
Halkaan ka akhri
Kulankii labaad ee wadahadalada Bariga dhexe ayaa shalay uga furmay magaalada Sharma el Sheikh ee dalka Masar, Hogaamiyayaasha Israel iyo Falastiiniyiinta, waxaana Kulan wadahadalada ku soo biirtay xoghayaha arimaha dibadda ee Mraykanka Hilary Clinton.
Hay`adda Warbaahinta BBC ayaa sheegay in masuuliyiinta Maraykanka ay rajaynayaan in xuduudahaha dal falastiin in ay noqon doonto arimaha ugu horeeya ee laga hadlayo .
Falastiiniyiinta ayaa ku hanjabay inay ka baxayaan wadahadalka haddii Isra`el ay dib u bilawdo dhisida guryo cusub ee dhulka falastiiniyiinta ee ay xoogga ku haysato.
Hase yeeshee Kulanka wadahadalka waxaan ka soo qayb gelin Hogaamiyaha Jabhadda Xamas ee maamusha Gaza Maxamoud, hase yeeshee Hoggaamiyaha Xamas wuxuu BBC u sheegay in wadahadalkan uu yahay sidii kuwii hore oo aysan waxba ka soo baxeen.
SomaliSwiss Sharma el Sheikh
Filed under: Wararka

















































































































