Saado Cali Warsame: Uma gefin Cabdi Nuur Alaale ee waxaa ay ka jawaabtay sidii uu ula hadlay Binti Cumar Gacal iyo Haweenka Soomaaliyeed.

Halkaan ka akhri

alt

Dhagayso Heesaha Fanaaniinta Binti, Alaale iyo Saado Cali: Dabcan qof kasta si ayuu u tarjumay ama u qaatay heestan ay Fanaanada Saado Cali Warsmae ay ku soo halqabsatay Fanaanka C/nuur alaale, waxaase lagama maarmaan ah in aan dib u milicsano sababta keentay in ay Saado xiligan u soo qaaday heestan iyo wixii ka horeeyey. 

 Waa hubaal in dad badan ay la socdaan jawaabta heestaan qaar kalana  ay iminka  uun maqleen, waxaase  xusid mudan  in Fanaanada Binti  Cumar Gacal  oo  ka mid aheyd Hobaladii Waaberi ay qaaday heestii caan baxday ee  Baladxaawo, iyada oo heestaasina ay  ka muuqatay cabasho iyo kugooyo nin u geystay iyo waxyaabihii dhexmaray, laakiin waxaa mudo dheer ka dib heestaasi  ka jawaabay Fanaanka C.nuur Alaale oo qaab aan asluubeysneyn u ula hadlay Binti Cumar Gacal isaga oo isla heestaas uun erayo dul saaray.

Waxaan  ka xumahay dadka qaar in ay Fanaanada Saado Cali Warsame ku eedeeyaan in ay aflagaado sameysay, waxaanse halkan ku  xaqiijinayaa in ay qaado heestan  ay tahay gar maxaa yeelay Fanaanka Alaale waxa uu meel uga dhacay dhamaan habliha Soomaaliyeed, taasina waxa ay keentay in ay fanaanda Saado Cali Warsame ay ka  gubato meel ka dhacaasi.

Shabakada Xusuus.com oo dib u baaris ku sameysay muranka heesahan ka dhashay ayaa waxa ay idin soo bandhigeysaa heestii koowaad ee Binti Cumar Gacal, heestii labaad ee Abdi nuur Alaale, iyo Heestan Sedexaad ee Saado Cali warsame.

HALKAN KA DHAGEYSO ISLA MARKAANA AQRISO HEESTA BINTI CUMAR GACAL EE BALAD XAAWO.

Barbaarka yarkaan ka eegtay
yarkii  isha iigu baaqay
wiilkii caashaqan aan beernee
aniga boob boob ku raacay

aniga balad xaawo joogo
haduu bari iiga yeeray
kolkaan boosaaso gaaray
muxuu burco iiga heesay

inoo beer sii maraayo
haduu badda doon ka raacay
inuu been ila jilaayee
adaa boqorow ogaaye
i bixiyoo  iga badbaadi

hadaan bogsadoon ak reysto
 sidaa uga boodo caashaq
jaceylba hadaan u booyo
hadaan nin dambaba

u baroorto hadaan baxsanow iraahdo
balaayaba ha iga raacdo

DHAGEYSO: HADABA  MAXAY AHEYD JAWAABTII UU HEESTAASI BALADXAAWO KA  BIXIYEY FANAAN ABDINUUR ALAALE DHAGEYSO OO AQRISO.

Jacaylkii wuxuu ba’naaday
Markaad baahidiinii badiseen
Bilaneey Baxsaneey huunooy
Baradii idinkaa ka baydhay
Markaan burco kaaga heesay
jaceylkii aan ku baaqay
Balinkii aan ku beegay
Alaylehe maad bilneyneee

Waalidkaa oon ku bixinin
Baloolay inan Ciyaarno
oon waliba boga kuu salaaxo
Boqorkeenu muu banaynee
Adkayso adaa u badheedhee

hadaad bogsateen haweenoo
ragii wuxuu baadi goobaa
intii aad halyeey bireyseen
boodharigaad boqonta gooseen
kuwii aad barihii ka saarteen
bintiyeey miyaad ilowday

