
Halkaan ka akhri
Afhayeenka Ciidamada AMISOM ee ku sugan Muqdisho ayaa sheegay in dagaaladii maanta ka dhacay Muqdisho ay ku dileen 25 dagaalyahan oo ka tirsanaa Xarakada Al-Shabaab iyagoo dhinaca kala sheegay iun askar ay uga geeriyootay dagaalkaasi.
Warku wuxuu intaa ku darayaa in dagaalkii saaka ka billaabmay magaalada Muqdisho uu soo gaaray ilaa galinkii dambe ee maanta wuxuuna u dhexeeyay Ciidamada dowladda KMG Soomaaliya oo ay caawinayeen ciidamada AMISOM iyo xarakada Al-Shababa iyo Xisbul Islaam ayaa dagaaladaasi waxaa ka hadlay oo dhinacooda faah faahin ka bixiyay taliska ciidamada AMISOM ee ku sugan Magaalada Muqdisho.
Dhanka kale Afhayeenka Ciidamada AMISOM Barighye Bohuko oo u waramayay Caawa Warbaahinta ayaa sheegay in dagaalyahano ka tirsan Shabaab iyo Xisbul Islaam weerar ay ku soo qaadeen fariisin ay ku leeyihiin degmooyinka Hodon iyo Howlwadaag, waxaana uu sheegya in halkaasi uu ka dhacay dagaalo culus oo fool ka fool ah.
Barighye Bohuko wuxuu sidoo kale sheegay in dagaaladaasi ay ku dileen ilaa 25 dagaalyahan oo uu sheegay in ay ka tirsanaayeen Xarakada Al Shabaab islamarkaana ay kala wareegeen hubkii ay wateen, waxaana uu intaasi ku daray in meydadka dagaalyahanadaasi ay u bandhigeen qaar ka mid ah warbaahinta Muqdisho iyo kuwa dibadda.
Hase yeeshee Afhayeenka Ciidamada AMISOM ayaa warbaahinta u sheegay in dagaalkii maanta uu dhinacooda uga geeriyooday hal askari oo ka tirsana ciidamada Uganda ee ku sugan Magaalada Muqdisho iyadoo uusan faah faahin inta ay la egyihiin dhaawacyada soo gaaray askartooda.
Hadalka Ciidamada AMISOM ayaa imaanaya xili maanta Magaalada Muqdisho uu ka dhacay dagaal xoog badan oo khasaare badan geystay, kaasi oo la sheegay in uu ka mid ahaa dagaaladii ugu cuslaa ee mudooyinkaani ka dhaca Magaalada Muqdisho.
SomaliSwiss Muqdisho
Filed under: Muqdisho

















































































































