirada iyo muuqaalka jaaliyada Switzerland iyo isku xidhnaanta umada Soomaaliyeed ee ku nool waxaana inshalaah la sugayaa hadii la noolaado in koobkan koobkiisa ay kooxaha kalena wacdaro ka muujin doonaan.
waxaa diyaariyay
Cabdiraxiin Hilowle Galayr
SomaliSwiss@hotmail.com





Filed under: Dhicisow

















































































