Bintiyeey birisamaadkii
hablihii bilicdoodu buuxday
duuleed lagu waabariistiyo
wax beylaha lama arkeyne
Berbera anigoo dhex jooga`
Maxaa bur saciid ku geeyey
jaceylkeeni aad burburisay iyo
baxnaanadi aad xumeyseen
Waxaa basanbaas ku keenay
baroortuna ay ka yeedhay
bintiyeey waa dibad baxiiniiye
taladi waa lidkaa ka boodaye
ma maantey kula ba’naatay

hadaad bogsateen haweenoo
ragii wuxuu baadi goobaa
intii aad halyeey bireyseen
kuwaad bacmadow u dhiibteen
weliba booliskowgu yeedheen
Abaayo miyaad ilowday bintiyey miyaad ilowday.

DAAWO JAWAABTII SAADO CALI EE CABDI NUUR LLAALE

Gartaadii waxay bashiishay
waxay bulshadii la yaabtay
sal iyo baar waxaan laheynoo
bad iyo ceel kaaga dhacay

Baxsanow C.nuur alaaloow
waxaad baratoo taqaan
hadey baaskaa ahaatay
bariiqatay xaajadaadau
adigaa dembigaa bilaabay
maxaad u badbaadin weyday
 hablihi baalkaa jireen
hadii boowe aadan baran
sidee uga bogan kartaa

Hadii bixisidi ku qaaday
hablihi buufis kaaga dhacay
dhamaan baadi kula noqdeen
inaad sharaftooda buriso
banaanada kula wareegto
billaahi ma xaal gobeedbaa?

muxuu  basar kaa xumaaday
markaad dhaqankii ka beedhay
barbaariso hooyadaa iyo
gabdhihi waa beylah tir

hadaan sharci kuu baneynin
balooleey in aad cayaarto
bogeedana aad salaaxdo
kitaabkeebaa ka baadhay

waxaad beryo heeso qaaday
waxaad buun yeerineysay
ileyn been bay aheyde
balaayo kalaad jileysay
bustaalow kalaad aheyde

Hadii bixisidi ku qaaday
hablihi buufis kaaga dhacay
dhamaan baadi kula noqdeen
inaad sharaftooda buriso
banaanada kula wareegto
billaahi ma xaal gobeedbaa

Hadaba  macno badan ma sameynayaan in umada la jahwareeriyo suugaanleyda soomaaliyeedna waxa ay u aheyd dhaqan iyo caadi in  marka abwaan  tix curiyo abwaan kale u soo jawaabo, taasina waxa ay ka mid  tahay waxyaabaha  qiimaha u yeelo suugaanta, sidaasi daraadeed waxaan codsaneynaa in aan culeys  weyn loo yeelin.

Fanaanada Saado Cali Warsame waa Fanaanad heer qaran ah, waxa ayna Umada soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan u hayaan amaan iyo bogaadin, waayo waa halyeey aan weli ka harin dalkeeda iyo dadkeeda, waana wadaniyad xalaal ah.

Binti Cumar Gacal oo aheyd fanaanadii u horeysay ee Heestan Baladxaawo qaaday, fursad  uma aysan  helin inay ka jawaabto heestaasi laga soo daba qaaday, inkastoo Binti  mudooyinkii u dambeeyey uu waayuhu ku ciileen Magaalada Muqdisho, hase yeeshee  waa hubaal in ay ka gubatay  heesta Alaale.

Fanaanka C/nuur Alaale  inkastoo heestan  ay  u muuqato meel ka dhac hadana  isaga  sida muuqata kama aheyn   gef iyo  in  uu  meel uga dhaco haweenka Soomaaliyeed laakiin waxa uu heestan dabcan u qaaday  bal in uu difaaco  ninka ay ka eedshagatay Fanaanada Binti Cumar Gacal.

AKHRISTE MAXAY TAHAY ARAGTIDAADA?

FANAANADA SAADO CALI WARSAME IYO HEESTA HA LIBDHIN OO SOMALILAND KA CAROOTAY,

Source: Soomaalidamaanta and Xusuus

SomaliSwiss@hotmail.com

About these ads
Follow

Get every new post delivered to your Inbox.

Join 4,707 other followers

%d bloggers like this: